mirdhin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdhin
m.f.dh eeg mirdhi. la-mid: mirdheyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdhi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ilmo dhicin (ri' irmaan). la-mid: mirdhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirdhi
-ga: (magac, lab, keli) ilmo dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhin
(Firdhin-ta)
Kala tuurtuurid; kala yaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhin
m.f.dh eeg firdhi. la-mid: firirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala eryid; midba meel ka ridid. Dh: baahin. Li: ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirdhid
(Mirdhid-da)
(riyaha) ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdhid
m.dh la-mid: miririd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirdhid
vl. n. bleating of a goat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirdhid
-da: (magac, dhedig, keli) insaarixin; ciyid. Dh: karshad.
mirdhid-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho. Dh: daxalaysad, midhidhid, ruujimoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirdhid
de: bleating of a goat
lx: mirdhid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: mirdhid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirdhis
(Mirdhis-ta)
Carjawda xalleefsan oo sanka, oo labada dul kala qoqobta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdhis
mirdhis¹: m.l (mirdhis, m.dh) Geedgaab leh ubax cas oo dhaadheer, iyo sarab wanaagsan oo guryaha lagu dhisto.
mirdhis²: m.dh Carjaw xalleefsan oo sanka labadeeda dul kala qoqobta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mirdhis
m.dh Carjaw xalleefsan oo sanka labadeeda dul kala qoqobta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirdhis
f. n. nasal septum, nostril
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MIRDHIS
[MIRDIS, MERDIS] Anisotes trisulcus 32
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRDHIS
(Mirdis): C,S Anisotes trisulcus (Forsk) Nees. Acanthaceae.
May Anisotes involucratus Fiori Acanthaceae.
NFD,May Anisotes parvifolius Oliv. Acanthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirdhis
-ka: (magac, lab, keli) carjawda yare e dhuubaan ee sanka labadiisa dulu kala dhaxaysa. Mirdhiska ayaa dillaacay oo wuu gororay: Dh: dul, carjaw.
mirdhis -ka: (magac, lab, keli) daxal ku samayn ama sabab keenta daxal abuurid. Dh: daxalaysi, mirdhid.
mirdhis -ka: (magac, lab, keli) geedmar ka dhex baxa geedaha kale guntooda. Geedaha la isku daweeyo mirdhiska ayaa ugu badan. Dh: mordhis.
mirdhis-ta: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirdhis
de: nasal septum, nostril
lx: mirdhis
pd: (-ta)
ps: n-f
syn: dul
key: mirdhis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miridheyn
m.dh la-mid: mirdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahab
(tilmaame) wax qaali ah.
dahab-ka: (magac, lab, keli) macdan aad u qaali ah oo ay dumarku isku qurxiyaan. Waa macdan midabkeedu casaan dhalaalaya yahay oo aan mirdhin. Dahab nin aan haysan baa caasiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mihin
(Mihin-ta)
Qof in wax la siina hayo la dareensiiyo, oo kolkuu wax fisho, haddana aan wixii la siin; walacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihin
m.dh Qof in wax la siinayo la dareensiiyo, oo kolkuu wax fisho, haddana aan wixii la siin; walacsi. la-mid: mehin, mohin, mohis, muhin, muhis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mihin
m.dh Qof in wax la siinayo la dareensiiyo, oo kolkuu wax fisho, haddana aan wixii la siin; walacsi. la-mid: mehin, mohin, mohis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mihin
f. n. false impression that a person will give something to another and then fail to give it; delusion, deception
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mihin
-ta: (magac, dhedig, keli) walacsi. Wax i sil ama mihinta iga daa. Dh: walacsi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mihin
de: false impression that a person will give s.t. to another and then fail to give it; delusion, deception
lx: mihin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: mihin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab yar shidid. Dh: daarid, birid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birdhi
(Birdhi-ga)
1. Cad yar oo xabag ah ama dhagaxa qaaliga ah.
2. Iniin kastoo badanaa dhalaalaysa.
3. Midab dhibco ama baro leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhi
m.l 1. Macdan qaali ah. 2. Cad yar oo xabag ah. 3. la-mid: birdhic.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhi
m.l 1. Macdan qaali ah. 2. Cad yar oo xabag ah. 3. la-mid: birdhic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birdhi
m. n., [collective] precious stone, gem; sparkling object; spotted ~ speckled pattern
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhi
-ga: (magac, lab, keli) midab leh dhibco madmadow ah oo gaar ahaan iduhu leeyihiin. Lax birdhi leh oo baadiya wax sheegi ma leedihiin?
birdhi -ga: (magac, lab, keli) wax yar oo xabag ah; in yar oo xabag ah. Birdhi xabaga iyo baqbaq baan cunay.
birdhi -ga: (magac, lab, keli) dhagax qaali ah oo aalaa dhalaala. Birdhi iniin ah oo dhalaalaysa, bartan waa iyadii taallaye yaa haddana boobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birdhi
a: birdhic [n2-f]
de: precious stone, gem; sparkling object; spotted or speckled pattern
lx: birdhi
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: birdhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fidhin
magac loo baxsho wiil dhuuban ama sida fidhinka u qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhin
-ka: (magac, lab, keli) qori yar oo labo saddex, ama afar farraaq leh iyo dabo la qabto oo badanaa xardhan oo raggu timaha ku fidho. Dh: firin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhi
f.g2 (-iyay, -isay) Kala tuurtuurid; kala yaacin. la-mid: firiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firdhi
f.g2 (-iyay, -isay) Kala tuurtuurid; kala yaacin. m.f.dh, firdhin. la-mid: firiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhi
v. scatter, disperse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firdhi
-yey / say: (v) scatter (iskaa ter); disperse (dis-peers), dissipate (disepeeyt), dispel (dis-peel) ~ firiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhi
(fal) «kala ~ kala yaaci; kala tuurtuur; kala eri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdhi
de: scatter, disperse
lx: firdhi
pd: (firdhiyey)
ps: v2a=tr
see: firiri
key: firdhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdhin
isdhin¹: m.l (dhaq.) Nusqaamidda shey uu ka nusqaamo sidii uu ahaa.
isdhin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Shay siday ahaayeen ka nusqaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isdhin
isdhin¹: m.l (dhaq.) Nusqaamidda shey uu ka nusqaamo sidii uu ahaa.
isdhin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Shay siday ahaayeen ka nusqaamid. m.f.dh, is-dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isdhin
v. decrease, diminish
isdhin vl. n. deficit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdhin
-ka: (n) deficit (dhefi-sit); shortage (shoor teeyj);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhin
-ka: (magac, lab, keli) wax buuxay oo in sii daayay ama ka baxday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhin
-ta: (magac, dhedig, keli) idlayn dhammayn. Dh: madhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardin
(Mardin-ta)
Xarriiq; jiitin; daliig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardin
m.dh (-nno/-imo, m.l) 1. Daliig; liid. 2. Naqshado diillimo ah oo caw, ama caws ah oo ka dhex muuqda derin ama raar samaysan midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardin
f. n. line
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq dheer meel ka jeexid. Dh: xarriiqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardin
cf: daliig, xarriiq; jiitin
de: line
lx: mardin
pd: (-ta Pl: mardimo (/ha))
ps: n1-f
key: mardin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhif
-ta: (magac, dhedig, keli) saxarro yar yar oo inta badan biyaha dushooda heehaaba
midhif -ta: (magac, dhedig, keli) xashiishka iyo jabadka ay biyaha haraha iyo dhijaamaha galaa ay iska soo tuuraan ee geerarka iyo moosaska afkooda ku soo urura. Midhiftii oo dhani waxay isugu timi mooskii. Dh: daadxoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhiq
-da: (magac, dhedig, keli) bildhaan kol keliya ishu qabatey oo hadana qarsoontay. Dh: bilig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midxin
m.dh (-no, m.dh) (baayoloji) Meel ballaaran oo ku taalla dheefmareenka oo samaysa kiish, kaas oo derbiyadiisa muruqyo adagi ku yaallaan. Shaqadiisu waxa weeye ridqidda cuntada. Waxaa laga helaa shimbiraha iyo lafdhabarla'da badankeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midxin
m.dh (-no, m.dh) (baay.) Meel ballaaran oo ku taalla dheefmareenka oo samaysa kiish, kaas oo derbiyadiisa muruqyo adagi ku yaallaan. Shaqadiisu waxa weeye ridqidda cuntada. Waxaa laga helaa shimbiraha iyo lafdhabarla'da badankeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midxin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax wax lagu ridqo. Dh: midxin, dhagaxshuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirgin
m.dh la-mid: merjin.

mirjin
m.dh la-mid: merjin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirqin
-ka: (magac, lab, keli) tif yar oo dhuuban oo ka taagan madaxa geedgaabka sida heedda qamadiga iyo sarreenka. Dh: tif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mixdin
m.l la-mid: maxdin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mixdin
m. n. small grindstone, whetstone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mixdin
-ka: (magac, lab, keli) dhagax wille wata oo badarka lagu ridqo. Shigniga mixdin mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mixdin
a: maxdin
de: small grindstone, whetstone
lx: mixdin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mixdin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murdin
m.f.dh eeg murdi. la-mid: mudrin, mudris, murdis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murdin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel ay cunto ka dhammatay farta ku xagid oo wixii ku hadhay ka leefleefid. Dh: murdis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardhin
-ta: (magac, lab, keli) calaamad dhibicdhibic ah. Bardhin madaw baa ku taalla shaadhkaaga. Dh: dhibic, bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhic
m.dh (-cyo, m.dh) 1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. la-mid: birdhi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhic
m.dh (-cyo, m.dh) 1. Bar yar oo leh midab ka geddisan meesha ay ku taal. 2. la-mid: birdhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birdhic
f. n. speckle, small speck, dot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birdhic
a: (n) [Pl. birdhicyo-da] speck (ispeek); a small round spot; dot (doot)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birdhic
de: speckle, small speck, dot
lx: birdhic
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: birdhic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdhig
birdhig¹: m.l la-mid: birdhigid.
birdhig²: f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdhig
f.mg1 (-gay, -gtay) U b.: wax sida cadow iyo wixi lamida oo soo food leh si geesinnimo leh uga hortegid. m.f.dh, birdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdhig
(fal) «u ~» marka lagu farayo inaad iska caabbin la timaadod. U birdhiga cadawgiinna oo baallaha ka gala oo baqashada dhaafa. Dh: jilibdhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirshin
-ka: (magac, lab, keli) cirka ama xagga sare. Cirshinkuu ka yeedhaa gunburi caawaduu di'iye. Dh: cirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhid
m.f.dh eeg firir². la-mid: firir¹, firirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhid
-da: (magac, dhedig, keli) kala yaacid; kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhis
m.l Barabaro yaryar oo midab ah oo neef cad oo xoolaha ku firirsan jirkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg firdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kordhin
(Kordhin-ta)
Wax hor leh ku sii darid; badin; biirin; bulaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kordhin
m.f.dh eeg kordhi. la-mid: kordhis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kordhin
Amplification
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kordhin
vl. n. increasing, developing, raising
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kordhin
-ta: (n) increase (inkiriis); expansion (ikispaanshin); enlargement
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kordhin
Aumento
Increase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kordhin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la hayay, in kale ku darid oo ku biirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kordhin
de: increasing, developing, raising
lx: kordhin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kordhin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kordhin
نَمَاء إِكْثَارِ زِيَادَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libdhin
(Libdhin-ta)
Wax, meel, ama wax kale, xoog u dhexgelin ama ku mudid oo ku fogeyn taniyo intuu ka qarsoomo (ama librin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libdhin
m.f.dh eeg libdhi. la-mid: librin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libdhin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, meel kut fogeyn tan iyo intuu ka qarsoomayo. Dh: libdhis, qarin.
libdhin -ta: (magac, dhedig, keli) dilista wax taag daran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miidhan
[adverbial] [expression] just, solely, entirely
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Miidhan
seulement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miidhan
(adv) only (oon 'li); exactly (ig saktili); alone (a loon) exclusively ~ soocan, miiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhan
(tilmaame) la soo xulay ah; sooc la xulay ah. Dh: soocan, xulan, naqaysan.
miidhan: (tilmaame) la dulmay oo si gardarro ah loogu xadgudbay ah. Nin meel ku miidhan ayaan u gurmaday. Dh: dulman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miidhan
de: just, solely, entirely
lx: miidhan
ps: adv-expr
see: miiran {N}
key: miidhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan wax kale oo uu ku jiro ka dhex xulid oo ka naqaysi Miidhidda lama oggola ee nin wallawba waxaad soo gaadho la bood. Dh: soocid, xulid, madhid.
miidhid-da: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegad xaqdarro ah. Dh: dulmid, xadgudbid.