moodhikaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhikaar
-ka: (magac, lab, keli) magac gaadhi waayo hore socon jiray. Moodhikaarka niman baa wadanjiray Dh: gaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadhuf
-ka: (magac, lab, keli) xayaabada biyaha soo dul marta kolka ay kala miirmaan ee ay fadhiistaan. Oday masoo meel uun fadhiya. maadhuf hoostiisa taal, moodhikaarkuna qaadi karin iyo masiiba u gacan gashee, malab llaahow kaaga yeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhar
-ka: (magac, lab, keli) baabuur; gaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moohaar
-ka: (magac, lab, keli) kiintaal badhkii oo u dhigma joonyad ama kabdad 50kg ah. Reerka moohaar garow ah u shub. Dh: gadbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooditaan
-ka: (magac, lab, keli) horay uga gudbitaan. Dh: dhaafitaan.
mooditaan-ka: (magac, lab, keli) malayn aan la hubin qaadasho. Dh: ismoodsiis. Li: hubitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodhar
m.l Budo cad oo siigo ah udgoon oo waqtiga kuleylaha la marsado si ay dhidika u nuugto. la-mid: boolbare, boolbire, bootar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boohaar
(Boohaar-ta)
1. Miisaan lagu cabbiro timirta iyo beeyada iyo wixii la mid ah.
2. Badnaan wax meel ku badan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boohaar
m.dh (-ro, m.l) 1. Cabbir u gaar ah beeyada oo u dhigma afar kiintaal. 2. Falxad. 3. B. ah: nafley aad u xoog badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boohaar
f. n. unit of measure (for dates, incense, etc.); sack of resin; abundance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boohaar
-ta: (magac, dhedig, keli) badnaanta wax meel ku badan yahay.
boohaar -ta: (magac, dhedig, keli) miisaan lagu qiyaaso timirta iyo beeyada. Boohaar timir baa lagu cabbiraa bidhana geel baa lagu lisaa. Dh: moohaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boohaar
de: unit of measure (for dates, incense, etc.); sack of resin; abundance
lx: boohaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: boohaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaar
m.l 1. Madaxa. 2. Dhafoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foohaar
(Foohaar-ka)
Xarrago dhar waaweyn loo qaato oo istustus iyo kibir ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foohaar
m.l Xarrago dhar waaweyn loo qaato oo is tustus iyo kibir ku jiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foohaar
v. overdress
foohaar vl. n. showy dress; sharp dressing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foohaar
nickname-m sharp-dresser; elegant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foohaar
-ka: (magac, lab, keli) xarrago dhar waaweyn loo qaato oo kibir iyo istustus ku jiro. Dh: isqaadqaad, islaweni. Li: tawaaduc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoodaar
(Hoodaar-ka)
Diric; rag (ama hodaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodaar
m.l 1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay! la-mid: hooddaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoodaar
m.l 1. H. ah: qof karti badan; diric; rag. 2. H. ah: qof nasiib badan. 3. (e.d) H.!: waa tahay! la-mid: hooddaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoodaar
m. n. capable person, able man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodaar
-ka: (magac, lab, keli) nin raganimo iyo dhiirrani u dhashay oo karti lehi Dh: haldoor, geesi, diric, hodaar, dhabar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoodaar
cf: diric
de: capable person, able man
lx: hoodaar
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hoodaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joohaar
(Joohaar-ka)
(sheekaxariiro) mas johorad if badani uurka ugu jirto, oo habeenkii inta la soo baxa ilayskeeda ku ugaarsada; masjoohaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joohaar
m.l Mas if badani uurka uga jiro oo habeenkii inta la soo baxo ilayskeeda ku ugaarsado; masjoohaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joohaar
m. n. legendary serpent ~ mythical snake
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Joohaar
name-m legendary serpent-- mythical snake (said to have a jewels in its body that shine at night); Pl: the illuminated stones it leaves behind
name-m gem, jewel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joohaar
-ka: (magac, lab, keli) iftiinka masku markuu gaboobo ku ugaadhsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joohaar
a: masjoohaar
de: legendary serpent ~ mythical snake (said to have a jewel in its body that shines at night); Pl: the illuminated stones it leaves behind
lx: joohaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: joohaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaar
-ka: (magac, lab, keli) wareegga hadhka. Aabbo wuxu fadhiyaa hadh qoodaarka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaaq
(fal) arrin ama wax kale laaqid.
boodhaaq-a: (magac, lab, keli) laaqitaan wax la laaqo. Boodhaaq badan ciir subug bay ku dhiiqdaa xaarna ur buu ku dhiigaa. Dh: lab, qas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodsaar
(Foodsaar-ka)
1. Legdan kd. toos iyo kafool kafool laysaga hor yimaado.
2. Wax soo socda oo bareer looga hor tago.
3. Raar aqalka fooddiisa la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodsaar
foodsaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Raar aqalka miyiga wejiga hore laga saaro. 2. Gabbaad. 3. la-mid: foodshareer. Maro haweenku wejiga saartaan. 4. la-mid: foodsaarid.
foodsaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foodsaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho. m.f.dh, foodsaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foodsaar
v., [compound] face (towards); confront; encounter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodsaar
-ka: (magac, lab, keli) legdan iyo wixii la mid ah.
foodsaar-ka: (magac, lab, keli) hararrada aqal Soomaaliga dusha laga saaro ee daaha afkiisa kor ka soo gaadho.
foodsaar -ka: (magac, lab, keli) eray xisaabta loo isticmaalo oo ah labada xaglood ee iska soo hor jeeda ee is le'eg.
foodsaar -ka: (magac, lab, keli) wax soo socda oo badheedh looga hor tago.
foodsaar-ka: (magac, lab, keli) «u ~» sugidda wax lagu muransan yahay, caddayn uga dhig. Dh: daliil.
foodsaar -ta: (magac, dhedig, keli) shalmad yar oo gobol ah oo dumarku madaxa iyo garbaha saaraan. Kolkay habluhu aqalka joogaan foodsaar yar bay huwadaan. Dh: garbsaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foodsaar
de: face (towards); confront; encounter
lx: foodsaar
nt: foodsaar (ka) [vn2-m] 'confrontation'
pd: (foodsaaray)
ps: v1=cmp
key: foodsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooddaar
m.l la-mid: hoodaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshaar
-ka: (magac, lab, keli) lebisaad iyo xarrago xaddhaaf ah.
hooshaar -ka: (magac, lab, keli) shukaanka huuriga ama doonta dhanka danbe lagaga xidho. Dh: dafad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Koodh-ka
manteau.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodhadh
-ka: (magac, lab, keli) baabuur; magacii ay Soomaalidu u bixisay xilligii uu gaadhigu soo baxay; gaadhi la raaco. Muraadkoodu nimankuu ahaa moodhadhkiyo daarta. Dh: baabuur, gaadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moohaari
f.g2 (-iyay, -isay) Dalag beereed moohaar ku qiyaasid ama ku cabbirid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Moolkaal
name-m save-guard
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Noodh-ka
billet (de banque, de voyage).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooditaan
-ka: (magac, lab, keli) ood afka ka saarid, oo ku awdid.
ooditaan -ka: (magac, lab, keli) ijaar ama deyr ood ku wareejin.
ooditaan -ka: (magac, lab, keli) xidhitaanka albaab furan. Dh: xidhitaan, awditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhitaar
(fal) cid kale badhikintaal oo taageer. Dh: badhikintaal.
badhitaar -ka: (magac, lab, keli) cid kale badhikintaalid oo taageerid. Dh: badhikintaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booditaan
-ka: (magac, lab, keli) degdeg u kicitaan. Orod iyo booditaan bu isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolibaar
-ka: (magac, lab, keli) meesha lagu dhoogtamo.
goolibaar -ka: (magac, lab, keli) meel col joogey oo dad soo hubiya loo diro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madhibaan
nickname-m harmless, very decent one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madhibaan
ama Madhibe: magac loo bixiyo wiil uurka intii lagu siday iyo dhalmada midna aan hooyadii dhib arag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u soocid. Ma laba saacadoodbaad madhitaanka koobka garawga ah ku jirtaa. Dh: xulitaan, soocitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moositaan
-ka: (magac, lab, keli) ciid daad celisa dhinac u rogitaan: moos uu daad maroamayn. Dh: moosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) guritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohitaan
-ka: (magac, lab, keli) maydhax miiqan, xadhig ka samayn; soohniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhimays
-ka: (magac, lab, keli) qaab loo qurxiyo dhallinta timahooda. Waxa la adeegsadaa layiig laga sameeyo gobka caleemihiisa curdinka ah, oo la daro qori lagu duubo in yar oo timo ah oo sameeya maroorro dalool yeelsha, laguna dhammeeyo timaha madaxxa oo dhan iyagoo sadarsadar isu dulyaalla.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hooshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u sooctaan. Dh: madhitaan.
miidhitaan -ka: (magac, lab, keli) ku xadgudbitan xoog iyo itaal la isu sheegto. Dh: xadgudbitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsanaan
m.f.dh eeg moodsan. la-mid: moodsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida ay tahay maahee si kale moodid oo u haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooshidda lafteed. Dh: qooshniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taadhisaar
taadhisaar¹: m.l Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.
taadhisaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taadhisaar
m.l Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taadhisaar
(fal) dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya, haddana umul.
taadhisaar -ka: (magac, lab, keli) eeg taadhida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tookhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhooditaan; faanitaan..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mookhalitaan
-ka: (magac, lab, keli) kala hufitaan oo kala sifayn. Dh: shaandhayn, shaandhays.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xood jibbaar
Exponential curve
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goonnibbaar
goonnibbaar¹: m.l Wax toogashada lagu barto. la-mid: goolobbaar¹.
goonnibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax xabbad ku ridid. la-mid: goolibbaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goonnibbaar
m.l Wax toogashada lagu barto. la-mid: goolobbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goonnibbaar
v. search someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goonnibbaar
bw: goolibbaar
de: search s.o.
lx: goonnibbaar
nt: goonnibbaar (ka) [vn-m]
pd: (goonnibbaaray)
ps: v1=tr
key: goonnibbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maldihitaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal si sarbeeb ah u sheegitaan. Maldihitaanku wuxu u baahan yahay in aqoon dheer afka loo lahaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandharaari
(Mandharaari-da)
Qabsinka geela qaarkiisa danbe oo saaladu ka baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandharaari
m.dh Mindhicirka geela kiisa yaryar; oo saaladu kabaxdo; xiidme.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandharaari
f. n. anus of camel, end section of a camel's intestine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandharaari
-da: (magac, dhedig, keli) mindhicirka geela dhankiisa dambe oo saaladu ka baxdo. Waraabaa waa yidhi: madharaari geel; suu mid-1 kale isna yidhi: anna waa igu muudka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandharaari
de: anus of camel, end section of a camel's intestine
lx: mandharaari
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mandharaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muldhisnaan
m.f.dh eeg muldhisan. la-mid: muldhisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobdhaxaad
m.l R. ah: hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobdhaxaad
-ka: (magac, lab, keli) hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Awood bikaaco
Lens, power of