mooredduugid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooredduugid
(Mooredduugid-da)
Dhac moradduug ah cid ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooradduugid
m.f.dh eeg mooradduug². la-mid: mooradduug¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooredduug
(Mooredduug-ga)
Dhac aan wax laysku reebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Cadaw ayuunbaa mooraduugid sameeya. Dh: mooroduugid, cidhibtirid, dabarjarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo tirtirid. Dh: mooraduugid, cidhibtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooradduug
mooradduug¹: m.l Dhac aan wax la isku reebin. la-mid: mooradduugid.
mooradduug²: f.g1 (-gay, -gtay) Cid hantidii ay lahayd oo dhan ka dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooradduug
m.l Dhac aan wax la isku reebin. moordi m.l 1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooradduug
v., [compound] rob, wipe out, plunder without leaving anything
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooradduug
de: rob, wipe out, plunder without leaving anything
lx: mooradduug
nt: mooradduug (ga) [vn2a-m]
pd: (mooradduugay)
ps: v1=cmp
key: mooradduug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooraduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mooroduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduug
(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooraduug. Dh baabi'i; dhammay, mooroduug.
mooraduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooroduug, idlaad, dabargo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduug
(fal) xasuuq oo waxba ha reebin; laa oo dhammee, dad iyo duunyaba tirtir. Cadawga dadka jidka u joogsada adna mooroduug. Dh: baabi'i, dhammay, mooraduug.
mooroduug -ga: (magac, lab, keli) dhammayn aan waxba la reebin. Dh: mooraduug, idlaad, dabargo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooraduugan
(tilmaame) la dabargooyay oo la dhameeyey ah. Reer mooraduugan ayuu ninkan ka hadhay. Dh: mooroduugan, dabargo'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooroduugan
(tilmaame) la dabargooyay oo la dhameeyey ah. Reer mooroduugan ayuu ninkani ka hadhay. Dh: mooraduugan, dabargo'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marduufid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama wax la qarinayo duuduubid oo kala saarid la'aan ku meel marin. La iskuma marduufee markaan kayga marinaayo. Dh: duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooradduur
m.dh.u Kabaraay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooradduur
f. n., [collective] partridge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooradduur
de: partridge Lit: jungle fowl
lx: dooradduur
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: dooradduur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moordoobid
m.f.dh eeg moordow². la-mid: moordow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moordoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho lai xoqo yeelasho. Xoolaha moordoobidda waa laga daweeyaa. Dh: cadhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooddoogid
m.f.dh eeg sooddoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorkaddiidid
m.dh Diidmo; nacayb. la-mid: qoorkaddiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorkaddiidid
-da: (magac, lab, keli) wax diidmo ka muujin.