mookhalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhalid
-da: (magac, dhedig, keli) kala sifayn oo wixii an loo baahnayn ka saarid. Dh: shaandhayn, kala madhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhal
(fal) kala sifee wax in la kala haadiyo oo la kala nadiifiyo u baahan. Budada mookhal oo jidhiidha ka saar.
mookhal-ka: (magac, lab, keli) weel hoosta shabag aad u daldalool yaryar ku leh oo ciidda budada iyo sharaabka qushka iyo buurbuurka lagaga reebo oo yaryar iyo waawayn ba leh. Dh: shaandho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolid
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u maarayn. Dh: maammulid, moolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dookhad
-da: (magac, dhedig, keli) wareer ku yimaad caasababo caafimaad awgoood. Dh: dawakhaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fookhad
(Fookhad-da)
Ur udgoon oo ka soo baxa cunnada geedeysan oo la bislaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fookhad
m.dh Ur udgoon oo ka soo baxa cunto geedeysan oo bisil ama la bisleynayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fookhad
f. n., (mass n.): aroma, appetizing smell; steam (from cooked food)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fookhad
-da: (magac, dhedig, keli) ur udgoon oo ka soo baxda cunnada geedaysan ee la bislaynaayo. Dh: udgoon, caraf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fookhad
cf: ur, udgoon
de: aroma, appetizing smell; steam (from cooked food)
lx: fookhad
pd: (-da)
ps: n0-f-mass
key: fookhad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jookhid
-da: (magac, dhedig, keli) qurxin iyo bilid qof la dhaydhayo, guri iyo sabadiisna la dhaldhalaaliyo. Dh: qurxin, xarragaysiin, dhaydhayid, bilid. Li: arradin, basaasin, dayacid, darxumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makalid
(Makalid-da)
Waxyeello gaarsiin; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalid
m.f.dh eeg makal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool nafta ka goyn. Naf Ilaahay uumay makaliddeedu waa dambi weyn. Dh: dilid, qudhgoyn, makelid, makalis, kambalid. Li: noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tookhid
(Tookhid-da)
Is ammaanid; faanid; dhoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tookhid
m.f.dh eeg tookh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookhid
-da: (magac, dhedig, keli) faanid ama amaanid amaba dhoodid hadal laysku amaanayo ku hadlid, faanid, isaammaanid. Dh: dhoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoofalid
(Qoofalid-da)
Qoofal ku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoofalid
m.f.dh eeg qoofal². la-mid: qoofal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoofalid
-da: (magac, dhedig, keli) dedid oo hagoog ku xidhid. Dh: qoofalis, dedid.
qoofalid -da: (magac, dhedig, keli) qoofal ku xidhid. Faraska qoofalidda ka daa. Dh: shakaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtamid
(Moogtamid-da)
Kaltamid; meertaysi; jilaysi; miilaysi; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogtamid
m.f.dh eeg moogtan². la-mid: moogtan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kaayaysi; wax ku kaltamid. Dh: kaltamid, kaalaysi, kaayaysi.
moogtamid -da: (magac, dhedig, keli) ogaan kari waayid, ogaal la'aan. Dh: moogtamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoolaalid
m.f.dh eeg yoolaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolaalid
-da: (magac, dhedig, keli) si bilaa macne ah, meel iskaga joogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala hufitaan oo kala sifayn. Dh: shaandhayn, shaandhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laagid. Boodhaagid shuuro looma cuno. Dh: labid, qasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booshaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si bilaa qaab ah u walaaqid. Shuuro booshaaqid iyo shaah la shushubo sheeko lagu helaa macaan. Dh: rufaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolaalid
m.f.dh eeg dhoolaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wejiga biyo ku maydhid. Dh: wajidhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobyaalid
m.f.dh eeg goobyaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobyaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socsocosho wax lagu raadinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooldhalin
-ka: (magac, lab, keli) goolka kubadda gelin oo xarriiqa dhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolhoolid
(Hoolhoolid-da)
In badan hoolid; si xun u xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolhoolid
m.f.dh eeg hoolhool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u xiirid; in badan hoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalkhalid
(Khalkhalid-da)
Khalkhal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhalid
m.f.dh eeg khalkhal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalkhalid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareer iyo khalkhal qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalid
(Dhalid-da)
1. Ummulid.
2. Ilmo ama carruur aabbe ama hooyo u noqosho.
3. Soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalid
m.f.dh eeg dhal². la-mid: dhalis², dhalmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhalitaanka nooluhu ilmo dhalo. Dh: umulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doohad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolid
(Foolid-da)
(ka foolid) Dhib ama baxnaanis ka bixid. ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolid
m.f.dh eeg fool4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) dhib ka bixid; ka gudbid. Dh: foolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goohid
(Goohid-da)
Ci gooh ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goohid
m.f.dh eeg gooh².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolid
(Hoolid-da)
Dhogor ama timo, si farsamo xun u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolid
m.f.dh eeg hool. la-mid: hoolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolid
-da: (magac, keli) dhogor ama timo, si farsamaxumi ah u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid. Dh: hoolis.
hoolid -da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadis; diir ka hoolis. Dh: hoolis, diiris.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jookha
name-f embroidered brocade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
khalad
violation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khalad
m. n. error, mistake, fault
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khalad
-ka: (n) 1. mistake (misteeyk), error (erar), fault (foolt). 2. (adj) incorrect (in korakt); wrong (roong) ~ qalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan sax ahayn. Dh: gef, qalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khalad
a: qalad
de: error, mistake, fault
lx: khalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: khalad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
khalad
غلط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalii
(Khalii-ga)
Qoryo dhuudhuuban oo aqallada (cariishyo) lagu dhiso ama bedemmada, kd., lagu awdo; sarab; sadaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolid
m.f.dh eeg lool³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta loolka ciyaarid. Dh: loolis.
loolid -da: (magac, dhedig, keli) soofayn oo lool marin. Dh: loolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalid
(Maalid-da)
Neef xoolo ah oo irmaan caano ka lisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalid
m.f.dh eeg maal³. la-mid: maal¹ (3), maalis², maalniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalid
-da: (magac, dhedig, keli) naas irmaan caano ka lisasho. Dh: lisasho, maalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moodid
(Moodid-da)
1. Si gef ah wax u garasho; wax wax kale u qaadasho, la noqosho, la ahaansho, malayn.
2. Gudbid; dhaafid; marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodid
m.f.dh eeg mǫod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbid oo horay u dhaafid. Ninkii moodid uun buu nagu dhaafoo ma fadhiisan. Dh: maris.
moodid -da: (magac, dhedig, keli) malayn aan la hubin oo shey sidii uu ahaa ama si an ahayn loo qaato. Moodid markhaati ma gasho. Dh: malayn, moodis. Li: hubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaal li'i; war la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolal
m.l (kiimika) Ribnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolal
m.l (kiim.) Ribnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolis
-ta: (magac, dhedig, keli) maamulid; marayn. Moolis xumo maal gudhaan ka daraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moosid
(Moosid-da)
Biyo socda ama fadhiya, moos celiya ama weeciya u sameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosid
m.f.dh eeg moos³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosid
-da: (magac, dhedig, keli) moos biyuhu maraan samayn: biyo socda moos celiya ama weeciya u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollid
m.f.dh la-mid: aallid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollid
-da: (magac, dhedig, keli) meel deggenaan. Oollidda reerku uu oollaayo ayaa la isku gaysta. Dh: deggenaan.
oollid -da: (magac, dhedig, keli) alaab halkii la dhigay iska taallid. Dh: aallid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolid
(Qoolid-da)
Qool u yeelid, gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolid
m.f.dh eeg qool².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolid
-da: (magac, dhedig, keli) qool u yeelid; mareeg qoorta u gelin. Dh: qoolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soohid
(Soohid-da)
(xargo, ...) samayn; falkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soohid
m.f.dh eeg sooh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhax ka miiqid, xadhig ka dhigid; soohis. Dh: falkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sookal
-sha: (magac, dhedig, keli) kabaha cidhibtooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cooshad
m.dh (-do, m.l) Guri ka sameysan qoryo iyo caws oo si ku meel gaar ah loogu noolaado ama wax loogu gato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cooshad
m.dh (-do, m.l) Guri ka sameysan qoryo iyo caws oo si ku meel gaar ah loogu noolaado ama wax loogu gato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cooshad
-da: (magac, dhedig, keli) buul yar oo inta badan caws ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobali
m.l Dheddig curad ah oo aan rimmanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodali
m.l (-iyaal, m.dh) Tol meyta xusaaya fadhiga uu jilib jilib u kala fadhiisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooshid
m.f.dh eeg goosh². la-mid: goos¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooshid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul badan, safar ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooshid
(Hooshid-da)
Boobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooshid
m.f.dh eeg hoosh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshid
-da: (magac, dhedig, keli) boobidda iyo dhicidda cid kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jookhan
(tilmaame) ku astoobid billaan ilqabad leh oo sharfan. Dh: lebbisnaan, hannaansan, joogan, isku-idibillaan, joogan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaalid
name-m friend; lasting; eternal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaldid
-da: (magac, dhedig, keli) khalad ka dhigid; shay sidii loogu talagalay laga duway. Dh: qaldin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalqid
(Khalqid-da)
Abuurid; uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalqid
m.f.dh eeg khalaq.