mitamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitamin
(Mitamin-ta)
Tashiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamin
m.f.dh eeg mitami. la-mid: miltamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ad haysato yaryarayn oo kolba inta kugu habboon isticmaalid. Mitaminta biilku waa danta guud ee qoyska. Dh: tashiilid, dhawrid, mitaarin, yaryarayn.
mitamin -ta: (magac, dhedig, keli) fiitis wax u cabbid. Biyo mitamin laguma cabbo. Dh: fiitisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltamin
m.dh la-mid: mitamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitami
f.g2 (-iyay, -isay) Si siman u kaltan siin (wax). la-mid: miltami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mitami
v. economize, use sparingly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitami
(fal) tashiil, yaryaree. Dhulku waa oomanee biyaha noo mitami. Dh: mitaari, yaryaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mitami
de: economize, use sparingly
lx: mitami
pd: (mitamiyey)
ps: v2a=tr
key: mitami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamid
m.f.dh eeg mitan². la-mid: miltan¹, miltamid, mitan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mitamin.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Vitamin
Faytamiin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
vitamin
(n) any of various relatively complex substances occurring naturally in plant and animal tissue and essential in small amounts for human metabolism and function.
faytamiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vitamin
/vaytamin/ (n) fiitamiin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Vitamin
Fiitamiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulan
(tilmaame) wax la baatulay oo aan la tashiilin; wax aan la mitamin ama dadkii lahaa dayacay. Xoolo baatulan magacood baa ba'ay. Dh: bay:imaal, baylahsan. Li: ilaashan, dhawran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daab
(fal) mindi, gudin, kabatole iyo wixii la mid ah, daab gali. Kababtole aan daab lahayn kabo laguma tolo.
daab-ka: (magac, lab, keli) gudin, waran, mindi iyo wixii la mid ah, inta aan birta ahayn ee laga qoro laamaha geedka. Daab iyo dhillisi isu baahanaa, Allow yaa isku beega.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) shuban maqashu ay ka qaaddo danbarka marka ay si tandhaaf ah u jaqaan. Nirigtan daab baa dili haddaan danbarka loo mitamin.
daab -ta: (magac, dhedig, keli) nafaqodarro iyo gaajo xanuun isu roga oo ku dhacda maqasha marka ay soo dhalato ee aan la anqarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitamiin
m.l.u (-no, m.dh) Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. la-mid: faytamiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fitamiin
m.l.u (-no, m.dh) Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. la-mid: faytamiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitamiin
-ka: (magacwadareed) macdano kala jaadjaad ah oo uu jidhka nooluhu u baahan yahay. Waxa laga helaa noocyada cunnada iyo acabka ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltamid
m.dh la-mid: mitamid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vitamine
vitamine, n.f. - fiitamiin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vitaminé
vitaminé, adj. - fiitamiin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitan
(Mitan-ka)
Tashiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitan
mitan¹: m.l 1. Kaltan. 2. la-mid: miltamid.
mitan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Si siman wax u kaltan siin. la-mid: miltan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mitan
m.l Kaltan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mitan
m. n. thrift, economy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitan
-ka: (magac, lab, keli) yaryarayn iyo tashiil. Dh: mitam, tashiil.
mitan -ka: (magac, lab, keli) laba qaybood oo is le'eg midkood. Dh: qayb, nus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mitan
de: thrift, economy
lx: mitan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: tashiil
key: mitan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamin
m.l la-mid: tamiin¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maamin
(Maamin-ta)
1. Maanka wax ku dhisid, ku qorshayn; kujaangoyn; maanka ku raadin, ku baarid, ku garasho; haamin.
2. Fakarid; malayn; mala'awaalid; hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamin
m.f.dh eeg maami. la-mid: maamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matajin
m.dh la-mid: mantajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matajin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale hunqaaco kaga keened. Dawo matajinta loogu talo galay ayaa jirta. Dh: hunqaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: mitami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaami
(fal) tashiil; yaryaree. Dhulku waa com nee biyaha noo mitami. Dh: mitaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirin
m.f.dh eeg mitiri. la-mid: mitiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitirin
-ta: (magac, dhedig, keli) mitir ku dhererin; masaafadiisa cabbirid; inta dhererka ama ballacu yahay eegid. Dh: mitiris.
mitirin -ta: (magac, dhedig, keli) walacsi. Wax i sii ama mitirinta iga daa. Dh: walacsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiitamiin
m. n. vitamin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiitamiin
-ka: (n) vitamin (vaay ta miin) feetamiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiitamiin
-ka: (magac, lab, keli) macdan cuntada ku jirta oo noolaha ka caawisa caafimaadka iyo korriinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiitamiin
de: vitamin {Eng}
lx: fiitamiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fiitamiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
imitation
/imateyshan/ (n) iska-yee-yeel (matalaad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaqumin
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaabulshayn, sahaysiin iyo si fiican u amba-bixin sadcaal; tilmaamid iyo taakulayn tubkujoog. Dh: taakulayn, caawin, jicsimid, ambabixin; tilmaamid, toosin. Li: cagagoyn, curyaamin, hagrasho, lumin, daahin, habaabin, lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidaamin
(Miidaamin-ta)
Wax la nacay ama aan la rabin, meel xun oo fog oo uusan ka soo nabad-noqon, u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaamin
m.f.dh eeg miidaami. la-mid: miidaamis, miidaamo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafta halis gelin; is biimayn oo wax nafta halis gelinaya ku dhex tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaamid
m.f.dh eeg bitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidamin
(Ciidamin-ta)
1. Adeegid; xoog yeelad, tabargelid.
2. Ciidan keenid; (ama ciidmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidamin
m.f.dh eeg ciidami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidamin
vl. n. service, servicing; facilities
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidamin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan keenid; ciidamis.
ciidamin -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) u adeegid; cid kale u shaqayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidamin
de: service, servicing; [ext.] facilities
lx: ciidamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ciidamin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
citation
citation, n.f. - Tusalooyin; Hal ku dhigyo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
citation
n., amarxaadur, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxin
(Fitaaxin-ta)
Wax fitaaxsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxin
m.f.dh eeg fitaaxi. la-mid: fataaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ka dhigid oo ballaadhin; kala jiidid. Dh: fitaaxis, fidin, ballaadhin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
imitatif
imitatif, adj. - lagu dayan karo; tusaale laga qaadan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiitamid
(Jiitamid-da)
1. Wax aan toos u socona hayne la jiida hayo.
2. Dabasocod culus; cagajiid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiitamid
m.f.dh eeg jiitan². la-mid: jiitan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiitamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tamar xun, haddana socod tukube ah socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitaabin
(Jitaabin-ta)
Baxnaanis; imtixaan; (ama tijaabin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabin
m.f.dh eeg jitaabi. la-mid: jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrabid. Dh: tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirtamid
(Kirtamid-da)
(xoolo) kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirtamid
m.f.dh eeg kirtan². la-mid: kirtan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilamin
m.f.dh eeg liilami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddamin
-ka: (magac, lab, keli) eeg maddan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
maintain
/meynteyn/ (v) 1. ku sii wadid (sideeda ku socodsiin) 2. dhaqaale ku caawimid (dhaqaale siin) 3. ku adkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mantajin
(Mantajin-ta)
Mantag ka keenid; hunqaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mantajin
m.f.dh eeg mantaji. la-mid: mantajis, matajin, matajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mantajin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid matag ka keenid, qof ka hunqaacin. Dh: hunqaacin, matajin, mantajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaadin
m.f.dh eeg milaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiimika) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mitimiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (kiim.) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitimiye
-ha: (magac, lab, keli) dhuun quraaradah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habla saafid muggeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mu'tamir
m.l (-riin, m.dh) Shir weyne dad la soo doortay ay isugu yimaadaan oo arrimo gaar ah kaga hadlayaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mu'tamir
-ka: (n) symposium (simpoo 'ziyam); seminar (sem 'i-naar); conference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'tamir
-ka: (magac, lab, keli) shir ay dad badani ka soo gayb galaan oo doodo iyo cilmi baadhis la isweydaarsado go'aannana laga soo saaro. Dh: mu'tamar, shir, fadhiguud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mu'tamir
bw: Arabic
de: meeting, conference; union Alt sp: mu'tammir
lx: mu'tamir
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: shir, urur
key: mu'tamir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mutation
/myu teyshan/ (n) isbed-bedel (talantaalli) (shay ama noole marba wax cusub dhala ama soo saara).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mutation
mutation, n.f. - beddel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nidaamin
m.f.dh eeg nidaami. la-mid: nadaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hagaajin oo hab iyo hanaan wanaagsan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacin
m.f.dh eeg sitaaci. la-mid: sitaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) faras sitaac u xidhid oo ku qurxin. Sitaacinta badan farduhu way ku qurux badnaadaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
imitazióne
s.f. - ku dayasho (da), dhaajin (ta).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
limitation
limitation, n.f. - Xaddayn; qarradhidh.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
meditation
(n) the act or process of meditating.
isku diyaarin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
méditation
méditation, n.f. - Hammi; Fikrad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
meditation
n., hubsad, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vietnamien
vietnamien, adj. - reer Fiyetnaam; u dhashay Fiyetnaam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amin
-ka: (magac, lab, keli) shinka ama milayga kolkaa la joogo. Dh: milay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
main
/meyn/ (adj) 1. ugu muhiimsan; aasaasi ah (n) 2. tuubada ugu weyn oo kala qaybisa biyaha, gaaska korontada iwm.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
main
main, n.f. - Gacanta hore (shan farood iyo calaacal); gacan.
avoir le coeur sur la main - Deeqsinimo
attaque à main armée - Weerar hubaysan.
Avoir la main heureuse - Qof nasiib leh.
battre des mains - Sacab tumid; sacab garaacid; u sacabbayn; u sacbid.
de la main à la main - gadasho sacab saarid iyada oo aan dawladdu ogayn.
sac à main - Boorsada dumarka.
de main en main - Gacanba gacan.
demander la main de - Doonis; Marka gabadha aabaheed laga doono.
être entre de bonnes mains - Meel fiican ku hagaagid (qof meel fiican ku toosa).
faire main basse sur - xadid; dhicid.
mettre la main sur - Qabasho; Tuug la qabto.
mettre la dernière main - dhamaystir; dhamayn.
passer la main - gudbin; isdhaafin.
première main - Gacan wanaag (farsamo; tolid)
tendre la main - u faragod; Gacansiin; Gargaarid.
main de papier - Afar iyo labaatan xaashiyood oo nooc wax lagu qoro ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mami
(fal) welfi oo aad wax u jecleysi. Ninka cuntada ku mami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miin
(Miin-ka)
Xarafka saddex-iyo-tobnaad magaciisa; (m).