moonako
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Moonako
pr. n., loc. Monaco
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Moonako
(n) Monaco (man'a kow). Monaco-Ville, is the capital
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Moonako
de: Monaco
lx: Moonako
pd: (/da)
ps: n0-loc-f
key: Moonako
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Moosko
pr. n., loc. Moscow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Moosko
(n) Moscow (moos 'kaaw); the capital and largest city of Russia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Moosko
de: Moscow
lx: Moosko
ps: n0-loc
key: Moosko
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonayo
v., sg., neg., present progressive: I do not know / he does not recognize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonayo
de: I do not know / he does not recognize
lx: aqoonayo
pd: (oqoonayo)
ps: v4d-1sg/3m-neg-prpg
xe: He doesnt recognize you.
xv: Muu ku aqoonayo.
key: aqoonayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonasho
(Doonasha-da)
Raadsasho, jersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonasho
m.f.dh eeg doono.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonasho
vl. n. desire, seeking; fetching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonasho
-da: (magac,dhedig, keli) wax aan la hayn, raadsasho. Dh: raadsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonasho
de: desire, seeking; fetching
lx: doonasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: doonasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonbaro
-da: (magac, dhedig, keli) qalab la tumo oo sida miisiga ah oo ka soo jeeda xaddaaradi Seylac. Doonbaro ciyaariyo, defka loo tumaayaa waa darayo-muusige, wanka dacasha ii qabo. Dh dunburo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoonbaro
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: hobbobboro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoonbaro
-da: (n) dolphin (doolfin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoonbaro
-da: (magac, leb, keli) jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eeg oo qalka kore keliya ilko ku leh; hilibkana waa cuntaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax si ah adu si kale u qaadasho. Moodashadu way dhacdaa. Dh: halmaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolaska
m.l (cilmiga naflayda) Faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad muruqaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda qolof adag oo dabool ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolaska
m.l (cilmiga naflayda) Faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad muruqaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda qolof adag oo dabool ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolayso
(fal) timaha iska wada xiir oo madaxaaga idiin aan timo lahayn ka dhig. Sacyiga dhammee oo moolayso. Dh: dhukuro. Li: deyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolnimo
m.dh Mool ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gundheeraan; hoos wax u dheer ahaan. Ceelka moolnimo ayaa loogu hagaagi waayay.
moolnimo -da: (magac, dhedig, keli) geesa la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moorayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo mooro ku xereysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosasho
m.f.dh eeg mooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid tiirsasho oo daad ama wax kale u teedin; daad iska weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosnaan
m.f.dh eeg moosan. la-mid: moosnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax moosan ahaan; tiirsanaan oo ciid dhan loo moosay ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oqoonayo
v., sg., neg., present progressive: I do not know / he does not recognize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oqoonayo
de: I do not know / he does not recognize
lx: oqoonayo
pd: (aqoonayo)
ps: v4d-1sg/3m-neg-prpg
key: oqoonayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookamooko
-da: (magac, dhedig, keli) lugo adag ku taagnayn oo inuu jabo ama dhaco u dhaw. Dh: nugul, dhaakadhaako. Li: adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Mako
pr. n., [feminine] Mecca
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mako
name-f Mecca. Lit: named after the Islamic holy city of Mecca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mako
magac loo bixiyo gabadh loogu magacdaray magaalada barakaysan ee Maka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Mako
a: Maka
de: Mecca
lx: Mako
ps: name-f
key: Mako
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
monk
/mank/ (n) wadaad xer ka tirsan siiba diinta buudiistaha.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
monk
n., wadaad, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mono
/mona/ (adj) 1. hal (kaliya) 2. raadye leh hal layn ama hal samaacad (oo hal meel codku ka soo baxo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòno
pref. - hor kabe tilmaama hal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Moon
Dayax
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Moon
Dayax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
moon
/muun/ 1. (n) dayax; (phr) 2. once in a blue moon: mar dhif ah (markii tuke cad la arko).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
moon
n., dayax, -i; moon light, caddo, -adi; half moon, dayax badhkii; full moon, dayax dhan, dayixi dhamaa; new moon, dayax cusub; quarter of the moon, bil, -shi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doono
f.g3 (-ntay, -natay) Wax raadsasho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doono
f.g3 (-ntay, -natay) Wax raadsasho (nafley). m.f.dh, doonasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doono
v. go get, fetch for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doono
(fal) si iskaa ah ama goonidaada ah wax u raadso. Dh: raadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doono
de: go get, fetch for oneself
lx: doono
pd: (doontay / doonatay)
ps: v3b=
xe: They went to fetch firewood.
xv: Xaabay doonteen.
key: doono
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foona
m.dh (juqraafi) Nafleyda xayawaanka ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foona waxay la xiriirtaa erayga foloora oo isna loo isticmaalo nafleyda dhirta. la-mid: fawna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foona
m.dh (juqraafi) Nafleyda xayawaanka ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foona waxay la xiriirtaa erayga foloora oo isna loo isticmaalo nafleyda dhirta. la-mid: fawna.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foona
Fauna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodo
m.dh (-ooyin, m.l) Hab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moodo
f. n. style, mode, fashion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moodo
-moodada: (n) style (istaayl); fashion (faash'in); model (moodhal); mode (mowd); Ex: gaarigaygu waa moodadii u danbaysay; my car is the latest model
moodo ah: (adj) fashionable (faash'a na bal); stylish (istaaylis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodo
-da: (magac, dhedig, keli) marid shey meel lagu maro ama lagu dhaafo.
moodo -da: (magac, dhedig, keli) male aan la hubin oo shey sidii uu ahaa ama si an ahayn loo qaato. Dh: qiyaas, male.
moodo-da: (magac, dhedig, kei) kolba waxa cusub ee xilligaa dhallinyardu xiiseeyaan. Surwaalka oo suun la'aan la xidhaayi waa moodo casri ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moodo
de: style, mode, fashion {It}
lx: moodo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: moodo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moofo
(Moofa-da)
Muufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moofo
m.dh la-mid: muufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moofo
f. n. flat bread; oven
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moofo
-moofada: (n) see [eeg] muufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofo
-da: (magac, dhedig, keli) kimis adag oo wareegsan oo budo hadhuudh oo saafi ah laga dubo. Moofooy moofo macaan lagaama maarmee moofooy. Dh: muufo.
moofo -da: (magac, dhedig, keli) dhisme ka samaysan dhoobo ama bir oo dab lagu dhex shido oo lagu dubo cuntooyinka la moofaynayo. Dh: muufo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moofo
de: flat bread; [ext.] oven
lx: moofo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: muufo
key: moofo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolo
m.dh (-ooyin, m.l) Xubnaha taranka ee ragga; xiniinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolo
-da: (magac, dhedig, keli) tima la'aanta madaxa dadka. Dh: dhukuro.
moolo-da: (magac, dhedig, keli) geesa la'aanta xoolaha iyo xayawaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moora
-da: (magac, dhedig, keli) afarta min faalbadhtamihiisa u dhexeeya. Lo'da urur ku mooraysa iyo cirirka maansheeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooro
(Moora-da)
Xero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xerada xoolaha la geliyo ama lagu xereeyo. 2. Faalka baydadkiisa dhexda ku jira. 3. Manaasisha dayaxu fariisto mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Xerada xoolaha la geliyo ama lagu xereeyo. 2. Faalka baydadkiisa dhexda ku jira. 3. Manaasisha dayaxu fariisto mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooro
f. n. pen, enclosure, corral
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooro
-da: (magac, dhedig, keli) hanti wixii la leeyahay oo dhan. Reerku magac iyo mooraba wuu buuxaa. Dh: maal, hanti, xoolo.
mooro -da: (magac,dhedig, keli) xerada xoolaha lagu xereeyo. Dh: xero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooro
de: pen, enclosure, corral
lx: mooro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: xero
key: mooro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooso
f.g3 (-stay, -satay) Moos samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooso
(fal) ciid tiirso oo moos ka dhig. Aqalka daadka ka mooso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooto
m.dh (-ooyin, m.l) Gaadiid laba lugood, matoor iyo laba meelood oo la qabsado leh oo la fuulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mooto
m.dh (-ooyin, m.l) Gaadiid laba lugood, matoor iyo laba meelood oo la qabsado leh oo la fuulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooto
f. n. motorcycle, scooter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooto
-mootada: (n) motorcycle (moo'tar saaykal); motorbike (moo'tar baayk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooto
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiid yaryar oo inta badan laba shaag oo keliya leh oo baaskiillada ka waawayn mooteer iyo taangi gaaasna leh oo qof ama laba qof lagu fuulo. Dh: dhugdhuglay, mootoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooto
de: motorcycle, scooter {It}
lx: mooto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mooto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rooko
(Rooka-da)
(hawl, cayaar...) mamnuuc ka dhigid; oggolaansho la'aan; diidmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rooko
m.dh Joojinta la joojiyo wax isticmaalkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rooko
m.dh Joojinta la joojiyo wax isticmaalkooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rooko
f. n. refusal, prohibition, disapproval
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rooko
de: refusal, prohibition, disapproval
lx: rooko
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rooko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooko
-da: (magac, dhedig, keli) samafal u samayn. Dh: meerto, kansho, fursad, toogoda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toona
(magac'uyaal) tilmaama qofka saddexaad ee dhedig oo kaa fog. Dh: teer, taas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yooko
(Yooka-da)
Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yooko
m.dh Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yooko
f. n. sprout, protrusion, anything sticking up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yooko
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo baxsan ama kor u soo likaysan. Gufi yooko ah ayaan mooday dugaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yooko
de: sprout, protrusion, anything sticking up
initial: y
lx: yooko
pd: (/da)
ps: n6-f
key: yooko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonyo
m.dh Hab qof fadhiyaa uu maro jilbaha iyo dhabarka isugu xiro oo ku nasta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonyo
-da: (magac, dhedig, keli) koox yar oo millateri ah oo sirdoon ahaan wax u kormeeraysa. Dh: dooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goonno
m.dh (-ooyin, m.l) Googgarad gaabaan oo aan duluc lahayn oo haweenku qaataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goonno
m.dh (-ooyin, m.l) Googgarad gaabaan oo aan duluc lahayn oo haweenku qaataan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goonno
f. n. skirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goonno
- goonnada: (n) skirt (skirt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonno
-da: (magac, dhedig, keli) il qudha lahaan oo tii kale beelis.
goonno -da: (magac, dhedig, keli) maryaha dumarka oo ay qaarka sare ku xidhaan aanse jilbaha gaadhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goonno
de: skirt {S < It}
lx: goonno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: goonno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonyo
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira ama ku urursan dhinacyadiisa. Geelu wuu didayaaye goonyaha ka joogsada. Dh: hareeraha, baallaha.
goonyo -ha: (magacwadareed) labada dhinac. Gaboodlayda gaashadu ku taal labada goonyoodba.