moolgacmeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) dhagax giraangir u eg oo leh handhar gacanta lagu wareejiyo oo biraha lagu soofeeyo. Dh: moolgamceed.
moolgacmeed -ka: (magac, lab, keli) bir ballaadhan oo inta mishiin lagu xidho biraha lagu gooyo ama wixii af seef ah leh lagu soofeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg xurbiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraakh
-a: (magac, lab, keli) makiinad lool wareegaya leh oo wax lagu afeeyo. Dh: moolgacmeed.
sharraakh -a: (magac, lab, keli) giraangirta shukaanta ee gaadiidka badda lagu du'duwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgacmeed
m.l Shaqo gacmaha laga qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlgacmeed
m.l Shaqo gacmaha laga qabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlgacmeed
m. n., [compound] manual labor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlgacmeed
-ka: (n) work done by or operated with the hands: manual labor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) hawl ama shaqo aan wax kale u baahnayne.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlgacmeed
de: manual labor
lx: hawlgacmeed
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: hawlgacmeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
showalgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) qalab wax lagu dalooliyo oo afka ku leh bir dhuuban oo marmaroorsan oo wareejinta wax ku dhexgasha. Dh: shoolgacmeed, xurbiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolakulmeed
-ka: (magac, lab, keli) malagga nafta qaada; geeri; dhimasho. Dh: malakulmawd.
moolakulmeed -ka: (magac, lab, keli) noole kasta oo nolosha dadka halis geliya.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoraal gacmeed
-ka: (n) handwriting (haandh-raayting); script (iskiript); manuscript (maan-yus-kiript); penmanship ~ qoraalka gacanta, qoritaan, dhigaal, far
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaceed
[question word] what is her name? used for female name
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nololmaalmeed
m. n., [collective] daily life ~ living, daily bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nololmaalmeed
-ka: (n) everyday life; daily bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nololmaalmeed
-ka: (magac, lab, keli) masaariifta uu qof ama qoys hal maalin ku noolaan karo.
nololmaalmeed-ka: (magac, lab, keli) habsocodka nolosha ee maalin walba jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nololmaalmeed
de: daily life ~ living, daily bread
lx: nololmaalmeed
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: nololmaalmeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimmaygacmeed
m.l Mino-ku-shubidda neef tabsan lagu shubo mino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rimmaygacmeed
m.l Mino-ku-shubidda neef tabsan lagu shubo mino.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqo-gacmeed
-ka: (n) blue-collar work; manual work; labor (leey-bor),
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaxgacmeed
dayaxgacmeed¹: m.l (-dyo, m.dh) Saaruukh.
dayaxgacmeed²: m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dhinaca xiddigiska, waa shay yar oo ku meeraysta meere korkiisa; dayaxu, tusaale ahaan, waa d.ka dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayaxgacmeed
dayaxgacmeed¹: m.l (-dyo, m.dh) sayruukh.
dayaxgacmeed²: m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dhinaca xiddigiska, waa shay yar oo ku meeraysta meere korkiisa; dayaxu, tusaale ahaan, waa d.ka dhulka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayaxgacmeed
n., [compound] artificial satellite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaxgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) wax sida dayuuradda ah oo samada loo diro kuna wareega meerayaasha si uu warar u soo gudbiyo. Waxa lagu xidhaa qalab sawiirada qaada ama soo duuba oo dhulka u soo gudbiya, sidoo kale samada ayaa loo raacaa si wax looga soo ogaado. Dh: qamarsanaaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayaxgacmeed
bw: saldhigga dayaxgacmeedka
de: artificial satellite Lit: hand-made moon
lx: dayaxgacmeed
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m-cmp
syn: gantaal gacmeed
key: dayaxgacmeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarigacmeed
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: gaarigacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooswabiyeed
-ka: (magac, lab, keli) dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darted webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawirgacmeed
-ka: (magac, lab, keli) sawirka gacanta lagu sameeyo, gacanta lagu suubbiyey. Dh: farshaxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqogacmeed
m. n., [compound] manual labor; manpower
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqogacmeed
de: manual labor; manpower
initial: s
lx: shaqogacmeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: shaqogacmeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nolol-maalmeed
m.l Dhaqaale qofka baahidiisa ku filan muddo 24 saac ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nolol-maalmeed
m.l Dhaqaale qofka baahidiisa ku filan muddo 24 saac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalmeed
Oo maalinta; maalin lug ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalmeed
n. phr., genetive (adj.): of the day, daytime; daily
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalmeed
(n) 1. daytime (dheey-taaym) ~ maalinnimo. Ex: il maalmeed oo dhan wuu hurdaa; he sleeps during the daytime 2 . daily (dheeyli) Ex: shaqo maalmeed ; daily work
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maalmeed
Di giorno
Daily
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalmeed
(tilmaame) maalin keliya ku lug leh. Nin Nolol maalmeed u kallaha mishahar maalmeed kama go'i karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalmeed
de: of the day, daytime; [atr.] daily
lx: maalmeed
ps: np-gen
key: maalmeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malgacad
m.dh la-mid: macalgad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malgacad
f. n. metal spoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malgacad
-da: (n) spoon (ispuun) ~ qaaddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malgacad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maclaqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malgacad
a: macalgad
de: metal spoon
lx: malgacad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: malgacad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malgache
malgache, adj. - Reer Madagaskar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
monogame
monogame, adj. - nin naag kali ah qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulacyee
f.mg2 (-eeyay, -eeysay) Socod laalaabasho ah samayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoomamee
-yey / qoomameysay: (v) feel remorse ~ shallaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongadee
(fal) mari sibidh si fiican isugu sima oo ah ka ugu danbeeya ee fargaasku maro. Dh: giingadee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foolxumee
-yey / foolxumaysay: (v) disfigure (dis fig er); deform (difoorm) ~ qaabdarree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxumee
(fal) wax foolxun ka dhig oo aan aragtida ku fiicnayn. Dh: qoodhxumee. Li: qurxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltameed
-ka: (magac, lab, keli) wixii leh kal sugan oo soo rogaalceliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loollamid
(Loollamid-da)
Halgamid, dagaallamid; tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loollamid
m.f.dh eeg loollan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loollamid
-da: (magac, dhedig, keli) tartamid ama dagaallamid. Dh: loollamis, baratamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtamid
(Moogtamid-da)
Kaltamid; meertaysi; jilaysi; miilaysi; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogtamid
m.f.dh eeg moogtan². la-mid: moogtan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kaayaysi; wax ku kaltamid. Dh: kaltamid, kaalaysi, kaayaysi.
moogtamid -da: (magac, dhedig, keli) ogaan kari waayid, ogaal la'aan. Dh: moogtamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolaysad
-ka: (magac, lab, keli) timaha iska wada xiirid oo dhakada idiin aan timo lahayn ka wada dhigasho. Afrikaanku moolaysadka ayay jecelyihiin Dh: moolaysi, dhukurasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mooracase
nickname-m coral-red; he whose corral (pen) was built with large reddish stones
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mooracase
magac loo bixiyo wiil midab casaan xiga leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoomammee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Gef la sameeyey ka xumaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoomammee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Gef la sameeyey ka xumaansho. m.f.dh, qoomamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoomammee
v. repent, regret
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoomammee
de: repent, regret
lx: qoomammee
pd: (qoomammeeyey)
ps: v2b=intr
key: qoomammee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaseeg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolo jir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Dh: caanamadhame, xoolamoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhuundhuumasho qofka la raadgado oo hadba meel ka wareegid ah. Dacawadu way yoolgadid badan tahay. Dh: foofhallayn, raadgadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maylbadeed
m.l (-lal ..., m.l) (juqraafi) Halbeeg fogaansho ee lagu isticmaalo maaxidda badda oo la eg dhererka hal daqiiqo (1') ee tigraar goobo weyn oo ku sawiran isfeer la bed ah dhulka; mayl badeed waa 6,080 ft. ugu dhawaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maylbadeed
-ka: (magac, lab, keli) jugraafi ahaan, halbeeg fogaansho ee lagu isticmaalo maaxidda badda oo la eg dhererka hal daqiiqo (1) ee tigraar goobo weyn oo ku sawiran isfeer la bed ah dhulka: mayl badeed waa 6.080 ft. ugu dhawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolaabmid
m.f.dh eeg qoolaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalloocsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobgu'eed
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah labada roob ugu waaweyn midkood oo sannadkii laga helo Afrikada Bari, kaas oo da'a inta u dhexeysa bilaha Febraayo iyo Meey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobkajeed
-da: (magac, dhedig, keli) meel celceliska roobka ay heshaa uu yaryahay maxaa yeelay silsillo buuro ah ayaa ka xira dabaylaha roobka keena ee meeshaas ka dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoolgaarid
(Yoolgaarid-da)
Guntii gaarid; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoolgaarid
m.f.dh eeg yoolgaar². la-mid: yoolgaar¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fooldhuleed
Foreland
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooscarreed
m.l (jool.) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwanyahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosdameeri
m.l Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moosdameeri
m.l Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosdameeri
-ga: (magac, lab, keli) nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolagabeen
-ka: (magac, lab, keli) nin Alla wax silyay oo xoola badan leh. Dh: maalqabeen, hodan, taajir. Dh: caydh, faqiir Wa: xooloqabeenno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka gungaadhid; ka salgaadhid; yoolgaarid. Yoolgaadhiddeedii la rabay rag baa carshacarsheeyey Dh: gungaadhid, yoolgaarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax Gacmeed
Satellite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayax gacmeed
(n) satellite (sata-laayt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhigacmeed
-ka: (magac, lab, keli) eeg gaadhigacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koofurgalbeed
m. n., loc. southwest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koofurgalbeed
-da: (n) southwest (sawthwest)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koofurgalbeed
de: southwest
lx: koofurgalbeed
pd: (-ga ~ -da)
ps: n-m/f-loc
key: koofurgalbeed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Moos wabiyeed
River terrace
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moos-wabiyeed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darteed webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moos-wabiyeed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhul sare oo ka dhinac samaysma webi dhex maraya bannaan, markii uu sabab darteed webigu billaabo xoqid joog ah mar kale, sababtaas oo ay suurtoggal tahay iany tahay dhallinyarayn.