moqollofan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqollofan
(tilmaame) duuduuban oo dhan walba ka dedan. Dh: hagoogan, dedan. Li: feydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqollof
(fal) ded oo wada duuduub. Hadiyaddi dhaldhalaal ku moqollof. Dh: hagoog.
moqollof -ka: (magac, lab, keli) hagoog dhinac walba laga hagoogo oo meel bannaan loo dido. Dh: dedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqollofid
-da: (magac, dhedig, keli) wax duudub oo dhan walba ka dedid. Dh: duuduubid, hagoogid, dedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqorofad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg moqorofad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loollan
(Loollan-ka)
Dagaal ama arrin kale oo aad laysugu hawlo; dirir; halgan; tartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loollan
loollan¹: m.l (-nno, m.dh) Dagaal ama tartan laba quwadood oo iska soo horjeeda ka dhexeeya.
loollan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax laysku haysto dagaal ama tartan u gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loollan
loollan¹: m.l (-nno, m.dh) Dagaal ama tartan laba quwadood oo iska soo horjeeda ka dhexeeya.
loollan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax laysku haysto dagaal ama tartan u gelid. m.f.dh, loollamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loollan
v. struggle, compete
loollan: vl. n. struggle, competition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loollan
-ka: (n) contest (kontast); competition (kom-pitishan); struggle (istaraagel).
loolan: loolamay / loolantay: (v) make a contest (kon tast)-, struggle (istaraagel) ~ lootan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loollan
(fal) tartan adiga oo dagaal iyo halgan muujinaya. Dh: dirir, halgan, tartan.
loollan -ka: (magac, lab, keli) tartan iyo hirdan labo ama in ka badan dhexmara si ujeeddo loogu baratamo. Loollan siyaasadeed ayaa xisbiga dhexdiisa ka oogan. Dh: tartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moqorof
m.l (-fyo/moqorof, m.dh) Shay bir ka samaysan oo af xalleefsan leh oo ciidda iyo wixi lamida lagu qaado marka wax la dhisayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moqorof
m.l (-fyo/moqorof, m.dh) Shay bir ka samaysan oo af xalleefsan leh oo ciidda iyo wixi lamida lagu qaado marka wax la dhisayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moqorof
m. n. small shovel for the collection of garbage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqorof
-ka: (magac, lab, keli) weel yar oo godan oo laga sameeyo qolofta qunbaha nuskeed ama ubbada laga gooyo oo qooshka loxooxda lagu dardarsado kolka la dubayo. Dh: maqorofad, masti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moqorof
de: small shovel for the collection of garbage
lx: moqorof
pd: (-ka Pl: moqorof (ta))
ps: n2a-m, n5-m
key: moqorof
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mosollo
-da: (magac, dhedig, keli) harag idiin laga dhigo oo salaadda lagu tukado
mosollo -da: (magac, dhedig, keli) dhul bannaan oo weyn oo loo diyaarsho in dad badani ku tukadaan ciidaha iyo salaadaha jamaca badan leh
mosollo-da: (magac, dhedig, keli) dhul kor u kacsan oo banaan fidsan ah dhirtuna ku yartahay Mosollada reerka u ooda. Dh: xoog, burco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ollogan
(tilmaame) dad jaar ah; la is garab dejiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oollaan
(Oollaan-ta)
Wax meel yaal ahaan; meel dhignaan; degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollaan
m.dh la-mid: aallid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oollaan
v.-inf: to be situated (there)
oollaan vl. n., [abstract] location; state of being in a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel degenaan, ku noolaan, ku negaan.
oollaan -ta: (magac, dhedig, keli) meel oollid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
osollan
der. [adjective] in heat, sexually aroused (of a ewe)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
osollan
de: in heat, sexually aroused (of a ewe)
lx: osollan
pd: (osollanaa)
ps: adj-der
key: osollan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qollofo
-da: (magac, dhedig, keli) aflagaado iyo adyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqollow
m.l (-wyo, m.dh) la-mid: boqolle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolisan
(tilmaame) si wanaagsan u maaraysan ah; si fiican loo maamulay ah. Aqal si wanaagsan u moolisan kolkaad aragto gaari inay gasho garo. Dh: maamulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolleyn
m.f.dh eeg moollee. la-mid: moolleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolqolan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nirig naaska laga goynayo wax carrabka laga dalooliyay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqollaal
m.l.t Tiro ka kooban dhawr boqol.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqollaal
m.l.t Tiro ka kooban dhawr boqol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqollaal
-ka: (magac, lab, keli) tiro aan xadidnayn oo boqol illaa sagaal boqol u dhaxaysa. Boqollaal ciidan ah ayaa magaalada soo galay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolsan
(tilmaame) qof qorrax kulayl ah socda. Dh: dhalandhoolsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqorofad
-da: (magac, dhedig, keli) weel yar o qooshka lagu qaado marka lagu shubayo daawaha. Dh: moqorofad, masti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moqorafad
-da: (magac, dhedig, keli) daasad dheg la qabsado leh oo haamaha miyiga biyaha lagaga cabbo. Dh: moqorofad, daasad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) socoshada hadhimada dabadeed. Boqoolitaan ha ha gelin adiga oo badhi cabbay Dh: dhalandhoolitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: musallifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafsan
(tilmaame) faramadhan oo caydhoobay ah. Dh: caydhaysan, kacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: musallifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallafsan
(tilmaame) caydhaysan oo xoolo ka dhammaadeen ah.
musallafsan: (tilmaame) walafsan oo niyadkacsan. ah. Sac musallafsan ayaa i jiidhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musallifsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax musallifay ahaansho. la-mid: masallafsan, musallafsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
musallifsan
der. [adjective] bankrupt, impoverished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musallifsan
(tilmaame) wax kacay ah; caydhaysa oo xoolihii ka farabaxay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
musallifsan
de: bankrupt, impoverished
lx: musallifsan
pd: (musallifsanaa)
ps: adj-der
key: musallifsan