mirriqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsad
(Mirriqsad-ka)
Mirriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsad
m.l la-mid: mirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsad
-ka: (magac, lab, keli) candho madhan caana ka dayid oo naaska ka xooxin. Dh: xooxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqsad
m.l la-mid: jirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqsad
-ka: (magac, lab, keli) ilkahaaga xoog iskugu qabasho oo kaga jirriqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diriqsad
(Diriqsad-ka)
Diriqsasho; muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diriqsad
m.l la-mid: diriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax xoog ku muquunsasho. Dh: dirqisad, qasbad. diriqsasho -da: (magac, dhedig, keli) qasab iyo xoog wax ku marsiin. Dh: qasbid, dirqisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsi
(Mirriqsi-ga)
Neef xoolo ah, mirrijin ku maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsi
m.l la-mid: mirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsi
-ga: (magac, lab, keli) xooxsad oo candho caano yar ka dhiijisasho. Mirriqsiga saca ka daa wuu gudhaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqso
f.g3 (-saday, -satay) Neef mirriq ka maalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirriqso
v. milk, press ~ squeeze something to cause something to come out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqso
(fal) xoox ka dayo oo candho aanay caano ku jirin dhiiq ka raadso. Geela waa la lisee bal soo mirriqso. Dh: xiggo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirriqso
de: milk, press ~ squeeze s.t. to cause s.t. to come out (of it, as an animal's udder or some similar thing)
lx: mirriqso
pd: (mirriqsaday)
ps: v3a=tr
key: mirriqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milliqsad
m.l la-mid: milliqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milliqsad
-ka: (magac, lab, keli) carrabka iyo faruur yaha leefleefid oo wax macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsasho
(Mirriqsasha-da)
Neef mirriqsi caano uga maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsasho
m.f.dh eeg mirriqso. la-mid: mirriqsad, mirriqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) candho la maalay xoox yar ka raadsasho. Caanaha aad mirriqsasho ku maashaa cunto kuuma noqdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisad
(Miisad-da)
Miis; shillal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisad
m.dh Qalab ka sameysan alwaax, bir, iyo wixi lamida fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. la-mid: miis¹ (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miisad
m.dh Qalab ka sameysan alwaax, bir, iyo wixi lamida fidsan oo lugo uu ku taagnaado leh oo siyaalo kala duwan guryaha iyo xafiisyada loogu isticmaalo. la-mid: miis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miisad
f. n. table
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisad
-ka: (magac, lab, keli) wax miismiisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miisad
a: miis
de: table
lx: miisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: miisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriq
(Mirriq-a)
Caano yar oo la mirrijiyo oo naasaha ku yaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriq
m.l Godol yar oo ku soo dhaca candhada neef hore loo maalay marka la salaaxo dharaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriq
-a: (magac, lab, keli) caano yar oo naasaha laga dhiijiyo. Sucu wuu gudhay oo mirriq kuma hadhin. Dh: dhiiq, miriq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqsad
(Jiiqsad-ka)
Jiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqsad
m.l la-mid: jiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kaa itaal yar, u xoogsheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirsad
m.l la-mid: miyirsasho.

arrinsad
m.l la-mid: arrinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrinsad
-ka: (magac, lab, keli) arrin isula imasho; wadatashad; wada xaajaysasho. Arrinsad ayaynnu u baahannahay. Dh: arrinsasho, shawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birriyad
(Birriyad-da)
Dabayl xagga birriga ka timaadda oo xagga badda u socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birriyad
m.dh Dabayl dhanka birriga ka timaado oo dhanka badda u socota.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birriyad
m.dh Dabayl dhanka birriga ka timaado oo dhanka badda u socota.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birriyad
n. offshore wind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birriyad
-da: (magac, dheddig, keli) dabayl dhanka berriga ka timaada oo dhanka badda u socota.
birriyad -da: (magac, dhedig, keli) eeg berriyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birriyad
cf: dabayl
de: offshore wind
lx: birriyad
pd: (-da)
ps: n -f
key: birriyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: filiqsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firiqsan
(tilmaame) wax kala daadsan. Dh: filiqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirriqaa
(Jirriqaa-ga)
Bahal yar oo kobojaaga u eg; warriiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqaa
m.l (cilmiga naflayda) Cayayaan kabajaaga la bah ah oo afar lugood iyo baalal adag leh, dooggana cuna; warriiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirriqaa
m.l (cilmiga naflayda) Cayayaan kabajaaga la bah ah oo afar lugood iyo baalal adag leh, dooggana cuna; warriiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirriqaa
m. n., [collective] cricket
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirriqaa
-ga: (n) cricket (kirkit); grasshopper (graashopar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqaa
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo booda. Meelaha qoyan iyo alaabaha galaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirriqaa
cf: jiiqjiiqle
de: cricket
lx: jirriqaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: jirriqaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqsi
m.l la-mid: jirriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqso
f.mg3 (-saday, -satay) Ilko isku xoqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirriqso
v. grind one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqso
(fal) ilkahaaga xoog iskugu qabo oo kaga jirriqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirriqso
de: grind one's teeth
lx: jirriqso
pd: (jirriqsaday)
ps: v3a=intr
key: jirriqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libiqsad
m.l la-mid: libiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libiqsad
-ka: (magac, lab, keli) si degdeg ah, isha isugu qabasho oo isla markiibana kala qaadid. Dh: libiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madrisad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg madrasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsad
m.l la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milicsad
m.l la-mid: milicsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milicsad
-ka: (magac, lab, keli) daymo aan laga bogan wax dayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si aan habaysnayn isugu dhex jira ahaansho (xarig).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraysad
-ka: (magac, lab, keli) miro yeelasho; miraysasho. Xilligii miraysadka geedaha ayaa la joogaa. Dh: mudhaysad, midhaysasho, midhaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax miriray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax miriray ahaansho. m.f.dh, mirirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirirsan
der. [adjective] rusted, oxidized
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mirirsan
-mirirsanaa: (adj) corroded (korowdhidh); rusted (raastidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirirsan
de: rusted, oxidized
lx: mirirsan
pd: (mirirsanaa)
ps: adj-der
key: mirirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirsad
m.l la-mid: mitirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyirsad
(Miyirsad-ka)
Miyirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirsad
m.l la-mid: miyirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirsad
-ka: (magac, lab, keli) nayaayirad; is kala garasho qof markii hore miyirdoorsanaa, wax miyir qaba noqosho. Dh: nayaayirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murriyad
(Murriyad-da)
Kuul dahab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murriyad
m.dh (-do, m.l) Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. la-mid: murriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murriyad
m.dh (-do, m.l) Kuul qalin ama dahab ka samysan oo dumarku qaataan. la-mid: murriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murriyad
f. n. gold-beaded necklace
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Murriyad
name-f gold-beaded necklace; sultry beauty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murriyad
-da: (n) golden beads; necklace (neek-leeys)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murriyad
-da: (magac, dhedig, keli) kuul macdan qaaliya ka samaysan oo dumarku luquntooda gashaan oo isku qurxiyaan. Dh: silis, kuul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murriyad
de: gold-beaded necklace
lx: murriyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: murriyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqsad
m.l la-mid: siliqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siniqsad

siriqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhuunta xarig looga rooriyey ahaansho (nafley). 2. Xarig siriq leh ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsad
(Cariiqsad-ka)
Cariiqsi, cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsad
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsad
-ka: (magac, lab, keli) amardiiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsad
a: cariiqsasho (/da) [vn6-f]
de: provocation
lx: cariiqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cariiqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruqsad
m.l la-mid: durruqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsad
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Martiqaad
(Martiqaad-ka)
Marti cunno u samayn; martisoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martiqaad
martiqaad¹: m.l 1. Sooryo qof marti ah la siiyo. 2. la-mid: martiqaadid.
martiqaad²: f.g1 (-day, -dday) Cid marti ah soorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
martiqaad
martiqaad¹: m.l Sooryo qof marti ah la siiyo.
martiqaad²: f.g1 (-day, -dday) Cid marti ah soorid. m.f.dh, martiqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
martiqaad
m. n., [compound] invitation to a banquet; food and hospitality for guests
martiqaad v., [compound] throw a party ~ banquet, feed and entertain (guests)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
martiqaad
-ka: (n) invitation (in'vi-teey-shin) ~ casumaad.
martiqaad -ay / day: (v) invite (in-vaayt)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Martiqaad
Ospitare
Hospitality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martiqaad
-ka: (magac, lab, keli) farriin yeedhid ah oo cid loo diro. Dh: casuumad.