ereyga

minsixri

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

minsixri

DHAN

minanka faalka min ka mid ah waxa u aabbo ah minankasixirka ah Minsubagle, Ugleh, Muyulukhad iyo Guntane.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hawaa'i

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, kali) qolada saddexaad ee faalka waa na afar iyo labaatan dhagax oo u kala baxda Min sicdi iyo Minsixri. Waa afar min oo kala ah: Min subagle oo ah lix dhagax oo Min sicdi ah, Ximre waa toddoba dhagax oo Min sicdi ah, Guntane, waa shan dhagax oo Min sixir ah, Dariiq na waa afar dhagax oo Min sixri ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mindiri

DHAFANDHAAF

(xidhiidhiye) erey la yidhaa kolka carrabku halmaamo oo ereygii la doonayay maahee ku kali ka soo baxo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miiri

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: miyiri.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

minii

DHAFANDHAAF

xi. Haddii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Misir

DHAFANDHAAF
1

(Misir-ta)

2

Qoryo waaweyn oo ad'adag oo wax lagu shido.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

misir

DHAFANDHAAF

m.dh Qori weyn oo adag oo wax lagu shito. 2. Qori laga dillaacsadey qori kale oo weyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

misir

DHAFANDHAAF

f. n., [collective] logs, large pieces of fire wood

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

misir

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) qoryo waaweyn oo ad'adag oo wax lagu shido. Dh: xaabo.

2

misir -ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno mid ka mid ah oo ah geedgaab digirta u dhow kase yaryar oo soos laga dhigto ama sida gorowgaba loo cuno. Shalay fuul baan ku qureecday maantana misir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

misir

DHAFANDHAAF
1

cf: ruud

2

de: logs, large pieces of fire wood

3

lx: misir

4

pd: (-ta)

5

ps: n0-f-col

6

key: misir

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ansixi

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ansixi

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Wax ansax ka dhigid. Tusaale: Arrintan mar hore ayaa barlamaanku ansixiyay. m.f.dh, ansixin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ansixi

DHAFANDHAAF

v. legalize, validate

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ansixi

DHAFANDHAAF

(fal) go'aan ama wax kale, oggolaansho u hel. Baarlamaanku waxa uu ansixiyay xeerar cusub oo dhaqaalaha kobcintiisa qayb ka ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ansixi

DHAFANDHAAF
1

de: legalize, validate rw: ansax

2

lx: ansixi

3

pd: (ansixiyey)

4

ps: v2a=tr

5

key: ansixi

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cinsir

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) haragga buuryada wanka ku dahaadhan afkiisa hore ee kaadidu marto. Wankan cinsirka ayaa buka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

milixi

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: milxee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

minier

DHAFANDHAAF
1

minier, adj. - macdan-qodis

2

industrie minière - shaqada macdan qodista ah; macdan-qodis warshadeysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miriri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Wax mirir u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

miriri

DHAFANDHAAF

v. rust, oxodize, cause something to become rusted ~ oxidized

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

miriri

DHAFANDHAAF
1

de: rust, oxodize, cause s.t. to become rusted ~ oxidized

2

lx: miriri

3

pd: (miririyey)

4

ps: v2a=tr

5

key: miriri

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mitiri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Wax mitir ku cabbirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

mitiri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Wax mitir ku cabbirid. m.f.dh, mitirin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mitiri

DHAFANDHAAF

(fal) mitir wax ku dhereri; masaafada ay laba meelood isku jiraan cabbir oo qiyaas. Bootada dhererkeeda iyo ballaceedaba mitiri. Dh: qiyaas, cabbir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miyiri

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U m. qof si tartiib ah wax ugu sheegid. 2. U m.: si deggan wax u qabasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

miyiri

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U m. qof si tartiib ah wax ugu sheegid. 2. U m.: si deggan wax u qabasho. m.f.dh, miyirin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

miyiri

DHAFANDHAAF

v. act with deliberation, do something carefully

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miyiri

DHAFANDHAAF

(fal) fududee oo aayar u wad. Dh: qunyar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

miyiri

DHAFANDHAAF
1

de: act with deliberation, do s.t. carefully

2

lx: miyiri

3

pd: (miyiriyey)

4

ps: v2a=tr

5

key: miyiri

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Finixsi

DHAFANDHAAF
1

(Finixsi-ga)

2

Finixsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

finixsi

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: finixsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

finixsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg finixsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

miniéra

DHAFANDHAAF

s.f. - hogmacdan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Misirre

DHAFANDHAAF

nickname-m he who collects large pieces of fire woods by profession

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

minguuri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Ka m.: wax meel ku qoran, meel kale ku qorid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

minguuri

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Ka m.: wax meel ku qoran, meel kale ku qorid. m.f.dh, minguurin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

minguuri

DHAFANDHAAF

-yey / say: (v) copy from; copy (kaap 7); duplicate

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

minguuri

DHAFANDHAAF
1

(fal) qoraal buug kale ka soo qaado. Sheekada minguuri.

2

minguuri: (fal) meel ka wareeji oo meel u wareeji. Qalabka geerashka yaal dhammaan minguuri. Dh: rar, guuri.

3

minguuri: (fal) min faal rar oo min kale u rar si saadaasha ad u jarrabto. Bal minguuri faalka inay wax kale soo baxaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

minnaxsi

DHAFANDHAAF

qayb minanka faalka ka mid ah oo waa afarta: minshanaad waa naxsi xun min lixaad waa naxsi dabeecad xun mintoddobaadna waa naxsi fudud oo laga kabmi karo waxa intaa ka soo hadhi waa min sicdi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

minqixid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: manqixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xirsixirid

DHAFANDHAAF
1

(Xirsixirid-da)

2

Xirsixir akhriyid; nabaaddiinaxirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xirsixirid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg xirsixir². la-mid: xirsixir¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xirsixirid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xirixidh u samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caansiiri

DHAFANDHAAF

(fal) warwareeji; meermeeri.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

minawarid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax kala maammulid. Dad ayaa loo tababaraa minawaridda maraakiibta badaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

minguurin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg minguuri. la-mid: minguuris.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

minguurin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) qoraal meel ka qorasho oo meel kale ku qorasho. Minguurinta qoraalku xeerar ayay leedahay aan la dhaafin.

2

minguurin-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ka wareejin oo meel kale u wareejin. Dh: rarid.

3

minguurin-ta: (magac, dhedig, keli) min faal rarid oo min kale u rarid si saadaasha loo tijaabiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

minguuris

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: minguurin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

minguuris

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg minguurin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

ministère

DHAFANDHAAF

ministère, n.m. - wasaarad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]

ministèro

DHAFANDHAAF

s.m. - wasaarad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

minoterie

DHAFANDHAAF

minoterie, n.f. - washadda galleyda iwm shiidda oo bur ka dhigta; shiidid; ridqid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jinsidoorin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg jaad-doorin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mindirraaci

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arrin aan weli bislaan ama aan dhab looga baaraandegin, si deddejis ah ku dhammayn. 2. Neef aan la baxnaanin oo aan loo warhayn inuu dhiman lahaa iyo in kale, mindi ku gowricid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mindirraaci

DHAFANDHAAF

v., [compound] reach ~ make a premature decision

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mindirraaci

DHAFANDHAAF
1

bw: horutibyee

2

de: reach ~ make a premature decision

3

lx: mindirraaci

4

nt: mindirraacis (ka) [vn-m]

5

pd: (mindirraaciyey)

6

ps: v2a=cmp

7

key: mindirraaci

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

ministerial

DHAFANDHAAF

/minasteriyaal/ (adj) 1. wasiireed (ee wasiir) 2. xil wasiir (shaqo wasiirnimo).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

ministériel

DHAFANDHAAF

ministériel, adj. - gole wasaaradeed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

minjasaarid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: manjasaarid.

waa la naqliyay ✓