minweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minweyn
(Minweyn-ta)
Naago nin wada qabo, tan uu ugu hor guursadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minweyn
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur horraysay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minweyn
f. n., [compound] senior wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minweyn
-ta: (n) first wife
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minweyn
de: senior wife Lit: large house
lx: minweyn
pd: (-ta)
ps: n1-f; n2-f-cmp
key: minweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minweyno
-da: (magac, dhedig, keli) xaasas la wada qabo islaanta u weyn ee loogu horguursado. Ninna minweynadiisa oo wanaagsan ma halladaadiyo. Li: minyaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minneyn
m.dh la-mid: manneyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hariifo
-da: (magac, dhedig, keli) cadaawad masayr iyo nac ay minweyno u qaaddo minyaro. Dh: nacgumaar.
hariifo-da: (magac, dhedig, keli) hibasho dad tiro yar oo dad aad u farabadan la baaho iyo biiro ah. Dh: cuqdad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyaray
(fal) adoo minweyno qaba mid kale guurso. Afar ayuu Ilaahay kuu xalaaleeyee minyaray. Dh: labee, minyaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyaro
-da: (magac, dhedig, keli) xaaska labaad ee nin horay reer u lahaa uu guursado. Gashaanti baa tidhi: anoo minweyno noqon kara maxaa minyaro i badi. Li: minweyno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minyaro
cf: minweyn
de: junior wife
lx: minyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: minyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mideyn
m.f.dh eeg midee. la-mid: mideysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miseyn
m.dh eeg misee. la-mid: maseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cirweyni ku sifoobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirweyn
f.mg4 (-nna,-nayd) wax cirweyni ku sfoobay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirweyn
der. [adjective] gluttonous; eager, greedy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirweyn
-aa / ayd: (adj) having great appetite; gluttonous (galatnas); never full; greedy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirweyn
tilmaame) hunguriweyn; aad wax u cuna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirweyn
de: gluttonous; [fig.] eager, greedy
lx: cirweyn
pd: (cirweynaa)
ps: adj-der
key: cirweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax da' weyn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax da' weyn ahaansho. m.f.dh, filweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): old, aged, advanced in years, antique
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filweyn
-aa: (adj) elderly (el-der-li), old (ooldhi), aged (eeyjidh), venerable (veen era bel)~ da'wayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filweyn
(tilmaame) da'weyn; fac hore ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filweyn
de: old, aged, advanced in years, antique
lx: filweyn
pd: (filweynaa)
ps: adj-cmp
key: filweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanweyn
Qab weyn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) U h.: qab weyn lahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) U h.: qab weyn lahaansho. m.dh, hanweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): proud, arrogant; ambitious, having high hopes (for)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanweyn
-aa: (adj) ambitious (aambishas); eager (iiger); full of ambition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanweyn
(tilmaame) wax weyn inuu helo jecel; qof hankiisu weyn yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanweyn
de: proud, arrogant; ambitious, having high hopes (for) (with preposition u)
lx: hanweyn
pd: (hanweynaa)
ps: adj-cmp
key: hanweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manneyn
m.f.dh eeg mannee. la-mid: minneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marweyn
m.dh la-mid: murweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xilkasnimo iyo hannaan marwonimo ku dhaqmid. Marweyntu waa u dhalasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midgeyn
Taning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miideyn
-ta: (magac, dhedig, keli) miid ka dhigid; miid samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigeyn
m.f.dh eeg miigee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miileyn
m.f.dh eeg miilee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milgeyn
(Milgeyn-ta)
1. Milgo ama ulajeeddo wanaagsan hadalka u yeelid; muunayn; xurmayn; murtiyeyn.
2. Shabaag milgo ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milgeyn
m.f.dh eeg milgee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
misleyn
m.f.dh eeg mislee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugweyn
(tilmaame) qaadweyn; wax badan qaada ah. Dh: qaadweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murweyn
m.f.dh eeg murwee. la-mid: marweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xilkasnimo iyo hannaan marwonimo ku dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax jurmi weyn leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanweyn
der. [adjective] thick, dense; sturdy, strong, robust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanweyn
-ta: (magac, dheddig, keli) mid jurmi weyn leh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanweyn
de: thick, dense; sturdy, strong, robust
lx: qanweyn
pd: (qanweynaa)
ps: adj-der
key: qanweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xinneyn
m.f.dh eeg xinnee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirweyni
m.dh Awoodda nafley u leedahay in ay raashiin wax badan ka cunto. la-mid: cirweynaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirweyni
m.dh Awoodda nafley u leedahay in ay raashiin wax badan ka cunto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirweyni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cirweynaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIB-WEYN
(Dibweiyn) N Basananthe spinosa De Wilde Passifloraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filweyni
m.dh la-mid: filweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filweyni
f. n., [abstract] old age, advanced years
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filweyni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg filweynaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filweyni
de: old age, advanced years
lx: filweyni
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: filweyni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweyni
m.dh Dareen qof ku dhaliya in uusan qaadan, waxyaabaha uu u qabo in aanay u qalmin; qab weyn leh. la-mid: hanweynaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanweyni
m.dh Dareen qof ku dhaliya in uusan qaadan, waxyaabaha uu u qabo in aanay u qalmin; qab weyn leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanweyni
f. n., [abstract] pride, boastfulness; ambition; greediness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanweyni
-da: (n) ambitiousness (aambishasnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanweyni
-da: (magac, dhedig, keli) mar walba meel sare iyo wax wayn doonid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanweyni
de: pride, boastfulness; ambition; greediness
lx: hanweyni
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: hanweyni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyeyn
m.f.dh eeg maanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maanyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciyeyn
m.f.dh eeg miciyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigeyn
(Midigeyn-ta)
1. Docda midig xigid.
2. Wax docda midigia ah ka bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigeyn
m.f.dh eeg midigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mingelyo
m.dh 1. Quraan la akhristo oo xirsi xir ah. 2. Labada cirguduudood. 3. Hantida ugu horreysa ee la siiyo gabar guur laga doonaayo aabeheed. la-mid: mingeliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minneyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: manneyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugweyni
-da: (magac, dhedig, keli) qaad weyn lahaan; wax badan qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iney
conj., vl. pron. that she / they ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iney
[conjunction followed by pronoun] if or that she / they [them].. ~ inay. Ex: u sheeg, waa iney yimaadaan; tell them that they should come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iney
de: that she / they ...
lx: iney
ps: conj + vpro
see: inay
key: iney
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meyn
v-aux, neg., simple past tense: did not do (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meyn
de: did not do (X) Invariable for person, number, and gender
lx: meyn
ps: v-aux-neg-past
xe: He didnt ever want to come out.
xv: Kolla bixid dooni meyn.
key: meyn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mien
mien, pron.rel. - waxayga; kayga.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mine
/mayn/ (pron) waxayga (kayga).
mine: /mayn/ (n) 1. godka macdanta laga qodo. 2. miino xabaalid ama qarxin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mine
Goobmacdaneed
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mine
mine, n.f. - godka macdanta laga qodo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mine
(see Grammar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyn
1. Qiyaasta loo badan yahay, wax u weheliyaan, wax u dheer yihiin (xagga dhererka, xagga ballaarka, xagga tirada, xagga filka, xagga xoogga, kd.) yaraan ka tegey, koray, weynaadey.
2. (arrin, wax dhacay) saamays daran leh; culus; la xusuusto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyn
f.mg4 (-naa, -nayd; waaweyn) 1. Wax qiyaasta loo baahan yahay wax u weheliyaan xagga tirada, dhererka, ballaarka, filka iyo wixi lamida ahaansho. 2. Isla w.: qof cid kale iskala sarreeya ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyn
f.mg4 (-naa, -nayd; waaweyn) 1. Wax qiyaasta loo baahan yahay wax u weheliyaan xagga tirada, dhererka, ballaarka, filka iyo wixi lamida ahaansho. 2. Isla w.: qof cid kale iskala sarreeya ahaansho. m.f.dh, weynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyn
[adjective] big, large, great; important
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Weyn
gros, grand.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyn
-aa / ayd: (adj) big (big); large (laarj); huge (hi-yuuj); tremendous (tera-man-des) major (meey-jar); great (gareeyt); voluminous ~ wayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WEYN
Grande (grosso)
Big (large)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Weyn
Grande
Big
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyn
(tilmaame) dherer iyo dhumucba leh oo aan yarayn. Nin gu' kaa weyn qu' ba'as kaa weyn.. Dh: wayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyn
de: big, large, great; [ext.] important Opp: yar
initial: w
lx: weyn
pd: (weynaa Pl: waaweyn)
ps: adj
key: weyn
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weyn
كبير، عظيم
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-neyn
de: is ~ are / was ~ were not going to (X)
lx: -neyn
ps: v2-neg-prog
xe: is ~ was not looking
xv: =-neynin
key: -neyn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
linen
/linan/ (n) 1. dharka nooca laga sameeyo fastaleetiga, marada miiska go'a sariirta iwm. 2. maryaha guriga laga isticmaalo (sida istiraashada, gogosha sariirta, marada miiska iwm). ~ go'yaal.

n., dhar, -ki.