miyelooma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyelooma
m.l (daawo) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyelooma
m.l (daaw.) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyelooma
-ha: (magac, lab, keli) cudur daran kansar oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
myeloma
(n) a tumor composed of cells of the type normally found in the bone marrow.
burada ka soo baxda dhuuxa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelanooma
m.l (-ooyin, m.l) (daawo) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meelanooma
m.l (-ooyin, m.l) (daaw.) Buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya (unug meelaniineed). Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelanooma
-da: (magac, dhedig, keli) buro aad u daran (kansar ah) oo ka sameysmata unugyada meelaniinka sameeya. Sida badan kansarkaasu wuxuu ku dhacaa maqaarka, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah qorrax isu dhigga badan. Waxa kale oo u ku dhacaa cudurkaasu indhaha iyo xuubka gudaha ka marsan dalloollada iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelma
n. phr., question word: where (at)?, which place?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelma
(adv) where (weer); in what place ~ meeshee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelma
de: where (at)?, which place?
lx: meelma
ps: np + qw
xe: Where is he staying?
xv: Meelma buu joogaa?
key: meelma
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
diploma
/diploma/ (n) dibloomo (shahaado aqooneed).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
diploma
s.m. shahaado.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAKOOMA
(Makoma) S Hyphaene coriacea Gaertn. Palmae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayma
(kaabe) goorma; xilligee; milaygee. Aabbo milayma ayuu yimid. Dh: xillima.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibloomo
-dibloomada: (n) diploma (di-polomay, certificate (sarti-fikeeyt); degree (digrii) ~ shahaado. Ex: dibloomada dugsiga sare ma haystaa? do you have a high school diploma?
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
melanoma
(n) a tumor of the skin.
burada maqaarka siiba kansarka ku dhaca maqaarka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miterolooji
-ga: (magac, lab, keli) cilmiga barashada saadaasha cimilada.