ereyga

moodhmoodh

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moodhmoodh

DHAN
1

(fal) duugaw oo wax aad u humoobay noqo. Go'yahaw moodhmoodh ku kalaan kaa iibsdaye. Dh: moormoor. Li: cusbaw.

2

moodhmoodh: (fal) muudhmuudh oo aad u bisay! dhaaf.

3

moodhmoodh-ka: (magac, lab, keli) bislaanshaha xaddhaafka ah ee cuntada. Hilibku waa hore ayuu bislaadoo moodhmoodh ayuu ku dhaw yahay: Dh: muudhmuudh. Li: qaydiin, caydhiin.

4

moodhmoodh -ka: (magac, lab, keli) humoobid mannaanakh ah. Shamiis moodhmoodh ah ayaad gashan tahay. Dh: calal, hun.

5

moodhmoodh-a: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ciyaarta fataatiirta oo goobaabin looga dhigo ciyaarta fataatiiraha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moodhmoodhid

DHAFAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) aad u humoobid oo calal noqosho. Dh: moormoorid, humoobid.

2

moodhmoodhid-da: (magac, dhedig, keli) xoog u bislaasho oo jilayc aan loo baahnayn noqosho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

coodhcoodh

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) jidhka dadku marka uu gaboobo ee uu isku rooro qaabka uu noqdo; jidh, harag, iyo wixii la mid ah, oo cudur ama dayac dartiis u googgo'a. Dh: hoodhhoodh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

foodhfoodh

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) kibir ka badbadin ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moormoorid

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) aad u humoobid oo calal u noqosho. Dh: moodhmoodhid, humoobid.

2

moormoorid -da: (magac, dhedig, keli) bisayl darteed la jilcid oo la kala daadasho. Dh: muudhmuudhid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tortor

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) hoodh-hoodhid iyo muudhmuudhid. Dh: hoodhoodh, moodhmoodh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tortoris

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) qurmid darteed muudhmuudhis. Dh: hoodhoodhis, mataataqis, moodhmoodhis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moodhadh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) baabuur; magacii ay Soomaalidu u bixisay xilligii uu gaadhigu soo baxay; gaadhi la raaco. Muraadkoodu nimankuu ahaa moodhadhkiyo daarta. Dh: baabuur, gaadhi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

coodhcoodhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si qallafsan oo isku jactadsan ka dhigid. Li: sigibtirid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

coodhcoodhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg coodhcoodhin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

boodbood

DHAFANDHAAF

v. jump up and down

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

boodbood

DHAFANDHAAF

-ay/day: (v) start jumping up and down

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boodbood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) cagaha oo dhulka kor looga qaado haddana lagu celiyo oo sidaa mar wax ka badan la sameeyo. Bakayluhu tallaabada, boodboodka door mood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

boodbood

DHAFANDHAAF
1

de: jump up and down

2

lx: boodbood

3

pd: (boodbooday)

4

ps: v1=pl

5

key: boodbood

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gadhoodh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) caano xoolaad oo dhanaanaaday oo fadhiistay oo subag laga bixin karo. Caanuhu waa gadhoodh ee lula. Li: dhay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

madhmadh

DHAFANDHAAF
1

(fal) aad u kibir. Waad dheregte madhmadh ha is odhan.

2

madhmadh -ka: (magac, lab, keli) isqaadqaad iyo kibir xaddhaaf ah. Kibir iyo madhmadh ayaad dadka ku doonatay. Dh: kibir.

3

madhmadh -ka: (magac, lab, keli) mataatakh iyo qudhun maqaarka ku dhaca. Ani makaankay waa miscirir, iyo maqaar nirigoo madhmadhay, ee mayaayada soo madaw, way ninkii meelloow ka roor. Dh: qudhun.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

moormoor

DHAFANDHAAF
1

(fal) wax humoobay oo aad calal ah noqo. Go'yahaw moormoor ku kalaan kaa iibsadaye. Dh: moodhmoodh, muudhmuudh. Li: cusbaw.

2

moormoor: (fal) aad u bilaw oo muudhmuudh.

3

moormoor -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah ciyaarta fataatiirta oo goobaabin looga dhigo ciyaarta fataatiiraha. Kaalay moormoor ila cayaar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

madhoodhi

DHAFANDHAAF

(fal) baydhbaydh oo qof ku eryanaya toos hawgu cararine u weecweeco. Madhoodhi oo baxso yaan lagu qabane. Dh: jarjar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

madhoodho

DHAFANDHAAF

m.dh 1. Buunbuuninta wax tiradooda ama tayadooda la buunbuuniyo. 2. Wax aan faa'iido lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

madhoodho

DHAFANDHAAF

f. n.; [ext. atr.]: amplification, enlargement; exaggeration (of a conversation); useless, worthless

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

madhoodho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) farsamo ama hadal suugaaneed aan hagaagsanayn oon farshaxan lahayn. In madhoodho lay soo diraa waa macno la'aane.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

madhoodho

DHAFANDHAAF
1

de: amplification, enlargement; exaggeration (of a conversation); [ext. atr.] useless, worthless

2

lx: madhoodho

3

pd: (/da)

4

ps: n-f

5

key: madhoodho

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mookamooko

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) lugo adag ku taagnayn oo inuu jabo ama dhaco u dhaw. Dh: nugul, dhaakadhaako. Li: adag.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mookomooko

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhaakadhaako oo inuu dhaco u dhawaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

muudhmuudh

DHAFANDHAAF
1

(fal) aad u bislaw oo wax jilicsan noqo. Hilib yahaw muudhmuudh had macaanaatide. Dh: bislaaddhaaf.

2

muudhmuudh: (fal) aad u gubo oo googo'. Dabku dhac oo muudhmuudh had kulaylka cadaabta garatide. Dh: dumudh, googo'.

3

muudhmuudh -ka: (magac, lab, keli) bislaasho aad ah oo wax la kaariyayi uu si xoog ah u jilco faraha u raaco. Dh: bisayldhaaf. Li: yacyacood.

4

muudhmuudh-ka: (magac, lab, keli) gubasho xog ah oo dubka dadka gaadha oo dhimasho ah ama qarka loo gaadho. Dh: dummudh.

waa la naqliyay ✓