mitaarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaarsi
-ga: (magac, lab, keli) tashiilad; yaryaraysi. Dh: tashiilad. Li: israafid.
mitaarsi -ga: (magac, lab, keli) cid kale xagint yaraysad. Mitaarsiga shaqaaluhu waa xadgudub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaarso
(fal) tashiilo oo wax kala dhigo. Dh: yaryarayso, tashiilo. Li: daadaadi.
mitaarso: (fal) cid sidaada oo kale ah yas oo yarays Dh: xaqir. Li: qadari, ixtiraam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaarsad
-ka: (magac, lab, keli) yaryaraysad si dakhligaaga u dhigma nolosha u maaraysasho Mitaarsad ayaa lagu meelgaadhaa. Dh: tashilad dhawrad, mitaarsasho. Li: israafid, baytimaalid, daadaadin.
mitaarsad -ka: (magac, lab, keli) cid kula mid ah yasid oo yaraysi kula dhaqmid. Dh: xaqiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsi
(Maarsi-ga)
Maarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maarsi
vl. n. doing without
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maarsi
a: maarsasho (/da) [vn-f]
de: doing without
lx: maarsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: maarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsi
m.l la-mid: itaalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaami
(fal) tashiil; yaryaree. Dhulku waa com nee biyaha noo mitami. Dh: mitaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirsi
m.l la-mid: mitirsasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mutarsi
v.rifl. - is beddelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibaarsi
-ga: (magac, lab, keli) marka wax aad aragtay xusuusan la'dahay eed maskaxda ka raadinaysid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsi
(Maqaarsi-ga)
Cid weji u noqosho; qof kale sharafki ama magaci, wax ku doonasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsi
m.l la-mid: maqaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitmitaarsi
-ga: (magac, lab, keli) yaryarysad; tashiilad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abituarsi
v.rifl. - caadaysasho, u barasho, qaayibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cayaarsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciyaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: cayaarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarsii
(fal) ciidan, koox iyo wixii la mid ah, gaardisii. Dh: cayaarsii, dheelsii.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dilatarsi
v.rifl. - ballaarasho, weynaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
distrarsi
v.rifl. - maahsanaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
limitarsi
v.rifl. - ku ekaansho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
misurarsi
v.rifl. - isku jimayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ritirarsi
v.rifl. - dib u gurasho, ka noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tashiilasho; yaryaraysasho. Mitaarsashadu aday dantaa tahay.
mitaarsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kula mid ah yaraysasho oo yasid. Mitaarsadkii Bilaal rag bay balaayo ka raacday. Dh: xaqirid. Li: ixtiraamid, qaddarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitmitaarso
(fal) tashiilo: yaryaryso. Waxaaga mitmitaarso.
mitmitaarso: (fal) kala qaybso oo laba is le'eg ka kala dhigo; kala qaybso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsi
de: revenge
lx: aarsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: maadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maari
(fal) badbaadi oo xal u hel. Labada nin inta ayna isku dhiman kala maari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg marsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taasi
deictic, subject case: that (one), those [subject]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taasi
(pronoun) that (thaat) ~ see [eeg] taas
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taasi
de: that (one), those [SUBJECT]
initial: t
lx: taasi
ps: deic-f-subj
xe: Is that Ahmeds wife?
xv: Taasi ma afadii Axmed baa?
key: taasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsi
faarsi¹: m.l la-mid: faarsasho.
faarsi²: m.l Noocyada kallunka ka mid ah. la-mid: faardi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarsi
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gitaar
-ka: (magac, lab, keli) kaman xadhko lagaraaco leh oo miisiga lagu ladho marna keligii miisikadda oo dhan qaabbila. Dh: giitaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maadeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarii
-ga: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah ciidammada nabadgelyada ee dalalka faransiska ku hadlaa ay leeyihiin oo dalka Jabuutina ka jira. Mid hadduu la tego baasaboor xerada maariiga. Dh: jandarmaarii, jaandaaran.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Maarki
-ga: (n) Mark (mark); German Mark; Deutsche Mark; DM ~ lacagta Jarmalka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarso
maarso¹: m.dh Bisha saddexaad ee sannadka miilaadiga ah.
maarso²: f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ka m.: arrin falkeeda ka cabsasho; biqid. 2. Ka m.: wax fursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maarso
m.dh Bisha saddexaad ee sannadka miilaadiga ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maarso
f. n. March (third month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maarso
Mars.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Maarso
- Maarsada: (n) March (maaj). Ex: bisha Maarso; the month ofMarch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maarso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg Maaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarso
(fal) ka cabso; ka baq. Wax anad hubin ka maarso.
maarso: (fal) ka kaaftoon wax ad u baahnayd. Ka maarso gacan hoorsashada shisheeye. Dh: kaaftoon. Li: baaho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maarso
cf: bil {It}
de: March (third month of Roman calendar)
lx: Maarso
pd: (/da)
ps: n0-f-time, n6-f
key: Maarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matari
(fal) buur sinteed socod ku mar. Halkaa matari oo bannaanka baabuur ka raac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midaar
(Midaar-ka)
1. Baaqa dadka dhegaha la' lagula hadlo.
2. Dadka dhegaha la' fartooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midaar
midaar¹: m.l Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la'.
midaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaadhaqaaq baaq ah cid wax ku garan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midaar
m. n. sign language
midaar v. sign, signal, make gestures, converse in sign language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaar
-ka: (magac, lab, keli) qaabka dadka dhegaha la' lagula hadlo.
midaar-ka: (magac, lab, keli) farta dadka dhegaha la' ay wax ku bartaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirsi
m.l 1. Quursi. 2. la-mid: miyirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitaal
m.l la-mid: misaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitami
f.g2 (-iyay, -isay) Si siman u kaltan siin (wax). la-mid: miltami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mitami
v. economize, use sparingly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitami
(fal) tashiil, yaryaree. Dhulku waa oomanee biyaha noo mitami. Dh: mitaari, yaryaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mitami
de: economize, use sparingly
lx: mitami
pd: (mitamiyey)
ps: v2a=tr
key: mitami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax mitir ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mitiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax mitir ku cabbirid. m.f.dh, mitirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitiri
(fal) mitir wax ku dhereri; masaafada ay laba meelood isku jiraan cabbir oo qiyaas. Bootada dhererkeeda iyo ballaceedaba mitiri. Dh: qiyaas, cabbir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaar
-ka: (magac, lab, keli) shey labo meelood, siiba qol, iyo wixii la mid ah, lagu kala qaybiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsi
(Taagsi-ga)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsi
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsi
-ga: (magac, lab, keli) (ku ~ eeg taagsasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cibarsi
v.rifl. - cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaari
ciyaari¹: m.l.u la-mid: cayaari¹.
ciyaari²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: cayaari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaari
(fal) cid kale, dheelsii. Dh: cayaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsi
-ga: (magac, lab, keli) qof aad wax ku tuhmayso, dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diyaar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diyaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diyaar ka dhigid. m.f.dh, diyaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaari
v. prepare, make ready
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaari
-yey / say: (v) prepare (piri-peer); make ready, make preparations (meyk pare-pareey-shinis); pave the way ~ diyaargaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaari
(fal) hawl sidii loo qaban lahaa, qorshee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaari
de: prepare, make ready
lx: diyaari
pd: (diyaariyey)
ps: v2a=
key: diyaari
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fidarsi
v.rifl. aaminid, ku kalsoonaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: feeraari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax ballaarin. la-mid: fataaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fitaaxi
v. spread out, scatter, enlarge, extend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fitaaxi
-yey / say: (v) make spacious, make roomy or more room
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxi
(fal) kala fidi; kala durki oo ballaadhi; ballaari oo kala jiid. Dh: fidi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fitaaxi
a: fataaxi
de: spread out, scatter, enlarge, extend
lx: fitaaxi
pd: (fitaaxiyey)
ps: v2a=tr
key: fitaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid masayr ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid masayr ku abuurid. m.f.dh, hinaasin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaasi
v. make someone jealous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasi
(fal) «ka ~» in uu hinaaso, sabab u noqo; hinaase ku rid.
hinaasi -ga: (magac, lab, keli) qofka hinaasaha badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaasi
de: make s.o. jealous
lx: hinaasi
pd: (hinaasiyey)
ps: v2a=tr
key: hinaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isqarsi
-ga: (magac, lab, keli) laba qof, isla dhuumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalso
f.mg3 (-saday, -satay) Itaal yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
itaalso
v. become strong, acquire ~ gain ability
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
itaalso
de: become strong, acquire ~ gain ability
lx: itaalso
pd: (itaalsaday)
ps: v3a=intr
key: itaalso
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jitaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax imtaxaanid. m.f.dh, jitaabin. la-mid: tijaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jitaabi
v. test
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jitaabi
-yey / say / yeen / nay: (v) experiment (ikispeeriment); test (tast); try (taraay); check ~ tijaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabi
(fal) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrab. Dh: tijaabi.