moolikiyuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolikiyuul
m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolikiyuul
m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Moolikiyuul
Molecule
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
molikiyuul
m. n., [collective] molecule
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
molikiyuul
-ka: (n) [Chemistry] molecule (mal'i kiyuul) ~ mulikiyuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
molikiyuul
-ka: (magac, lab, keli) tiro atamyo ah oo isku xidhma marka uu falgal kimikaad ka dhex dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
molikiyuul
de: molecule
lx: molikiyuul
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
syn: jiriir {Eng}
key: molikiyuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayoolajiga moolikiyuullada
m.l (baayoloji) Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsamayn
m.dh (baayoloji) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolikiyuul weyne
m.l (-layaal ..., m.l/dh) (kiimika) Moolikiyuul weyn; taas macnaheedu waa taran badane dabiici ah ama mid dadku sameeyeen ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayoolajiga moolikiyuullada
m.l (baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheefsamayn
m.dh (baay.) Samayska dheefasho ee borotiinnada, duxda iyo waxyaabo kale oo noolayaasho ku jira ee laga samaynayo moolikiyuullo iyo walxo kale oo yaryar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolikiyuul-weyne
m.l (-layaal ..., m.l/dh) (kiim.) Moolikiyuul weyn; taas macnaheedu waa taran badane dabiici ah ama mid dadku sameeyeen ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Molecule
Moolikiyuul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mulukiyuul
-ka: (n) [Chemistry] molecule (mal 'i-kiyuul) ~ molikiyuul, qurubka ugu yar ee maatarka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufmolukiyuul
-ka: (magac, lab, keli) wadarta cuf'atamyada uu molukiyuulku ka samaysan yahay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Moolkaal
name-m save-guard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolituug
-ga: (magac, lab, keli) qofka aan sheegin xoolaha baadida ah ee qarsada. Boolituug baadi helaan wallee, baafin kuula soo bixine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maalikiyo
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah afarta dugsi ama mad'habood ee waaweyn ee ahlusunnaha oo ku abtirsata Imaam Maalik bin Anas oo noolaa 715-795H. Mad'habta Suudaan ugu weyn waa Maalikiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golakafuul
m.l Gabay aan la soo diyaarin oo gole laga jeediyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golekafuul
-ka: (magac, lab, keli) hal'abuur maanso tirin kara isaga oo aan u fikirin; abwaan marka ay talo ku soo booddo si dedeg ah suugaan u yidhaahda.