mooroduugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Dh: mooraduugid, cidhibtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Cadaw ayuunbaa mooraduugid sameeya. Dh: mooroduugid, cidhibtirid, dabarjarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooroduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooradduugid
m.f.dh eeg mooradduug². la-mid: mooradduug¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooredduugid
(Mooredduugid-da)
Dhac moradduug ah cid ku dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduug
(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooroduug. Dh: baabi'i, dhammay, mooraduug.
mooroduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooraduug, idlaad, dabargo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooraduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugan
(tilmaame) la dabargooyay oo la dhameeyey ah. Reer mooroduugan ayuu ninkani ka hadhay. Dh: mooraduugan, dabargo'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, goobtii ay degganayd ama ay degganaayeen ka bixin.
barabixin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolo wixii ay lahayd ama ay lahaayeen ka qaadid. Dh: mooroduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduug
(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooraduug. Dh baabi'i; dhammay, mooroduug.
mooraduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooroduug, idlaad, dabargo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugan
(tilmaame) la dabargooyay oo la dhameeyey ah. Reer mooraduugan ayuu ninkan ka hadhay. Dh: mooroduugan, dabargo'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marduufid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama wax la qarinayo duuduubid oo kala saarid la'aan ku meel marin. La iskuma marduufee markaan kayga marinaayo. Dh: duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooradduug
mooradduug¹: m.l Dhac aan wax la isku reebin. la-mid: mooradduugid.
mooradduug²: f.g1 (-gay, -gtay) Cid hantidii ay lahayd oo dhan ka dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooradduug
m.l Dhac aan wax la isku reebin. moordi m.l 1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooradduug
v., [compound] rob, wipe out, plunder without leaving anything
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooradduug
de: rob, wipe out, plunder without leaving anything
lx: mooradduug
nt: mooradduug (ga) [vn2a-m]
pd: (mooradduugay)
ps: v1=cmp
key: mooradduug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moordoobid
m.f.dh eeg moordow². la-mid: moordow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moordoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho lai xoqo yeelasho. Xoolaha moordoobidda waa laga daweeyaa. Dh: cadhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooredduug
(Mooredduug-ga)
Dhac aan wax laysku reebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afruugid
m.dh la-mid: afuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baduugid
(Baduugid-da)
Burburin, jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduugid
m.f.dh eeg baduug. la-mid: baduugis, baduujin, baduujis, baduuqid, baduuqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u jiray baabi'intii ama burburintii. Dh: jejebin, burburin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codrogid
vl. n. phoneme
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codrogid
de: phoneme lit: changing voice
lx: codrogid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: codrogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardugid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xooluhu ay darka ka dhergaan ee ay kala nastaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foororid
(Foororid-da)
Wax foorora ahaan; fooror ku jirid, ku sugnaan, (ama foorarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foororid
m.f.dh eeg fooror². la-mid: foorar¹, foorarid, fooror¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foororid
-da: (magac, dhedig, keli) wax foorora ahaan; fooror ku jirid oo ku sugnaan. Dh: fooranid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordegid
m.f.dh eeg hordeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masuugid
(Masuugid-da)
Masuugnimo ku kicid; wax ku bakhaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuugid
m.f.dh eeg masuug².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuugid
-da: (magac, dhedig, keli) bakhayinimo ku kicid, wax ku bakhaylid. Masuugiddu raganimo maaha. Dh: bakhaylid. Li: bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrogid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, tigaad ood uga dulqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooroobid
(Ooroobid-da)
1. Ooro ku dhicid.
2. Xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooroobid
m.f.dh eeg oorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ooro ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoordiid
(Qoordiid-ka)
Timaha qoorta gaabin, xiirid; jeegaxiir yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiid
qoordiid¹: m.l Xiirmo yar oo qadaadka intiisa hoose lagu sameeyo. la-mid: qoordiir¹ (2).
qoordiid²: f.mg1 (-day, -dday) U q.: cid qadaadka u xiirid. la-mid: qoordiir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoordiid
vl. n., [compound] razor cut, cutting of the hair at the back of the neck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoordiid
-ka: (n) haircutting, especially razor cutting on the back of the neck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoordiid
-ka: (magac, lab, keli) xiirid la xiiro timaha qadaadka ku baahsan ee saynta ah oo timaha madaxa sadar keliya oo siman oo ay ku joogaan loo yeelo. Qoordiid ayaan wiilka u xiiray. Dh: jeegaxiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoordiid
de: razor cut, cutting of the hair at the back of the neck
lx: qoordiid
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: qoordiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogrogid
(Rogrogid-da)
1. Hadba dhinac u geddiyid, u rogid.
2. Geddis iyo ganacsi gelin, ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogid
m.f.dh eeg rogrog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogid
-da: (magac, dhedig, keli) ka baayac mushtarid.
rogrogid -da: (magac, dhedig, keli) hadba dhinac u geddiyid, u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooranuug
m.l Hal ilmaheeda gaar ula baxda oo nuujisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorinuug
m.l/dh la-mid: dooritus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduurid
m.f.dh eeg durduur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hootonuug
-ga: (magac, lab, keli) eeg hootanuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhigid
m.f.dh eeg hordhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluugid
-da: (magac, dhedig, keli) si tuuratuura leh oon isku sinnayn u tolid. Marada malluugidda ka bi'i. Dh: malmalluuqid, cucuyubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuugid
-da: (magac, dhedig, keli) ku bakhaylid. Wax ad hayn ku mansuugiddisu waa qalad. Dh: bakhaylid, mansuugis.
mansuugid-da: (magac, dhedig, keli) saluugid oo biiro doonid. Dh: saluugid. Li: bismillaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masruufid
(Masruufid-da)
Masruuf siin, bixin; nafaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masruufid
m.f.dh eeg masruuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin, biil bixin. Nin aan shaqo hayn masruufid lagama doono. Dh: masruufis, biilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufid
m.f.dh eeg mayruuf². la-mid: mayruufis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soodoogid
m.f.dh la-mid: sooddoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warduubid
-da: (magac, dhedig, keli) xog ururin oo kaydin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doordoorid
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad wax badan xulasho ku samaynaysid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugduugid
(Duugduugid-da)
In badan duugid ama ku celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugduugid
-da: (magac, dhedig, keli) hab tuutuujin iyo salaaxid iskugu jira oo jidhka daalka lagaga saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) weji u maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhigid
m.f.dh eeg hoosdhig². la-mid: hoosdhig¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horudhigid
m.dh Saacad iyo wixi lamida hore gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u marin; horay u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moormoorid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u humoobid oo calal u noqosho. Dh: moodhmoodhid, humoobid.
moormoorid -da: (magac, dhedig, keli) bisayl darteed la jilcid oo la kala daadasho. Dh: muudhmuudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiidid
m.f.dh eeg qoordiid². la-mid: qoordiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoordiirid
m.dh la-mid: qoordiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituurid
m.f.dh eeg qorituur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooddoogid
m.f.dh eeg sooddoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduugid
m.f.dh eeg daganduug². la-mid: daganduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax deggan dabada ka marid oo dhicid ama wada dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo yaraada noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolobuuxis
gu'gii ka danbeeyey abaartii la odhanjiray xoolafidha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolodhiqid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo cayniqabasho oo ururintooda iyo daryeeliddooda ka shaqayn.