molikiyuul
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
molikiyuul
m. n., [collective] molecule
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
molikiyuul
-ka: (n) [Chemistry] molecule (mal'i kiyuul) ~ mulikiyuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
molikiyuul
-ka: (magac, lab, keli) tiro atamyo ah oo isku xidhma marka uu falgal kimikaad ka dhex dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
molikiyuul
de: molecule
lx: molikiyuul
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
syn: jiriir {Eng}
key: molikiyuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolikiyuul
m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moolikiyuul
m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Moolikiyuul
Molecule
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mulukiyuul
-ka: (n) [Chemistry] molecule (mal 'i-kiyuul) ~ molikiyuul, qurubka ugu yar ee maatarka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-bu'eed
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-laagtika
m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayoon-taban
m.l (-nno ..., m.dh) (kiimika) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (baayoloji) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabar-haydarojiin
m.dh (-rro ..., m.dh) (kiimika) Dabar molikiyuuleed ka dhex samaysma molikiyuulo haydarojiintoodu u dabarantahay curiye elektaroonjiida shadiisu xooggantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheef-burburin
m.dh (baayoloji) Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh. b.ta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefsasho
dheefsasho¹: m.f.dh eeg dheefso. la-mid: dheefsad, dheefsi.
dheefsasho²: m.dh 1. (baayoloji) Samayska dh. ee borotinnada, duxda iyo waxyaaba kale oo noolayaasha ku jira ee laga samaynayo molikiyuullada iyo walxo kale oo yaryar. 2. (baayoloji) Wadarta ama isugeynta falgallada kiimikaad ee ka dhex dhaca noolayaasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dub-soohdin
m.l (fiisikis) Lakab khafiif ah ee dareere oo ku samaysan oogada walax adke ah, taas oo dareeraha uu lakabku ka samaysanyahay uu socdo. Xoogga qalaad isjiidadka ayaa sababa in molikiyuulada dareeraha ee ugu dhow adkuhu ayna dhaqaaqin oo ay taagnaadaan, marka loo eego dareeraha ay ka midka ahaayeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dux-foosfeyt
m.l (-tyo, m.dh) (kiimika) Dux ay ku jirto koox foosfeyt oo qayb muhiim ka ah molikiyuulka. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey gilisarool ku dhegsan laba asiidh duxeed, koox foosfeyt iyo beys naytaroojiin. D. f.ku waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin xuubabka unuggu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eber sugan
m.l (fiisikis) Heerkulka ugu hooseeya ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa - 273.15 C ama -459.67 F.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-dhul
m.l (fiisikis) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiimo
m.dh (kiimika) Molikiyuul bir ka kooban, kaas oo ugu xidhan borotiinnada sida kooinsaymyada ama kooxo falgallada dedjiya si ay u sameeyaan hiimoboro-tiinno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskunaaneysnimo
m.dh (kiimika) Jiritaanka laba ama in ka badan oo iskudhisyo kiimikaad oo leh naaneys molikiyuul isku mid ah haseyeeshee dhis-naaneys moliki-yuulka waxaa la yidhaahdaa iskunaa-neysyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarboohaydrayt
m.l (-tyo, m.dh) (kiimika) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisakaraydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayd-ayoonayn
m.l (-ded ..., m.l) (kiimika) Summad: IP. Taranta loo baahanyahay in lagaga qaado hal elektaroon atam (ama molikiyuul koox) markuu yahay wejiga neefta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kodhon
m.l (-no, m.dh) (baayoloji) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koo-insaym
m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Molikiyuul aan borotiin ahayn oo orgaanik ah, kaas oo ku xidhiidhiya molikiyuul insaym dedejinta falgallada baayokiimi-keed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulgudbin
m.dh (fiisikis) Mootinta kulka ee walax gudaheeda, isaga oo kulku ka tegayo meesha heerkulkeedu sarreeyo, una gudbaya meesha heerkulkeedu hooseeyo. Neefaha iyo badanka hoorarka, gudbinta kulka waxa dhaliya is-hirdiga atamyada iyo molikiyuulada tamar socodkoodu kala duwanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaktays
m.l Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhan
m.dh (fiisikis) Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufmolukiyuul
-ka: (magac, lab, keli) wadarta cuf'atamyada uu molukiyuulku ka samaysan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golakafuul
m.l Gabay aan la soo diyaarin oo gole laga jeediyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golekafuul
-ka: (magac, lab, keli) hal'abuur maanso tirin kara isaga oo aan u fikirin; abwaan marka ay talo ku soo booddo si dedeg ah suugaan u yidhaahda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerkiyuuri
m.l (kiimika) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. la-mid: meerkuri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meerkiyuuri
m.l (kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. la-mid: meerkuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerkiyuuri
-ga: (magac, lab, keli) (kiimika) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. Dh: meerkuri.