mookomooko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookomooko
-da: (magac, dhedig, keli) dhaakadhaako oo inuu dhaco u dhawaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookamooko
-da: (magac, dhedig, keli) lugo adag ku taagnayn oo inuu jabo ama dhaco u dhaw. Dh: nugul, dhaakadhaako. Li: adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makooko
m.l Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Jilib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moormoor
(fal) wax humoobay oo aad calal ah noqo. Go'yahaw moormoor ku kalaan kaa iibsadaye. Dh: moodhmoodh, muudhmuudh. Li: cusbaw.
moormoor: (fal) aad u bilaw oo muudhmuudh.
moormoor -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ciyaarta fataatiirta oo goobaabin looga dhigo ciyaarta fataatiiraha. Kaalay moormoor ila cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooromoon
m.l (-nooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Walax loo soo saaro loona dhiiqiyo xaddi yar iyada oo qulqulka dhiigga ku dhiiqiyo qanjirka mariinla'aha ama unug dareen wade gaar ah. Waxa uu joogteeyaa koritaanka ama shaqada nudo ama organno goonni ah oo jidhka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooromoon
m.l (-nooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Walax loo soo saaro loona dhiiqiyo xaddi yar iyada oo qulqulka dhiigga ku dhiiqiyo qanjirka mariinla'aha ama unug dareen wade gaar ah. Waxa uu joogteeyaa koritaanka ama shaqada nudo ama organno goonni ah oo jidhka ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booloboolo
(Booloboola-da)
Shinbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cad yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booloboolo
f. n. duck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booloboolo
-booloboolada: (n) duck (dhaak) boolonboolo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booloboolo
de: duck
lx: booloboolo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: booloboolo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
booloboolo
بَطْة، بَطْ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhmoodh
(fal) duugaw oo wax aad u humoobay noqo. Go'yahaw moodhmoodh ku kalaan kaa iibsdaye. Dh: moormoor. Li: cusbaw.
moodhmoodh: (fal) muudhmuudh oo aad u bisay! dhaaf.
moodhmoodh-ka: (magac, lab, keli) bislaanshaha xaddhaafka ah ee cuntada. Hilibku waa hore ayuu bislaadoo moodhmoodh ayuu ku dhaw yahay: Dh: muudhmuudh. Li: qaydiin, caydhiin.
moodhmoodh -ka: (magac, lab, keli) humoobid mannaanakh ah. Shamiis moodhmoodh ah ayaad gashan tahay. Dh: calal, hun.
moodhmoodh-a: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ciyaarta fataatiirta oo goobaabin looga dhigo ciyaarta fataatiiraha.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BOOCO-BOOCO
(Bo'o-bo'o) All.Som. Calotropis procera. (Ait.) Ait.F. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolamboolo
m.dh la-mid: boolaboolo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolamboolo
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir cad oo luga dhaadheer oo badda ku dul socota; xuur badeed. Boolamboolo keli ma duusho. Dh: boolaboolo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foorno, moofo
Furnace