monosakaraydh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
monosakaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baayoloji) Kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
monosakaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (baay.) Kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
monosakaraydh
-ka: (magac, lab, keli) kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raybows
m.l (-syo, m.dh) (kiimika) Monosakaraydh (C H O) oo inta badan aan keligeed laga helin dabeecadda, laakiin muhim ah sida RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyey dhayogsiribows (C H O) oo muhimad la mid ah leh waxyaabaha ay ka koobantahay DNAdu, taas oo qaadda taxanaha hiddaha koromosoomyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raybows
m.l (-syo, m.dh) (kiim.) Monosakaraydh (C H O) oo inta badan aan keligeed laga helin dabeecadda, laakiin muhim ah sida RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyey dhayogsiribows (C H O) oo muhimad la mid ah leh waxyaabaha ay ka koobantahay DNAdu, taas oo qaadda taxanaha hiddaha koromosoomyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raybows
-ka: (magac, lab, keli) monosakaraydh (CHO) oo inta badan aan keligeed laga helin dabeecadda, laakiin muhim ah sida RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyey dhayogsiribows (CHO) oo muhimad la mid ah leh waxyaabaha ay ka koobantahay DNAdu, taas oo qaadda taxanaha hiddaha koromosoomyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labasakaraydh
m.dh (-dhyo, m.dh) (kiim.) sonkor molikuyuuladeedu ka kooban yihiin laba xubnood oo hal sakaraydh ah. Sukrows iyo maaltows ayaa tusaale u ah. Kuwan waxa isku xiriiriya seeto -O- ah (seeto galaykoosydheed). eeg sonkor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasakaraydh
-ta: (magac, dhedig, keli) sonkor molikuyuuladeedu ka kooban yihiin laba xubnood. oo hal sakaraydh ah. Sukrows iyo maaltows ayaa tusaale u ah. Kuwan waxa isku xiriiriya seeto -O- ah (seeto galaykoosydheed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba-sakaraydh
m.dh (-dhyo, m.dh) (kiimika) Sonkor molikuyuuladeedu ka kooban yihiin laba xubnood oo hal sakaraydh ah. Sukrows iyo maaltows ayaa tusaale u ah. Kuwan waxa isku xiriiriya seeto -O- ah (seeto galaykoosydheed). eeg sonkor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorgarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moor dhigid; buuxin oo afka ka tolid. Raashinka jilmad ah moorgaraynta ayaa lagu iibsadaa. Dh: moogarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moorgarays
-ka: (magac, lab, keli) afka ka tolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sinsaaro ku legdid; sinsaarayn; sinsaarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaarays
-ka: (magac, lab, keli) sinsaarayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boostokaadh
-ka: (n) postcard (poowst kaardh) ~ boostokaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosaarasho
m.dh la-mid: koosaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaarasho
m.f.dh eeg koosaaro. la-mid: goosaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) koosaar ku darsasho; suugo ku darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anhaydaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah: tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
anhaydaraydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.) Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah: tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooyaxawaash
-ka: (magac, lab, keli) mooye yar oo tib yar oo qoriya ama bir ah leh oo dumarku xawaashka dheriga ku tuntaan kana mid ah weelka madbakha.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Soo saarayya
trouver.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Monosacchride
Monosakraydh