mitimiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiimika) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mitimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiim.) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitimiye
-ha: (magac, lab, keli) dhuun quraaradah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habla saafid muggeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mug-saafid
m.dh (kiimika) Hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartiib ah looga soo daayaa mitimiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mugsaafid
m.dh (kiim.) Hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartiib ah looga soo daayaa mitimiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugsaafid
-da: (magac, dhedig, keli) hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga Milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartib ah looga soo daayaa mitimiye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
burette
burette, n.f. - mitimiye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
minimize
/minamaays/ (v) yarayn (xadka ugu yar gaarsiin).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
minimiser
minimiser, V. - yarayn; soo koobid ilaa inta ugu yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namiimiye
-ha: (magac, lab, keli) eeg namim.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
victimize
/viktamays/ (bre) victimise (bre); dulmin (dhib-gaarsiin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibiye
m. n. seller, merchant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibiye
-iibiyaha: (n) seller (seelar) ~ iibshe
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibiye
de: seller, merchant
lx: iibiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: iibiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitami
f.g2 (-iyay, -isay) Si siman u kaltan siin (wax). la-mid: miltami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mitami
v. economize, use sparingly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitami
(fal) tashiil, yaryaree. Dhulku waa oomanee biyaha noo mitami. Dh: mitaari, yaryaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mitami
de: economize, use sparingly
lx: mitami
pd: (mitamiyey)
ps: v2a=tr
key: mitami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax mitir ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mitiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax mitir ku cabbirid. m.f.dh, mitirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitiri
(fal) mitir wax ku dhereri; masaafada ay laba meelood isku jiraan cabbir oo qiyaas. Bootada dhererkeeda iyo ballaceedaba mitiri. Dh: qiyaas, cabbir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
timide
timide, adj. - il nugayl
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiriye
Counter
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiriye
m. n. counter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiriye
-tiriyaha: (n) counter (kawntar) Ex: tiriye koronto ku shaqeeya; an electronic counter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiriye
de: counter
initial: t
lx: tiriye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tiriye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diiriye
name: Diriye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diiriye
name-m warmer, comforter. Syn: Diirshe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diiriye
-ha: (n) heater (hiiter)-kululeeye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diiriye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa lagu diirsaday oo reerku ku farxay. Waxa ay u badan tahay in ay gabdho badan hortii dhasheen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Diiriye
de: Diriye
lx: Diiriye
ps: name-m
key: Diiriye
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
itemize
/aytamays/ (v) shay-shay loo kala dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liiliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qalab hargaha lagu jilciyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liiliye
-ha: (magac, lab, keli) qorray inta af loo yeelo dhirta looga soo daadiyo qobcada, miraha iyo wixii la mid ah: lule.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmile
-ha: (magac, lab, keli) yacarun iyo dheecaan biyo ah oo nabarradu yeeshaan kolka ay xumaadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirmire
-ha: (magac, lab, keli) kaalaysi uu kolta qof hawsha la wareego. Dh: kaayo, kal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamid
m.f.dh eeg mitan². la-mid: miltan¹, miltamid, mitan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitamin
(Mitamin-ta)
Tashiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamin
m.f.dh eeg mitami. la-mid: miltamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ad haysato yaryarayn oo kolba inta kugu habboon isticmaalid. Mitaminta biilku waa danta guud ee qoyska. Dh: tashiilid, dhawrid, mitaarin, yaryarayn.
mitamin -ta: (magac, dhedig, keli) fiitis wax u cabbid. Biyo mitamin laguma cabbo. Dh: fiitisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mitamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitidid
m.dh la-mid: mintidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirin
m.f.dh eeg mitiri. la-mid: mitiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitirin
-ta: (magac, dhedig, keli) mitir ku dhererin; masaafadiisa cabbirid; inta dhererka ama ballacu yahay eegid. Dh: mitiris.
mitirin -ta: (magac, dhedig, keli) walacsi. Wax i sii ama mitirinta iga daa. Dh: walacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitiris
m.l la-mid: mitirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitiris
-ta: (magac, dhedig, keli) mitir ku dhererin: masaafadiisa cabbirid; inta dhererka ama ballacu yahay eegid. Dh: mitirin.
mitiris -ka: (magac, lab, keli) walcin oo qof wax uu u baahan yahay u fidin oo haddana u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrimiye
(Arrimiya-ha)
Qofka (lab) arrimiya; talada haya; taliye; maareeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrimiye
m. n. man in charge; arbitrator, director
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrimiye
-arrimiyaha: (n) counselor, also counsellor; an adviser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimiye
-ha: (magac, lab, keli) qof talo fiican oo talo keen ah. Dh: malamaleeye, taliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrimiye
de: man in charge; arbitrator, director
lx: arrimiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: arrimiye
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
intimité
intimité, n.f. - qarsoon.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
maximize
/maaksamays/ (v) inta ugu badan gaarsiin (heerka ugu badan geeyn).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRIMIRI
(Mirimiri) N Melia azedarach L. Meliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirimiri
-da: (magac, dhedig, keli) geed'abaareed waaweynaada oo midho yaryar oo cascas baxsha oo waddooyinka magaalooyinka lagu bilo oo lagu qurxiyo. Hadhka mirimirida kursi aabbo u dhig. Dh: miraanmiri, geed-hindi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mitigare
v.tr. - dejin, xasilin, qaboojin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mitigate
/mitageyt/mitigation; (v) khafiifin (wax dhib yar ka dhigid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vitamine
vitamine, n.f. - fiitamiin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vitaminé
vitaminé, adj. - fiitamiin leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidigiye
-ha: (magac, lab, keli) qof xiddigaha ka faaliya oo wax maqan wax ka sheega. Xidigiye wax lagama rumaysto. Dh: xiddigiye, falaki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
légitimité
légitimité, n.f. - Suurogalnimo; sharcinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Daawo digo iyo wixi lamida oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Daawo digo iyo wixi lamida oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bacrimiye
Ferlilizer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimiye
-ha: (magac, lab, keli) wax kaste oo carrada lagu tayeeyo ama lagu hodameeyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
criticize
/kritasays/ (v) 1. cambaarayn (dhaleecayn) (v) 2. naqdiyid (ka faalloodid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
epitomize
/epitomays/ (v) tusaale u noqosho, si-fiican uga turjumid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
imitative
/imateytiv/ (adj) lugu dayan karo, laga tusaale qaadan karo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
intimider
intimider, v. - niyad jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbixiye
-ha: (magac, lab, keli) qof dhul uu leeyahay u oggolaada dadka iyo xooluhuba inay maraan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
micidiale
agg. - halis ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Milimitir
Millimeter
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
militaire
militaire, adj. et n. - Militari; ciidanka gaashaandhigga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mirifique
mirifique, adj. - wax aan loo fadhiyin; yaabid leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirimmiri
(Mirimmiri-da)
Geed-abaareed aad u weynaada oo badanaa waddooyinka magaalooyinka lagu qurxiyo; geed-hindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirimmiri
m.dh Geed abaareed weyn oo leh caleen dhuudhuuban iyo har wanaagsan waxaana lagu beeraa jidadka magaalooyinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirimmiri
f. n., [collective] large evergreen tree species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirimmiri
cf: geed-hindi
de: large evergreen tree sp. (planted along streets and roads)
lx: mirimmiri
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: mirimmiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitidnimo
m.dh la-mid: mintidnimo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mitraille
mitraille, n.f. - qashir ama fuuqa; jajabka soo hadha marka bombadu qaraxdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirtire
-ha: (magac, lab, keli) qallaxa xoolaha irmaan dabada lagaga sameeyo xilliga ay lisidda ama ilmaha diidaan. Dh: qallax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
optimisme
optimisme, n.m. - rajo qab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirbixiye
-ha: (magac, lab, keli) ninka go'aannada cidi gaadhay ama xog intaan si rasmi ah loo shaacin sii sheegsheega ee wixii qarsoonaa bixiya. Sirbixiye faqaaga waa laga qariyaa. Dh: wardhiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigiye
(Xiddigiya-ha)
Qofka xiddigaha wax ka sheega ama ka faaliya; xiddigasheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka xiddigaha wax ka sheega ama faaliya; xiddigasheeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka xiddigaha wax ka sheega ama faaliya; xiddigasheeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigiye
m. n. astrologer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigiye
-ha: (magac, lab, keli) qof cilmifalagga yagaan oo xiddigaha ka faaliya: nin hogagga uu dayaxu maro iyo hadba xiddigaha uu la fadhiyo yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigiye
a: xiddigasheeg
de: astrologer
initial: x
lx: xiddigiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xiddigiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriiriye
xiriiriye¹: m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qof barnaamijyada ka baxa raadiyaha, telefishinka iyo wixi lamida dadka la socodsiiya. 2. Wax isku xira laba shay ama ka badan.
xiriiriye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (naxwe) Curiyeyaal aan isbeddeleyn oo loo adeegsado xiriirin labo erey ama labo koox erey oo weer iskula jira amaba labo weerood oo kala madax bannaan. Tusaale: “Sahal iyo Malyuun waa walaalo”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiriiriye
xiriiriye¹: m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. Qof barnaamijyada ka baxa raadiyaha, telefishinka iyo wixi lamida dadka la socodsiiya. 2. Wax isku xira laba shay ama ka badan.
xiriiriye²: m.l (-yayaal, m.l/dh) (naxwe) Curiyeyaal aan isbeddeleyn oo loo adeegsado xiriirin labo erey ama labo koox erey oo weer iskula jira amaba labo weerood oo kala madax bannaan. Tusaale: Sahal iyo Malyuun waa walaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiriiriye
m. n. connector; conjunction {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiriiriye
-xiriiriyaha: (n) 1. coordinator (ko-woodh-neeter)-, mediator (miidi-yeey-ter)-, middleman (midhel-meen)-, host (hoost) 2. [grammar] conjunction (kon-jang-shin) Ex: sida ereyada, laakiin, iyo, iwm; such as but, and, etc
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiriiriye
de: connector; conjunction {grammar}
initial: x
lx: xiriiriye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xiriiriye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xiriiriye
موصول
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yicibciye
m.l Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yicibciye
-ha: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah dhirta faalasha oo uu geelu aad u daaqo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
minimizzare
v.tr. - yareyn, sahlin.