moomah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moomah
(Moomah-da)
Hah; (ama moobah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moomah
m.dh la-mid: moobah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moomah
f. n., [abstract] hotness, pungency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moomah
-da: (magac, dhedig, keli) hah iyo dhadhan silloon oo ay maydhaxda qaarkeed carrabka ku reebto. Geed moomah leh maydhax ha la diiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moomah
de: hotness, pungency
lx: moomah
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
see: moobah
key: moomah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moobah
(Moobah-da)
Moomah; hah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moobah
m.dh Ur la kahsado aanse qurunna ahayn sida meyraxda quraca, toonta iyo wixi lamida. la-mid: moomah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moobah
f. n., [abstract] (adj.): hot, pungent taste ~ aroma; spicy, hot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moobah
-da: (magac, dhedig, keli) dhadhan silloon oo ay maydhaxda qaarkeed carrabka ku reebto. Dh: moomah, hah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moobah
a: moomah
de: hot, pungent taste ~ aroma; [atr.] spicy, hot
lx: moobah
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
syn: hah
key: moobah
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOOH
(Moh) N Solanum somalense Franch. Solanaceae.
N Solanum coagulans Forsk Solanaceae.
N Solanum macracanthum A. Rich. Solanaceae.
Dj Solanum marginatum L.F. Solanaceae.
N Solanum incanum L. Solanaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooh
-a: (magac, lab, keli) geed gaab yar oo midho sida kubadda teniska ah bixiya oo carruurtu ku ciyaarto. Dh: xanbuu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooma
m.dh Miyirbeel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooma
m.dh Miyirbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moora
-da: (magac, dhedig, keli) afarta min faalbadhtamihiisa u dhexeeya. Lo'da urur ku mooraysa iyo cirirka maansheeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rooma
pr. n., loc. Rome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Rooma
(n) Rome (room); the capital and largest city of Italy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rooma
de: Rome Alt sp: Roma
lx: Rooma
ps: n0-loc-f
key: Rooma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooma
-ha: (magac, lab, keli) geednagaadh foodda ubax cad ku leh oo ka baxa banaannada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoomaa
f.mg1 (-aayay, -aayday, -ayi) Meel sare hoos wax uga eegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoomay
(fal) si aan aad ahayn oo jalleecid ah u eeg. Dh: qoollaali, qooraansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolal
m.l (kiimika) Ribnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolal
m.l (kiim.) Ribnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolas
-ka: (magac, lab, keli) faylam jidh jilicsan leh oo ka tirsan lafdhabarla'da oo ay astaan tahay jidh aan maraaryo lahayn, oo u kala baxsan, madax, lug hoosaad murugaysan oo loo isticmaalo socodka, iyo tuur sare oo harag laabani ku daboolanyahay iyo dubaalad taas oo sinjiyada badankooda dhiiqda golof adag oo dabool ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolay
(fal) dhukur oo moolo u yeel; timaha ka wada xiir oo madaxa idiin aan timo lahayn ka dhig. Ka moolay askariga cusub. Dh: dhukuri.
moolay: (fal) geesaha ka daadi. Dibiga geesaha ka moolay dadkuu ku dilayaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moosan
La moosay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la moosay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moosan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la moosay ahaansho. m.f.dh, moosnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moosan
der. [adjective] dammed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moosan
-moosnaa: (adj) embanked (em-baankidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosan
(tilmaame) maangad loo sameeyey ah; moos loo jeexay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moosan
de: dammed
lx: moosan
pd: (moosnaa)
ps: adj-der
key: moosan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mootan
Aan noolayn; dhintay; mood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mootan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhintay ahaansho. 2. Qoor aan dheddigoodka u kacsanayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mootan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhintay ahaansho. 2. Qoor aan dheddigoodka u kacsanayn ahaansho. m.f.dh, mootanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mootan
der. [adjective] dead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mootan
-mootanaa: (adj) deceased (di siist'); dead (dheedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootan
(tilmaame) sii dhinsan; qof horay u dhintay ah. Dh: dhinsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mootan
de: dead rw: mood
lx: mootan
pd: (mootanaa)
ps: adj-der
key: mootan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootar
-ka: (magac, lab, keli) hub daarandoorri u dhaca. Dh: moortar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooman
f.mg1 (-oonmay, -oomantay; - oonmi) Wax qooni gaartay noqosho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooman
(tilmaame) mid qoon ama nabar gaadhay qoombi -ga: (magac, lab, keli) xubinta uu malaygu ka neefsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roomad
(Roomad-da)
Qoryaha wax lagu dhiso, kuwooda dheerdheer oo aan sarabka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roomad
m.dh (-do, m.l) Ul dheer, dhumuc weyn oo guryaha miyiga iyo carshaanta lagu dhiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roomad
f. n. main posts for building a nomadic hut
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roomad
cf: aqal
de: main posts for building a nomadic hut
lx: roomad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: roomad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomal
m.l Midab caddaan furan ah oo geela iyo wixi lamida yeeshaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomal
-ka: (magac, lab, keli) midab caddaan furan. ah oo geela iyo iyo wixii la mid ahi yeeshaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soonah
-a: (magac, lab, keli), dhir kamid ah geed gaabka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooman
(tilmaame) bilaha dayaxa, tan aan soddon ku dhamaan, Bishii sabuux waxay ahayd tooman. Dh: dhiman, khamaas.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Monomial
Tibxaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax si ah adu si kale u qaadasho. Moodashadu way dhacdaa. Dh: halmaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhadh
-ka: (magac, lab, keli) baabuur; magacii ay Soomaalidu u bixisay xilligii uu gaadhigu soo baxay; gaadhi la raaco. Muraadkoodu nimankuu ahaa moodhadhkiyo daarta. Dh: baabuur, gaadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosasho
m.f.dh eeg mooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid tiirsasho oo daad ama wax kale u teedin; daad iska weecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomay
(fal) carruur, aabbohood ka dil; agoon ka dhig. Dh: agoomee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorash
-ka: (n) porridge (poorij)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boowaha
(n) brother, boowe (baraather) ~ walaale, abboowe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomaar
(Doomaar-ta)
1. Geedo yaryar oo saaruqda kamid ah oo aan caleemo dhab ah iyo jirrid midna lahayn; waa cagaaran tahay waxayna ka baxdaa dhagxanta iyo goomaha iyo wixii la mid ah oo biyaha ku dhexjira korkooda; Waxay u eg tahay xayn - xayndhada ku korsocodkeeduna waa dhib oo waa lagu sidbadaa; ajo.
2. Naq degellada ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomaar
m.dh 1. Naq cayada la bah ah oo degellada ka baxa. 2. Cayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doomaar
f. n. lichen, moss-like plant species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOOMAAR
(Domar) N Bothriochloa insculpta (A.Rich.) A. Camus. Gramineae.
C Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S,C Digitaria abyssinica (A.Rich.)Stapf. Gramineae.
S Cynodon dactylon (L) Pers. Gramineae.
S Dichanthium annulatum (Forsk.)Stapf. Gramineae.
N Paspalidium desertorum (A. Rich) Stapf. Gramineae.
N Paspalum vaginatum SW. Gramineae.
N Pennisetum villosum (R. Br) Fres. Gramineae.
N Sporobolus helvolus (Trin) Th. Dur & Schinz. Gramineae.
N Sporobolus ioclados (Trin)Nees. Gramineae.
C,N Negripteris sciona (Chiov.)Pic-Ser. Negripteridaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomaar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah cawska oo midabkiisu cas yahay dhulkana jiifsata loona isticmaalo daaq iyo samaynta aqal Soomaaligaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doomaar
de: lichen, moss-like plant sp.
lx: doomaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: doomaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomayn
m.f.dh eeg doomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) doomo samayn. Doomaynta waxa laga sameeyaa geed baar la yidhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goomman
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: goommoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goomman
(tilmaame) mid gaajaysan oo baahiyi hayso. Li: dharagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaa
question word,: when?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaa
de: when? = goor + -ma + baa
lx: goormaa
ps: qw + focus
key: goormaa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormay
question word, vl. pron. when ... she? / they?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormay
de: when ... she? / they?
lx: goormay
pd: (goormey)
ps: qw + vpro
key: goormay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoomaay
v. look ~ stare at; look after; shelter, protect; huddle over
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoomaay
a: hoomaa
de: look ~ stare at; look after; shelter, protect; huddle over
lx: hoomaay
pd: (hoomaayay / hoomaayday)
ps: v1=
key: hoomaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosmar
-ka: (magac, lab, keli) wax korka saarnaa oo hoos gala ama mara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horomar
-ka: (magac, lab, keli) horrumar; horramar.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Koomade
name-m visionary; very far-sighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Koomade
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo inuu noqdo mid aragti gun dheer leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAKOOMA
(Makoma) S Hyphaene coriacea Gaertn. Palmae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mohorad
(Mohorad-da)
Joonyad ama kiintaal badar ah, oo la kala baray, bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mohorad
m.dh (-do, m.l) Kiintaal la kala baray barkii. la-mid: mohaar, mohoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mohorad
f. n. half a sack (of grain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mohorad
-da: (magac, dhedig, keli) joonyad nuskeed, kiintaal badhkii. Mohorad daqiiq ah ii miisaan. Dh: badh, nus, shub.
mohorad -da: (magac, dhedig, keli) muuqaal wanaagsan oo caafimaad qab uu ka muuqdo. Dh: johorad, aragti, jidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mohorad
de: half a sack (of grain)
lx: mohorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: mohorad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moobayl
-ka: (magac, lab, keli) telefanka gacanta lagu qaato. Dh: boortaabal, moobil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhar
-ka: (magac, lab, keli) baabuur; gaadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhafay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsan
(tilmaame) sida ay tahay maahee si kale moodaya ah. Ninku inuu saxsan yahay ayuu moodsan yahaye runta u sheega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moofayn
m.dh la-mid: muufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moofayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moofo ka dhigid; hilib ama cunto kale foorno ku bislayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogaan
(Moogaan-ta)
Ogaal la'aan; warqabid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogaan
m.f.dh eeg moog². la-mid: moogaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogaan
f. n., [abstract] ignorance; absent-mindedness; absence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogaan
(tilmaame) ogaansho la'aan; kas l'i
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moogaan
a: moogaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: ignorance; absent-mindedness; absence
lx: moogaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: moogaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogane
-ha: (magac, lab, keli) qof aan waxb ogayn oo colmoog ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooggan
(tilmaame) aan waxba oggayn: wax war ah haynin. Dh: ogayn. Li: og.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtan
(Moogtan-ka)
Kaltan; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogtan
moogtan¹: m.l 1. Kaltan. 2. la-mid: moogtamid.
moogtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) U m.: cid la kaltamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogtan
m. n. shared out work (etc.); turn by turn