modo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòdo
s.m. si.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodo
m.dh (-ooyin, m.l) Hab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moodo
f. n. style, mode, fashion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moodo
-moodada: (n) style (istaayl); fashion (faash'in); model (moodhal); mode (mowd); Ex: gaarigaygu waa moodadii u danbaysay; my car is the latest model
moodo ah: (adj) fashionable (faash'a na bal); stylish (istaaylis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodo
-da: (magac, dhedig, keli) marid shey meel lagu maro ama lagu dhaafo.
moodo -da: (magac, dhedig, keli) male aan la hubin oo shey sidii uu ahaa ama si an ahayn loo qaato. Dh: qiyaas, male.
moodo-da: (magac, dhedig, kei) kolba waxa cusub ee xilligaa dhallinyardu xiiseeyaan. Surwaalka oo suun la'aan la xidhaayi waa moodo casri ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moodo
de: style, mode, fashion {It}
lx: moodo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: moodo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hab
Sistema; modo
System; manner
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tub
Via (modo)
Way
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gròsso
agg. - buuran, kuusan (g. modo: qiyaasti).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurabiish
-ka:(magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda oo leh labo seeb oo baadad u eg, madax yar iyo daba dheer oo xadhig la modo oo qodax leh. Dh: safan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluug
-ga: (magac, lab, keli) sibaaq budo ah ama iskujir milmi og oo loo adeegsado midabaynta dharka cadcad marka la rabo in buluu laga dhigo midabkiisa. Qamiiska aabbo waxaan geliyey buluu. Dh: sibaaq, buluug.
buluug -ga: (magac, lab, keli) midab ka mid ah kuwa waaweyn ka mid ah, oo u eg cirka badina ka sii modow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codo
f.g3 (-otay, -odatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codo
f.g3 (-otay, -odatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho. m.f.dh, codasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codo
v. request, ask for something, appeal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codo
(fal) wax weydiiso; wax aad u baahan tahay cid kale ka dalab. Dh: weydiiso, codso. codsad -ka: (magac, lab, keli) cid kale, wax weydiisad; codsi gudbisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codo
a: codso
de: request, ask for s.t., appeal With preposition ka
lx: codo
pd: (cotay / codatay)
ps: v3b=
key: codo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godo
godo¹: m.dh 1. Meel ay doqowda talada gooysaa ku shiraan. 2. Godad yaryar oo shinnidu samayso oo ay malabka iyo ugaxda ay ku hoyiso. 3. Daliig yar oo daruur ah.
godo²: f.g/mg3 (-otay, -odatay) 1. (f. g) Wax qalloocasho. 2. (f.mg) Qalloocsamid. Tusaale: “Cali lixdan sano markuu gaaray ayuu gotay”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godo
v. be bent ~ crooked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godo
(fal) soo xoodo; soo foorarso; soo qalloocsan.
godo -da: (magac, dhedig, keli) daruur yar oo is qoolaabta oo xilliga roobku soo dhow yahay samada lagu arko. Cirku galabta goduu leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godo
de: be bent ~ crooked
lx: godo
pd: (gotay)
ps: v3b=
key: godo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodo
-da: (magac, dhedig, keli) xilliga qofka ajashiisu joogto. Amuuraha ma kaadsado ninkii kodo shidaysaaye. Dh: ajal.
kodo -da: (magac, dhedig, keli) dulaandul hoos u godan. Dh: bohol. Wa: kodooyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mado
-ha: (magac, lab, keli) calaamad muuqata oo wax lagu garto. Mogolo mooyee mado ma dilo may yidhaahiin, duud mooyee daleedi ma qariso may yidhaahiin.
mado -ha: (magac, lab, keli) rajo laga qabo meel ama arrin. Mado la'aan meel lama maro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòda
s.f. - hab, hannaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mode
Badidhace
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mode
/mowdh/ (n) hab nololeedka qofka.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mode
Si, hab,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mode
mode, n.f. - habka (dharka loo qaato).
mode, n.m. - habka (loo bixiyo codadka),
mode de production - habka tacabka
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mode
n., si, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: muho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moho
(fal) isla jeclaw oo hunguree wax ay na muhato. Moho oo maankana ku hay marwadaad jeclayd. Dh: jeclow, rab.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mono
/mona/ (adj) 1. hal (kaliya) 2. raadye leh hal layn ama hal samaacad (oo hal meel codku ka soo baxo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòno
pref. - hor kabe tilmaama hal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
moto
s.m. - dhaqdhaqaaq; (mettere in m.: kicin baabuur).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
moto
moto, n.f. - dhugdhugle (mooto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudo
mudo: f.g3 (-utay, -udatay) 1. Abaalgud istaahilid. 2. Cid u baahasho.
mųdo: f.g3 (-ųtay, -ųdatay) Wax meel ku turqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudo
mųdo: f.g3 (-ųtay, -ųdatay) Wax meel ku turqasho. m.f.dh, mųdasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudo
v. deserve, merit, be worthy of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudo
(fal) baahiyi ha kuu geyso; Alle ha ku bado. Haddii ad awr kale weyday awrkaaga garboole mudo.
mudo: (fal) turqo oo iska irbad ugu duro. Dibiga mudo oo fiinyada ku xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudo
de: deserve, merit, be worthy of
lx: mudo
nt: mudasho (/da) [vn-f]
pd: (mutay / mudatay)
ps: v3b=tr
key: mudo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nódo
s.m. - gunud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodo
f.g3 (-ootay, -oodatay) Xero iyo wixi lamida ood ku wareegsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oodo
f.g3 (-ootay, -oodatay) Xero iyo wixi lamida ood ku wareegsasho. m.f.dh, oodasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oodo
v. close ~ fence off for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oodo
oodaha: (n) [plural of ood] 1. brushwoods (buraash-wuudis). 2. —oodo -ootay / oodatay / ooteen: (v) fence (feens); with a wooden enclosure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodo
(fal) xero iyo wixii la mid ah, ood ku meerso.
oodo: (fal) meel furan xidho. Aqalka siigada ka oodo. Dh: xiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oodo
de: close ~ fence off for oneself
lx: oodo
pd: (ootay / oodatay)
ps: v3b=tr
key: oodo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodo
f.g3 (-otay, -odatay) 1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodo
f.g3 (-otay, -odatay) 1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho. m.f.dh, qodasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodo
v. dig for oneself; plow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodo
-qotay / qodotay: (v) dig up for oneself; unearth (an-eerth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodo
(fal) meel adigu iskaa u daloosho; beer ad gaar u leedahay qod. Dh: faqo, falo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodo
de: dig for oneself; plow
lx: qodo
pd: (qotay)
ps: v3b=tr
key: qodo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sòdo
agg. - adag.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
còmodo
agg. - raaxo leh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mètodo
s.m. - dariiqo, tab, hab.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mòdulo
s.m. - foom.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
món do
s.m. - adduun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooddo
(Moodda-da)
Sida la moodayo; male; fakar; ictiqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooddo
m.dh Sida wax la moodayo; male; fakar; ictiqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooddo
f. n. assumption, guess, opinion, belief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooddo
-da: (magac, dhedig, keli) male aan la hubin oo shey sidii uu ahaa ama si an ahayn loo qaato. Dh: qiyaas, male.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooddo
cf: mood; ra'yi
de: assumption, guess, opinion, belief
lx: mooddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mooddo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mooddo
ظَنُّ حُسْبَانٍ، تَقَدِير
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodso
f.g3 (-saday, -satay) Wax gudbisasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
amido
s.m. - aamito.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bórdo
s.m. markab am dayaarad gudahood, doc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowdo
(Bowda-da)
Lugta inteeda u dhexaysa lowga iyo sinta; tar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowdo
m.dh (-ooyin, m.l) Lugta inteeda u dhexeysa lowga iyo sinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bowdo
m.dh (-ooyin, m.l) Lugta inteeda u dhexeysa lowga iyo sinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bowdo
f. n. thigh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bowdo
-bowdada: (n) thigh (thaay); haunch (hoonj) ~ cajir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowdo
-da: (magac, dhedig, keli) lugta inta sare ee u dhaxaysa jilibka iyo bowdabariilaha. Bowdada kolkii aan ka jabay iyo boqonka taaggiisa. Dh: bawdo, taf.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bròdo
s.m. maraq, fuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codso
f.g3 (codsaday, codsatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho. m.f.dh, codsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codso
v. request, appeal for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codso
(fal) cid kale, wax weydiiso. Dh: codo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codso
de: request, appeal for oneself
lx: codso
pd: (codsaday)
ps: v3a=
key: codso
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Fondo
Miisaaniyad
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fóndo
agg. e s.m. - hoosayso; sal, gun (andare a f. di un problema: ka gun gaarid arrin).
s.m. - lacag hawl loo qoondeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlo
f.mg3 (-laday, -latay) Neef irmaan godol keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godlo
f.mg3 (-laday, -latay) Neef irmaan godol keenid. m.f.dh, godlasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godlo
v. be ready for milking ~ full of milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlo
(fal) caano naasaha ka keen oo dhiiq. Hal libaax arkaysaa ma godlato. Li: gaaggax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godlo
cf: maggow
de: be ready for milking ~ full of milk (of the udders or an animal)
lx: godlo
pd: (godladay)
ps: v3a=intr
key: godlo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godob
1. (Godob-ka) Balli aad u weyn oo wareegsan oo in badan biyo ku jiraan: togagga xilliyada roobka biyaha keena baa doojiya.
2. (Godob-ta) Aano; sagan; dakano; asaaye; gashi; utun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godob
godob¹: m.l (-bo, m.l/dh) Meel weyn oo godan oo dhinacyada ay ka xigaan duullayaal iyo taagag oo caws iyo geeda faalala ay ka baxaan oo jiilaalka la daaqo.
godob²: m.dh Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godob
m.dh Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godob
m. n. large pond, natural reservoir
godob [feminine] n. resentment, grudge (over an injury, harm ~ damage)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godob
-ta: (n) a deep-seated feeling of resentment: resentment (rizentment); -rancor (raangker); grudge (garaaj) ~ aano, xinif
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Godob
Rancore
Grudge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godob
-ta: (magac, dhedig, keli) denbi hore cid looga galay oo laga baqo in aargoosi ka yimaaddo. Odaygu godob buu qabaa oo habeenkii ma socdo. Dh: aano, dakane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godol
(Godol-ka)
Candhada xoolaha, caanaha kol xoog ugu soo dhaca, oo laga liso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godol
godol¹: m.l 1. Caano hal mar candho irmaan ku soo dhaca. 2. la-mid: godlid.
godol²: f.g1 (-dlay, -doshay; -dli) Neef irmaan si loo maalo candhada ka salaaxid. la-mid: godli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godol
m. n., [abstract] state of being full of milk ~ ready to be milked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godol
-ka: (magac, lab, keli) caanaha naasaha ku jira intooda kolka dambe timaadda. Anigu godolka ayaan sugiye adigu xooxda maal. Li: xoox.
godol: (fal) hasha candhada u salaax si ay caanaha naasaha u soo dayso. Dh: godli. Li: gaagixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godol
de: state of being full of milk ~ ready to be milked (of udders of a cow or other animal)
lx: godol
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: godol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godor
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah geedgaabka. Godor badan ayay meeshani leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondo
m.l 1. Cago; lugo. 2. Dhowaan; ag. 3. eeg gommod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gondo
-ha: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa labada lugood. Talo gondahaagay ka dhalataa.