miyirbeelis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirbeelis
-ta: (n) black out (bal-aak awt); coma (kowma); unconsciousness (ankoonshannes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) maan iyo miyirba waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirbeelid
m.f.dh eeg miyirbeel³. la-mid: miyirbeel¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) maan iyo kala garashaba waayid; waalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirbeel
miyirbeel¹: m.l 1. Lumidda garashadu ka lunto qof. 2. la-mid: miyirbeelid.
miyirbeel²: m.l (daawo) Xaalad miyir la'aaneed.
miyirbeel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Suuxid dhaawac, cudur iyo wixi lamida oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyirbeel
miyirbeel¹: m.l Lumidda garashadu ka lunto qof.
miyirbeel²: m.l (daaw.) Xaalad miyir la'aaneed.
miyirbeel³: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Suuxid dhaawac, cudur iyo wixi lamida oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid. m.f.dh, miyirbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirbeel
v. lose consciousness, faint; lose one's wits
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirbeel
-ay / miyirbeeshay: (v) faint (feeynt); black out; be comatose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeel
(fal) maanka iyo xiska kala garashada waa. Nin waalan miyirbeel ha ku odhan. Dh: maandoorsan, doorsoon. Li: miyirqab.
miyirbeel -ka: (magac, lab, keli) maanka oo tega oo waxba la kala garan waayo cudur ama jug darteed. Dh: miyirdoorsan, maandoorsan. Li: fayoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirbeel
de: lose consciousness, faint; lose one's wits
lx: miyirbeel
nt: miyirbeel (ka) [vn-m], miyirbeelid (da) [vn-f]
pd: (miyirbeelay)
ps: v1=intr
key: miyirbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirbeelitaan
-ka: (magac, lab, keli) waalasho; maandoorsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dheri karsamaya oo biyuhu ka dhammaadaan. Dh: biyallaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilbeelid
(Ciilbeelid-da)
Wax ciilka bi'iya falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbeelid
m.f.dh eeg ciilbeel. la-mid: ciilbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii ciilka keenay, tirtirid; aargudasho dabadeed, ciil iska baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) ibabbeelid kut dhacda candho xoolaad. Dh: candhabbeelis, naasabbeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibcelis
-ka: (magac, lab, keli) jiliblaabis oo fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbeelid
(Biyabbeelid-da)
Biyaha wax lagu karinayo, oomaar ahaan u dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbeelid
m.f.dh eeg biyabbeel². la-mid: biyabbeel¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribbeelid
m.f.dh eeg ciribbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) caaqibabeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunabeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg muunabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli)mindi iyo wixii la mid ah, waxba jarid la'aan. Dh: afbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bireeris
m.l (juqraafi) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga Maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bireeris
m.l (juqraafi) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga Maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bireeris
Prairies
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bireeris
-ka: (magac, lab, keli) deegaan badanaa fidsan oo guud ahaan aan dhir lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeel
-ka: (magac, lab, keli) cunto la karinayo oo biyuhu ka yaraadaan ama ka dhammaadaan. Dheriga biyo ku dar biyabeel buu ku dhow yahay. Dh: biyallaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilbeel
(Ciilbeel-ka)
Ciilka baabbi'iddiisa; xumaantii ciilka keentay, oo laga aarguto oo dabadeed ciilkii baabba'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbeel
ciilbeel¹: m.l la-mid: ciilbeelid.
ciilbeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Ka c.: cid ciil loo qabay ka aarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciilbeel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) Ka c.: cid ciil loo qabay ka aarsasho. m.f.dh, ciilbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciilbeel
v., [compound] vent one's anger, take revenge; feel vindicated; calm down after an explosion of anger ~ resentment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilbeel
(fal) (ka ~) cid dulmi kuu geysatay, ka aargooso.
ciilbeel -ka: (magac, lab, keli) «ka ~» cid kale, ka aargoosad; xumaantii ciilqabku keenay, baabi'in.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciilbeel
de: vent one's anger, take revenge; feel vindicated; calm down after an explosion of anger ~ resentment
lx: ciilbeel
pd: (ciilbeelay)
ps: v1=cmp
key: ciilbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hirgelin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mirireen
rouillé.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirla'
adj., [expression] unconscious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirla'
-aa: (adj) unconscious (ankoonshas); insensible (in san 'sabal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirla'
de: unconscious
lx: miyirla'
pd: (miyirla'aa)
ps: adj-expr
key: miyirla'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirleh
adj., [expression] careful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirleh
de: careful
lx: miyirleh
ps: adj-expr
key: miyirleh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirtir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof, wax maanka dooriya siin. 2. Qof jug dhaawac iyo wixi lamida oo miyirkiisa dooriya gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyirtir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof, wax maanka dooriya siin. 2. Qof jug dhaawac iyo wixi lamida oo miyirkiisa dooriya gaarsiin. m.f.dh, miyirtirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirtir
v., [compound] make someone faint ~ go unconscious; cause someone to be unaware
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirtir
-ka: (magac, lab, keli) maandoorin; miyirdoorin. Darooggu waa miftaaxa miyirtirka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirtir
de: make s.o. faint ~ go unconscious; cause s.o. to be unaware
lx: miyirtir
pd: (miyirtiray)
ps: v1=cmp
key: miyirtir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) gubasho darteed la basbeelid. Basbeelis buu in yar u gaaray gurigii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbeel
(Biyabbeel-ka)
(cunno la karinayo, kd.) biyaha oo oomaar ahaan uga dhammaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbeel
biyabbeel¹: m.l 1. B. ah: badar la karinayo oo isaga oo aan weli bislaan biyihii ka dhammaadeen. 2. la-mid: biyabbeelid.
biyabbeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Dheri karsamaya biyo ka dhamaasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbeel
v., [compound] dry out, become waterless, evaporate, lose water
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbeel
de: dry out, become waterless, evaporate, lose water
lx: biyabbeel
pd: (biyabbeelay)
ps: v1=cmp
key: biyabbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caybeelid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo ceebkusheeg xaddhaaf ah dartiis, wax danbe oo lagu caayo waayid. Dh: eedbeelid, caybeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribbeel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) Nafley ama wax kale jiritaankooda baabi'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciribbeel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) Nafley ama wax kale jiritaankooda baabi'id. m.f.dh, ciribbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribbeel
v. be eliminated, be exterminated; have an evil fate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribbeel
-ka: (magac, lab, keli) caaqibabeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribbeel
de: be eliminated, be exterminated; have an evil fate
lx: ciribbeel
pd: (ciribbeelay)
ps: v1=
key: ciribbeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaweelis
m.l la-mid: maaweelin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIJEREERI
(Mijereri) N Littonia hardeggeri Bech. Liliaceae.
N Littonia obscura Bak. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yagleelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yagleelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyi'abees
-ka: (magac, lab, keli) xadhadh farshaxan leh oo lagu sameeyo harrarka. Saamiya, googooska ciyi'abees wacan bay ku samaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbeelid
m.f.dh eeg dharbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) ibabbeel ku dhaca ibtii caanuhu ka soo dhiiqayeen. Dh: candhabbeelid, naasabbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeeris
meermeeris¹: m.l la-mid: meermeerin.
meermeeris²: m.dh la-mid: meermeerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeeris
-ka: (magac, lab, keli) eeg meermeerin.
meermeeris -ta: (magac, dhedig, keli) macna darro iska socsocosho oo warwareegid. Inantii meermeeris ayay baratay. Dh: warwareegis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mihiibsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg mihiibsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirqabid
-da: (magac, dhedig, keli) caafimaad qabid oo maan iyo maskaxba selem ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirtirid
m.f.dh eeg miyirtir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirtirid
-da: (magac, dhedig, keli) maandoori; miyirdoorin. Sakhraanku miyirtiridda naftiisa isaga ayaa ugu wacan. Dh: waalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahibeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baahi-beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltir
(fal) dheri biyabeelay biya ku shub. Biyabeeltir dheriga wuu gubanayaaye.
biyabeeltir -ka: (magac, lab, keli) dheri biyabeelay in kale ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhabeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cadhabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagabbeelis
m.dh la-mid: cagabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqabbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi jirtay ka bixid. Dh: hagabbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyir kulul
n. phr. hot ~ bad temper
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyir_kulul
de: hot ~ bad temper
lx: miyir kulul
ps: np
key: miyir_kulul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) qiima dhicid oo foolxumaan. Habluhu muunabeelidda aad bay u nacaan. Dh: muunajabid muunabeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltiris
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darista dheri biyabeelay.