mookhalitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala hufitaan oo kala sifayn. Dh: shaandhayn, shaandhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhooditaan; faanitaan..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolitaan
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) dhib ama wax kale, ka gudbitaan oo u dhabar'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolitaan
-ka: (magac, lab, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolniin.
loolitaan -ka: (magac, lab, keli) ciyaarta loolka ciyaaritaan. Dh: loolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalitaan
-ka: (magac, lab, keli) naas irmaan caano ka lisitaan. Saca maalitaan baan ula hadhay. Dh: maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooditaan
-ka: (magac, lab, keli) horay uga gudbitaan. Dh: dhaafitaan.
mooditaan-ka: (magac, lab, keli) malayn aan la hubin qaadasho. Dh: ismoodsiis. Li: hubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhalid
-da: (magac, dhedig, keli) kala sifayn oo wixii an loo baahnayn ka saarid. Dh: shaandhayn, kala madhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moositaan
-ka: (magac, lab, keli) ciid daad celisa dhinac u rogitaan: moos uu daad maroamayn. Dh: moosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel oollid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) qool u yeelitaan. Qoolitaanka maqasha ha ku raagin. Dh: qoolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohitaan
-ka: (magac, lab, keli) maydhax miiqan, xadhig ka samayn; soohniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hooshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooshidda lafteed. Dh: qooshniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) aad u buuxit oo daf ahaan. Kubbaayaddu milaalitaanka way ku balqan. Dh: miijitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhawaaqitaan dheer oo ujeeddo leh. Booyaamitaan birmadka, beesha wada gaadhye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) maddadaalo iyo maaweelo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg alalid. al'aloos -ka: (magac, lab, keli) abaabulka koox ama reer lagu qalqaalinayo arrin. Inta badan waxa loo adeegsadaa abaabulka dagaal. Al'alooska reeraha aad ka dhex waddiin joojiya. Dh: abaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobitaan
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah wax u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booditaan
-ka: (magac, lab, keli) degdeg u kicitaan. Orod iyo booditaan bu isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booritaan
-ka: (magac, lab, keli) sac irmaan oo dabada maydhax gumareed ama wax kale laga geliyo si uu ilmaha u oggolaado ama u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalitaan
-ka: (magac, lab, keli) tacbaannimo iyo tabaryari ay keento hawl la qabtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamitaan
m.l la-mid: dhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamitaan
-ka: (magac, lab, keli) caano, afka ku shubasho oo liqitaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) nadiifin oo uskagga iyo foolxumada ka bi'in. Dh: mayrid, xalid.
dhaqitaan-ka: (magac, lab, keli) reerka oo la maamusho oo laga adkaado masruufkooda.
dhaqitaan -ka: (magac, lab, keli) daranyada ka dhabid oo xanaanayn; si wanaagsan u maamulid u dhaqaalayn. Dh: tarmin.
dhaqitaan-ka: (magac, lab, keli) tartan orod ku dheerayn oo orodbadanaan. Dh: dheerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocitaan
-ka: (magac, lab, keli) sare u kicitaan; soo foocniin; soo fuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofitaan
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, dibad u dareeritaan oo u soofitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg foorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg goobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadlitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoogid.d
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooritaan
-ka: (magac, lab, keli) di'itaan ama tiixista roobka.
hooritaan-ka: (magac, lab, keli) dindimitaanka iyo shubmidda dareere. Dh: di'id, hoorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoositaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos iyo hadh u yeelitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogitaan
vl. n. staying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joogitaan
-ka: (n) presence (para sansi); the act of staying ~ joogid, joogis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogitaan
-ka: (magac, lab, keli) tegitaan la'aan. Dh: nagaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogitaan
de: staying
lx: joogitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: joogitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax akayn u baahan, wax kale ku xoojin. Dh: kaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaliifan
Khaliif laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaliifan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) (dii.) Qof la khaliifay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaliifan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) (dii.) Qof la khaliifay ahaansho. m.f.dh, khaliifnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaliifan
der. [adjective] named caliph; being a caliph
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaliifan
(tilmaame) mid khaliif laga dhigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaliifan
de: named caliph; being a caliph
lx: khaliifan
pd: (khaliifnaa)
ps: adj-der
key: khaliifan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobitaan
-ka: (magac, lab, keli) koobaab u samayn; goobaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel kore saaritaan ama ku tuurid.
laalitaan -ka: (magac, lab, keli) arrin iyo wixii la mid ah, dib u dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maagitaan
-ka: (magac, lab, keli) joogsad socod ama fal qabashadii laga joogsado oo laga waabto. Marka daad la dul yimaad geelbaa maagitaan lagu yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhaafitaan; saamixidtaan. Ninka dil ku kacay maaritaan xaq uma leh. Dh: maarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u soocid. Ma laba saacadoodbaad madhitaanka koobka garawga ah ku jirtaa. Dh: xulitaan, soocitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalnaan
m.f.dh eeg makalan. la-mid: makalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax makalan oo hantaaqo qaba ahaan. Makalnaan waad mutaysatee la meermeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mootanaan
(Mootanaan-ta)
Wax mootan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mootanaan
m.f.dh eeg mootan. la-mid: mootanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mootanaan
f. n., [abstract] deadness, state of being dead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax horayba u dhinsanaa ahaan. Maqnaan aan war loo hayn mootanaan laga quustaa dhaanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mootanaan
de: deadness, state of being dead
lx: mootanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: mootanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) guritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkitaan
-ka: (magac, lab, keli) xoodhitaan oo caleen ama timo ka hoolmitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg noogganaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ololitaan
-ka: (magac, lab, keli) holcasho, belbelitaan. Dh: belbelitaan, belelidtaan.
ololitaan -ka: (magic, lab, keli) guux iyo reen samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooqidda lafteeda. Dh: qoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoslitaan
-ka: (magac, lab, keli) qoslidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rooritaan
-ka: (magac, lab, keli) orditaan la rooro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) shax ciyaaritaan; dheelitaan; shaxniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax bishilan ka dhigid; shilniin.
shilitaan -ta: (magac, dhedig, keli) is hortaagitaan; dib u ridid; shilliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocitaan
-ka: (magac, lab, keli) xulitaan; madhitaan; miiritaan; soocniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala qaybin; soorriin.
sooritaan-ka: (magac, lab, keli) sooridda lafteeda; soorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toositaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdada ka kicitaan. Dh: baraarugitaan
toositaan -ka: (magac, lab, keli) si aan baydhbaydh lahayn u socod. Dh: qumitaan.
toositaan-ka: (magac, lab, keli) wax toosan noqod, hagaagitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogitaan
-ka: (magac, lab, keli) boob wax ku qaadasho. Dh: dhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooritaan
-ka: (magac, lab, keli) iska tuuritaan. Xooritaanka qashinka meel ku hubso. Dh: xoorriin, xoorniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg akhirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqbalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aqoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg askaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bololitaan
-ka: (magac, lab, keli) jabidda qori, laf ama ilig. Bololitaan dhowaa xoday ingegay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foohaartan
(fal) kibir isku qaadqaad.
foohaartan -ka: (magac, lab, keli) kibir isku qaadqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fookhadayn
(Fookhadayn-ta)
Fookhad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fookhadayn
m.f.dh eeg fookhadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fookhadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carfi udgoon ama fookhad u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasbitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale ku dirqin waxaanay raalli ka ahayn. Khasbitaanka iyo amarkutaaglaynta agaasimaha ayuu shaqaaluhu ka daalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looshanaan
m.f.dh eeg looshan. la-mid: looshanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg mutuxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
metelitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid maqan ka wakiil noqosho. Dh: wakiilnimo.
metelitaan -ka: (magac, lab, keli) riwaayad ama filim jilitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u sooctaan. Dh: madhitaan.
miidhitaan -ka: (magac, lab, keli) ku xadgudbitan xoog iyo itaal la isu sheegto. Dh: xadgudbitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhikaar
-ka: (magac, lab, keli) magac gaadhi waayo hore socon jiray. Moodhikaarka niman baa wadanjiray Dh: gaadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsanaan
m.f.dh eeg moodsan. la-mid: moodsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida ay tahay maahee si kale moodid oo u haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ogaal la'aan; warqab la'aan. Dh: halmaansanaan. Li: ogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moohaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la moohaariyey ahaansho (dalag beereed). 2. Wax qaab humbulan leh ahaansho (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolarnaan
m.dh (kiimika) Tirada moolasha ah ee milme ee ku jira hal disimitir oo saddex jibbaaran (1 litir) oo mile ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolarnaan
m.dh (kiim.) Tirada moolasha ah ee milme ee ku jira hal disimitir oo saddex jibbaaran (1 litir) oo mile ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhxitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoolnaan oo dub iyo diirba la'aan. Dh: galdhicitaan, diirmitaan, murxitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoofalnaan
(Qoofalnaan-ta)
Wax qoofalan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoofalnaan
m.f.dh eeg qoofalan. la-mid: qoofalnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoofalnaan
f. n., [abstract] state of being hobbled ~ tied up; being locked (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoofalnaan
de: state of being hobbled ~ tied up; being locked (up)
lx: qoofalnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qoofalnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalitaan
-ka: (magac, lab, keli) salalidda lafteda.
salalitaan -ka: (magac, lab, keli) sasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) faanid; tookhitaan; dhooditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir.