moosdameeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosdameeri
m.l Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moosdameeri
m.l Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosdameeri
-ga: (magac, lab, keli) nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawsdameer
-ka: (magac, lab, keli) tigaad burbur u baxda oo dawo ahaan loo adeegsado gaar ku dhaca xubnaha ahaanna xanuunnada kaadimmareenka. Dh: weyrax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogdheeri
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaalka qofka ee dhererka tilmaamaya kolka uu sare u joogsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdlameeri
f.g2 (-iyay, -isay) Bowd, bowdlameer u samayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-DAMEER
(Os-damer) S Bothriochloa insculpta (A.Rich) A. Camus. Gramineae.
May, S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
S Chloris roxburghiana Schult. Gramineae.
S Bothriochloa radicans (Lehm.) A. Camus. Gramineae.
N Cymbopogon scoenanthus (L) Spreng. Gramineae.
N Pennisetum setaceum (Forsk) Chiov. Gramineae.
N Tripogon leptophyllus (A.Rich) Cuf. Gramineae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moosbukeeni
m.l Moos waaweyn oo marka la kariyo la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosbukeeni
-ga: (magac, lab, keli) moos waaweyn oo marka la kariyo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdlameerin
m.f.dh eeg bowdlameeri.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DOOYO DAMEER
Eragrostis cilianensis 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOOYO-DAMEER
(Doio-damer) C Eragrostis cilianensis (All.)Lut. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moos-bukeeni
m.l Moos waaweyn oo marka la kariyo la cuno.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gossamer
/gosamar/ (n) 1. xuub-caaro, ama dunta khafiifka ah ee caaradu samayso (n) 2. wax kasta oo duntaas shabbaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Qof danihiisa ku jeedin. 2. Qof si qarsoodi ah ugu hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosmari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax kale hoostooda dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosmari
v. put under something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosmari
-yey I say: (v) place under, below or beneath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosmari
(fal) wax korka saarnaa hoos soo geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosmari
de: put under s.t.
lx: hoosmari
pd: (hoosmariyey)
ps: v2a=tr
key: hoosmari
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meosderm
Maqaar dhexaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moohaari
f.g2 (-iyay, -isay) Dalag beereed moohaar ku qiyaasid ama ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareer
musareer¹: m.l la-mid: musaraarid.
musareer²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: musaraar².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoomamee
-yey / qoomameysay: (v) feel remorse ~ shallaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saameeli
-da: (magac, dhedig, keli) is la ekaysün Derbigu saameeli buu u baahanyahay. Dh: simid saameelid -da: (magac, dhedig, keli) ku bilmay. Saameelid buu maalkiisii ku waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ansareeri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: ansaleeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coddheeri
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaqa qof leeyahay oo meel fog laga maqli karo.
coddheeri -ga: (magac, lab, keli) doorasho la galo inta cod ee lagu kala baxo ama la is dheeraaday.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Joogdheer
name-f tall and straight; beautiful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogdheer
magac loo baxsho gabadh muuq dheer oo qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joometeri
m.l (xisaab) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joometeri
m.l (xisaab) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joometeri
Geometry
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeeri
meermeeri¹: f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meermeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax sugaysay madadaalo aan run ahayn ku waqtiseejin. m.f.dh, meermeerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meermeeri
v. cause to go round and round, make wander
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meermeeri
-yey / say: (v) 1. give a false impression; fail to declare; say one thing and mean another ~ beebbeeni. 2. cause to make a circular rotation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeeri
(fal) cid wax kaa doonaysa kolba ballan been ah iyo cudurdaar u sheego. Nin baahan oo wax kuu soo doontay meermeeri ha is odha Dh: warwareeji, naanaabi.
meermeeri: (fal) wadwad oo kolba meel ge Gaadhiga soo meermeeri gacantu ha kuu fadhiisatee. Dh: wadwad, kaxkaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meermeeri
de: cause to go round and round, make wander
lx: meermeeri
pd: (meermeeriyey)
ps: v2a=pl
key: meermeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdareer
f.mg1 (-ray, -rtay) Geel meeshii uu fadhiyey inuu mirto awgeed uga dareerid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qoordheer
nickname; name-unisex long-necked (very beautiful or handsome)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soohdimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Dhul soohin u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soohdimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Dhul soohin u samayn. m.f.dh, soohdimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soohdimee
v. confine, mark the border of, set the boundary of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soohdimee
-yey / soohdimeysay: (v) put a border on; to establish a border between two farms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohdimee
(fal) soohdin iyo xad u kala samee. Soohdimee intaa hadhaw laysku qabsan. Dh: xadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soohdimee
de: confine, mark the border of, set the boundary of
initial: s
lx: soohdimee
pd: (soohdimeeyey)
ps: v2b=tr
key: soohdimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdlameer
m.l Ood cusub oo la saaro bowd gaboobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowsdheero
(Gowsdheera-da)
(xoolo, kd.) gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowsdheero
m.dh Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowsdheero
m.dh Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowsdheero
f. n., [collective] elongation of the molar teeth in animals which prevents them from eating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowsdheero
-da: (magac, dhedig, keli) ilig xoolaha soo dheeraada oo aanay wax cunin ilaa laga saaro. Laxda gowsdheerada ka saara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowsdheero
de: elongation of the molar teeth in animals which prevents them from eating
lx: gowsdheero
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: gowsdheero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareerid
m.dh la-mid: musaraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musdambeed
-ka: (magac, lab, keli) oodda aqalka la galo ka dambaysa. Musdambeedka ayuu libaax ka soo dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mustareexi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid u raaxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mustareexi
v. make someone happy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mustareexi
de: make s.o. happy
lx: mustareexi
pd: (mustareexiyey)
ps: v2a=tr
key: mustareexi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaredameer
m.l la-mid: qareduur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotodheeri
-da: (magac, dhedig, keli) gundheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooldheere
-ha: (magac, lab, keli) jiilaal dheere oo waqtigiisii dhaafay. Dh: jilaal xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soondheere
(Soondheera-ha)
Shacbaan; gasayar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soondheere
m.l Bilaha dayaxa ee Soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soondheere
m.l Bilaha dayaxa ee Soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soondheere
m. n. eighth month of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soondheere
-ha: (magac, lab, keli) shacbaan; gasayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soondheere
de: eighth month of the Somali lunar calendar (coming just before Ramadan)
initial: s
lx: Soondheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-time
syn: Gasayar, Shacbaan, Waabberiis
key: Soondheere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodshareer
(Foodshareer-ka)
Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa time ku lahayn, timo ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodshareer
m.l (-rro, m.dh) 1. la-mid: foodsaar 1 (3) 2. Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa timo ku lahayn, timo ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foodshareer
m. n., [compound] hair growing low over the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodshareer
-ka: (magac, lab, keli) timaha intooda foodda soo dhaafta oo salxaha wejiga intiisa bannaan soo kooba.
foodshareer-ka: (magac, lab, keli) cawska aqalka lagu xidho fooddiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foodshareer
de: hair growing low over the face
lx: foodshareer
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: foodshareer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolshareer
m.l Timo wejiga qofka qaybtiisa sare ka soo baxa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEES-DAMEER
(Ghesdamer) C Maerua somalensis Pax. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koordileera
Cordillera
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhareeri
(fal) matag balqan isjiidanaya ah hunqaac. Waligaaba mandhareeri haddaad wax cunin waxba kaa soo dhici maayaan. Dh: matag, madhareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdareerid
m.f.dh eeg mirdareer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) dhagax giraangir u eg oo leh handhar gacanta lagu wareejiyo oo biraha lagu soofeeyo. Dh: moolgamceed.
moolgacmeed -ka: (magac, lab, keli) bir ballaadhan oo inta mishiin lagu xidho biraha lagu gooyo ama wixii af seef ah leh lagu soofeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshareeri
-da: (magac, dhedig, keli) halka ama awooda wax lagu qarsado. Dh: sirqarsi.
xanshareeri -da: (magac, dhedig, keli) badhida la shiilo cad ka soo baxa oo dumarka iyo carrurtu cunaan.