mooracase
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mooracase
nickname-m coral-red; he whose corral (pen) was built with large reddish stones
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mooracase
magac loo bixiyo wiil midab casaan xiga leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooracadde
-ha: (magac, lab, keli) faraska gaboobay halkii kooraha laga saari jiray ay timo caddi ka soo baxaan. Dh: dulcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miracas
(Miracas-ka)
Geed jaadad badan u sii kala baxa oo aan qodax lahayn oo miro yaryar oo cascas oo la cuno dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miracas
m.l Murcanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miracas
m. n., [collective] berry-bearing tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miracas
-ka: (magac, lab, keli) eeg midhacas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miracas
de: berry-bearing tree sp.
lx: miracas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: miracas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moorays
m.l la-mid: mooreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodcase
(Foodcasa-ha)
Geed la beero oo bixiya miro saliid la cuno laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodcase
m.l Geed ubax cas leh oo geela iyo ariguba daaqiisa jecelyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foodcase
m. n., [compound] cultivated plant species, from whose fruit oil is extracted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodcase
-ha: (magac, lab, keli) geed la beero oo bixiya midho saliidda laga soo saaro fooddo -da: (magac, dhedig, keli) maro dumarku hagoogtaan oo ay dusha ka huwadaan. Dh: shalmad, korsaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foodcase
de: cultivated plant sp., from whose fruit oil is extracted
lx: foodcase
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: foodcase
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysi
m.l la-mid: mooraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moorayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo mooro ku xereysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooyaane
Haddii laga reebo; ma ogiye; ma ahee; (ama mooyiye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooyaane
qr. Qurub macnihiisu yahay “haddii laga reebo”; ma ahee. Tusaale: “Adiga m. qof kale ma imaan”. la-mid: maahane, mooyee, mooyiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooyaane
qr. Qurub macnihiisu yahay 'haddii laga reebo'; ma ahee. Tusaale: Adiga mooyaane qof kale ma imaan. la-mid: maahane, mooyee, mooyiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooyaane
conj. except, besides, excluding
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mooyaane
sauf, à l'exception de.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooyaane
(conjunction) unless (an-les) except (ik sapt); otherwise ~ mooyee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooyaane
bw: mooyee
de: except, besides, excluding
lx: mooyaane
ps: conj
syn: maahaane
key: mooyaane
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rooraaye
nickname-m stampede; runner
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
book case
/buuk keys/ (n) armaajada buugta (buugta keliya la gashado)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
motorcade
/mowtar keydh/ (n) baabuur badan oo is wada daba socda (oo sanka isku wada haya).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Moorasaante
nickname-m coral sentry, guide; pen guide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Moorasaante
magac loo bixiyo wiil midab casaan iyo caddaan u dhexeeya leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysasho
m.f.dh eeg moorayso. la-mid: mooraysad, mooraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowracasho
m.f.dh eeg gowraco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayracasho
(Mayracasha-da)
(xoolo) Qabowga galab-gaabka iyo fiidka hore ku daaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayracasho
m.f.dh eeg mayraco. la-mid: mayracad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayracasho
-da: (magac, dhedig, keli) daagista xooluhu maqribka ka hor meelaha reerka u dhaw ay daaqaan. Neefka mayracashada ku raagaa dugaag buu halis u yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorgarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moor dhigid; buuxin oo afka ka tolid. Raashinka jilmad ah moorgaraynta ayaa lagu iibsadaa. Dh: moogarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorgarays
-ka: (magac, lab, keli) afka ka tolid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Motor-cars
Baabuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxorcadde
m.l la-mid: moxorcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxorcadde
-ha: (magac, lab, keli) geed moxorka jaadadkiisa ka mid ah oo fooxa cad laga gurto. Moxorcaddeha xabag innooga soo gur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorjabane
m.l Ilmo aan dhammays ahayn oo hal siddeed ama sagaalbilood ku soo tuurto; afku-xuuble.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorjabane
-ha: (magac, lab, keli) ilmo aan dhammays ahayn oo hal siddeed ama sagaalbilood ku soo tuurto. Dh: afkuxuuble.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GAMOOR-CADDE
(Gamor-adde) S Flueggea virosa (Willd.)Voigt. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqooradasho
m.f.dh eeg maqoorado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorgaraysan
(tilmaame) buuxa oo afka ka xidhar daf ah oon furnayn. Kartoon moorgaraysan o timir ah ayaan carruurta u geeyey Dh: godban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorac
-a: (magac, lab, keli) soo kuusanka uu shey kor u soo kuusnaado sida waxa ciidda ka soo biqlayaa uu kor u soo kuusmo. Likaha fooraca ayaa lagu gartaa. Dh: foodhac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooras
m. n. force {military}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooras
de: force {military} {Eng}
lx: fooras
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fooras
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fracas
/freykas/ (n) buuq, sawaxan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fracas
fracas, n.m. - buuq; qaylo; degdeg; dugeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makase
-ha: (magac, lab, keli) qof weyn oo maan gaaban. Makase xaajo loolama tego. Dh: magarte, maangaab. Li: indheergarad, maangarato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolas
-ka: (magac, lab, keli) faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad murugaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda golof adag oo dabool ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Xoolo mooro gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooris
m. n. morse code
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooris
de: morse code {Eng}
lx: mooris
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: mooris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorso
-da: (magac, dhedig, keli) bir labada dhinac looxaanta lagaga qabto oo faaradlayaashu adeegsadaan. Moorsada ku adkee kolkaad marbuuca jeexayso. Dh: qabato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moraal
m.l Dareen ku taxalluqa dabeecadda aadanaha ee kala sooca saxa iyo khaladka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moraal
m.l Dareen ku taxalluqa dabeecadda aadanaha ee kala sooca saxa iyo khaladka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moraal
m. n., [abstract] morale, state of mind; temperament
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moraal
-ka: (magac, lab, keli) niyad iyo xiiso wax loo qabo. Dh: mooraal, niyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moraal
de: morale, state of mind; temperament {Eng}
lx: moraal
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: moraal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morale
/maraal/ (n) niyad adayg (niyadda adag ee qofka); adkaysiga.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Morale
Naamuus
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
morale
agg. niyad, anshax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
morale
morale, n.f. - anshax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morass
/maraas/ (n) 1. dhiiqo (dul qoyan oo jilicsan oo aan lugu socon karin) 2. wax lugu wareerayo oo aan la fahmi karin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
morose
/marows/ (adj) xanaaq badan (xanaaqlow).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
morose
morose, adj. - murugo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oracle
/oorakal/ (n) 1. in-dheer garad (qof caaqil ah) 2. meel giriigii hore wax ku caabudi jireen.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
torace
s.m. - saab (feeraha).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tracas
tracas, n.m. - walbahaar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vorace
vorace, adj. - aad u gaajoonaya ama hunguri weyn; wax aad u jecel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraan
(Booraan-ta)
God hoos u dheer; uub; lun; hataq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraan
m.dh (-aamo, m.l) God hoos u dheer oo af dhuuban leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booraan
m.dh (-aamo, m.l) God hoos u dheer oo af dhuuban leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booraan
f. n. deep hole; large hole
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booraan
-ta: (n) a large cave (keeyv); ditch (dish); trench (tareenji); cavern (kaaven) ~ bohol, qaxaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraan
-ta: (magac, dhedig, keli) godadka waaweyn, daadadka ama bahaluhu qodeen. Booraan hadimo ha qodin ku dhici doonteena mooyee. Dh: bohol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booraan
de: deep hole; large hole
lx: booraan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: booraan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Boorama
pr. n., loc. Borama [town in north west Somalia.]
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorane
m.l Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorane
m.l Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorane
m. n. demon that possesses someone; dance to relieve this possession
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorane
-booranaha: (n) sickness believed to be caused by an evil spirit; demon (dii man) ~ mingis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorane
-ha: (magac, lab, keli) sac la booray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorane
de: demon that possesses s.o.; dance to relieve this possession
lx: boorane
pd: (/ha)
ps: n0-m
see: mingis
key: boorane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorash
-ka: (n) porridge (poorij)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cooraaf
m.l Qof aad u dabeecad xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cooraaf
(tilmaame) qofka dabeecadda xun leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOORAAR
(Dorar) S, May Echinochloa haplocalda (Stapf)Stapf. Gramineae.
S Eragrostis cilianensis (All.) Lut. Gramineae.
May Paspalidium desertorum (A.Rich) Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcase
-ha: (magac, lab, keli) eeg gadhcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golacas
m.dh 1. Nooc sagaarada ka mid ah. 2. Qorraxda galabnimo, gaar ahaan markay ugu kulushahay. 3. Dawaco khatar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golacas
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc sagaarada ka mid ah.
golacas-ta: (magac, dhedig, keli) qorraxda galabnimo, gaar ahaan markay ugu kulushahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraan
f.g/mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. (f.g) Wax hareerayn. 2. (f.mg) Maanso tirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorays
-ka: (magac, lab, keli) eeg horayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaas
m.l 1. Hoos sameyn. 2. Hiillo la qarinayo. 3. Daruur roob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooraan
-ka: (magac, lab, keli) qayb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yagaan danab, loona isticmaalo awooddhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iyo wixii la mid ah.
kooraan -ka: (magac, lab, keli) xiisadda jacda ama jacda iyo danabka laftiisa. Dh: koronto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabe
m.l la-mid: maraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabe
m. n. rolling (of ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabe
-ha: (magac, lab, keli) dheeldheeliga doonyaha iyo maraakiibta badda kolka mawjaduhu ay kolba dhan u dullaamiyaan. Dh: maraabo, duldullaan, dheeldheelli, leegleegad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabe
a: maraabo
de: rolling (of ship)
lx: maraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maraabe

maraame
m.l la-mid: maraabo.