ereyga

mooroduugan

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooroduugan

DHAN

(tilmaame) la dabargooyay oo la dhameeyey ah. Reer mooroduugan ayuu ninkani ka hadhay. Dh: mooraduugan, dabargo'an.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooraduugan

DHAFAN

(tilmaame) la dabargooyay oo la dhameeyey ah. Reer mooraduugan ayuu ninkan ka hadhay. Dh: mooroduugan, dabargo'an.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooroduug

DHAFAN
1

(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooroduug. Dh: baabi'i, dhammay, mooraduug.

2

mooroduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooraduug, idlaad, dabargo'.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooroduugid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Dh: mooraduugid, cidhibtirid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooroduugis

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooroduugid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooraduug

DHAFANDHAAF
1

(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooraduug. Dh baabi'i; dhammay, mooroduug.

2

mooraduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooroduug, idlaad, dabargo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooraduugid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Cadaw ayuunbaa mooraduugid sameeya. Dh: mooroduugid, cidhibtirid, dabarjarid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooraduugis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooraduugid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mooradduugid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg mooradduug². la-mid: mooradduug¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mooredduugid

DHAFANDHAAF
1

(Mooredduugid-da)

2

Dhac moradduug ah cid ku dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mooradduug

DHAFANDHAAF
1

mooradduug¹: m.l Dhac aan wax la isku reebin. la-mid: mooradduugid.

2

mooradduug²: f.g1 (-gay, -gtay) Cid hantidii ay lahayd oo dhan ka dhicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

mooradduug

DHAFANDHAAF

m.l Dhac aan wax la isku reebin. moordi m.l 1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mooradduug

DHAFANDHAAF

v., [compound] rob, wipe out, plunder without leaving anything

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mooradduug

DHAFANDHAAF
1

de: rob, wipe out, plunder without leaving anything

2

lx: mooradduug

3

nt: mooradduug (ga) [vn2a-m]

4

pd: (mooradduugay)

5

ps: v1=cmp

6

key: mooradduug

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mooredduug

DHAFANDHAAF
1

(Mooredduug-ga)

2

Dhac aan wax laysku reebin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

baduugan

DHAFANDHAAF
1

baduugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax la baduuqay noqosho. la-mid: baduuqan¹.

2

baduugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax ka baduuqay ahaansho. la-mid: baduuqan².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

baduugan

DHAFANDHAAF

der. [adjective] broken, shattered; broken in small pieces, crushed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

baduugan

DHAFANDHAAF

-baduugnaa/baduugnayd: (adj) smashed (is maa shidh); crashed (karaashidh)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baduugan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) wax jajaban ahaan; wax baaba'san ahaan. Guri baduugan buu gabadha ku hooyey. Dh: burbursan, jajaban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

baduugan

DHAFANDHAAF
1

de: broken, shattered; broken in small pieces, crushed

2

lx: baduugan

3

nt: baduugan (baddugmay) [v1=inch]

4

pd: (baduugnaa)

5

ps: adj-der

6

key: baduugan

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maduuran

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) dabar go'an oo halaagan. Ummad aqoon lahayni waa ummad maduuran. Dh: cidhibla', tirtiran.

2

maduuran-ka: (magac, lab, keli) idlaasho dad iyo duunyaba ah. Maduuran ayaa ku dhacay beeshii. Dh: tirtiran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mooryaan

DHAFANDHAAF
1

(Mooryaan-ta)

2

Dad la dhacay; cayr.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mooryaan

DHAFANDHAAF

m.dh.u 1. Dad cayr ah. 2. Dad ku nool boob, dhac iyo dil. 3. M. ah: xoolo jirkooda cadho jilifaysay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

mooryaan

DHAFANDHAAF

m.dh.u 1. Dad cayr ah. 2. Dad ku nool boob, dhac iyo dil. 3. M. ah: xoolo jirkooda cadho jilifaysay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mooryaan

DHAFANDHAAF

f. n., [collective] poor people (living in misery)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

mooryaan

DHAFANDHAAF

-ta: (n) robbers (roobarids); thugs (thaagis); bandits (baan ditis); plunderers (palan dhar eris) ~ jirri; dayday

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooryaan

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) qof caydh ah oon waxba haysan. Dh: haawey, caydh.

2

mooryaan -ta: (magacwadareed) koox dablay ah oo dadka dil iyo dhacba u geysata. Mooryaanta waa in la qabqabtaa. Dh: jurri, budhcad, jidgooyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mooryaan

DHAFANDHAAF
1

de: poor people (living in misery)

2

lx: mooryaan

3

pd: (-ta)

4

ps: n-f-col

5

key: mooryaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

muddugan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax muddug ah ahaansho. la-mid: muddugsan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

muddugan

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) cidhib tiran oon waxba ka jirin ah. Wax muddugan ha doondoonin. Dh: cidhibla'.

2

muddugan: (tilmaame) qaawan oo mudh iyo gacan ah. Laba muddugan isma qaaddo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

murduxan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Nefley wax murdux ah ahaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rogrogan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) kolba dhan u maroorsan ah; waxyaalo badan oo wada gembisan ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dooranuug

DHAFANDHAAF

m.l Hal ilmaheeda gaar ula baxda oo nuujisa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

doorinuug

DHAFANDHAAF

m.l/dh la-mid: dooritus.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

foororsan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la foorariyey ahaansho. 2. Wax madaxa loo hoos mariyey ahaansho. la-mid: foorarsan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

foororsan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la foorariyey ahaansho. 2. Wax madaxa loo hoos mariyey ahaansho. m.f.dh, foororsanaan. la-mid: foorarsan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foororsan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) mid hoos gorodda u laalaadiyay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hootonuug

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg hootanuug.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mokhoddan

DHAFANDHAAF

m.l (muus.) Durbaan laga yaqaan gobollada koonfureed. la-mid: mokhoddon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mokhoddan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) durbaan laga yaqaan gobollada koonfureed. Dh: mokhoddon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mooditaan

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) horay uga gudbitaan. Dh: dhaafitaan.

2

mooditaan-ka: (magac, lab, keli) malayn aan la hubin qaadasho. Dh: ismoodsiis. Li: hubitaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Moofod-da

DHAFANDHAAF

four.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mooraysan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax mooro ku jira ahaansho (xoolo).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

orodyahan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg ordaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qoordiidan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Qof loo qoordiiday ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Tiro sugan

DHAFANDHAAF

Number, absolute

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Buur duuban

DHAFANDHAAF

Fold mountain

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mooraysnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg mooraysan. la-mid: mooraysnaansho.

waa la naqliyay ✓