minjarrogasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarrogasho
m.dh la-mid: manjarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijarrogasho
m.dh la-mid: manjarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjarrogasho
m.f.dh eeg manjarrogo. la-mid: majarrogasho, mijarrogasho, minjarrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) is rogid ilmo dhalanayaa uu caloosha isku rogo oo xaggii loo soo dhalanayay u soo jeesto. Marxaladaha foosha waxa ka mid ah manjarogashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarrogo
f.mg3 (-gtay, -gatay) la-mid: manjarrogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digarrogasho
m.f.dh eeg digarrogo. la-mid: digarrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmarrogasho
(Ilmarrogasha-da)
Dhaqdhaqaaqa ilmaha uurka ku jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarrogasho
m.f.dh eeg ilmarrogo. la-mid: ilmarrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majarroggasho
m.dh la-mid: manjarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjarrogo
f.mg3 (-gay, -gtay) 1. Isbeddelid (arrin). 2. Ilmo sidkoodii dhammaaday madaxa hoos u soo rogasho. la-mid: majarrogo, mijarrogo, minjarrogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manjarrogo
v. turn (around ~ over), overturn; change
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manjarrogo
de: turn (around ~ over), overturn; change
lx: manjarrogo
pd: (manjarrogtay)
ps: v3b=intr
key: manjarrogo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka meel laga guuro ee meel kale oo u dhow loo guuro. Dh: daldalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarroorsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: manjarroorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjabbaxsasho
m.dh la-mid: manjabbaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minnasheegasho
m.dh la-mid: mannasheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaalmarrogasho
(Qaalmarrogasha-da)
Rogmasho ama booddo qofku kol, sida garangarta, isku kor wareego, isagoo duuban; (ama qaalaamarrogasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmarrogasho
m.f.dh qaalaamarrogad, qaalmarrogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarroor
minjarroor¹: m.l la-mid: manjarroorid.
minjarroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: manjarroor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warbogasho
m.f.dh eeg warbogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warbogasho
-da: (magac, dhedig, keli) xog iyo war la helay, hubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanrogasho
-da: (magac, dhedig, kali) goor colaadeed oo inta dagaalkii la xamili waayo, laga baxsado. Dh: jaanwadh. Li: jilibdhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsasho
m.dh la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarroori
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: manjarroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tashiilasho; yaryaraysasho. Mitaarsashadu aday dantaa tahay.
mitaarsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kula mid ah yaraysasho oo yasid. Mitaarsadkii Bilaal rag bay balaayo ka raacday. Dh: xaqirid. Li: ixtiraamid, qaddarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijarroorsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: manjarroorsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarroorid
m.dh la-mid: manjarroorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarroorin
m.dh la-mid: manjarroorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miragoosasho
vl. n. harvest, harvesting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miragoosasho
-miragoosashada: (n) crop gathering; harvest (haar 'vast) ~ mirogooyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miragoosasho
de: harvest, harvesting
lx: miragoosasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: miragoosasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogorrogasho
m.f.dh eeg dhogorrogo. la-mid: dhogorrogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorrogasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan, dhogorta geddisasho. Dh: dhogordhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjabaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) socod aan la dheeraynayn oo aayar ah oo isboorti ahaan looga jeedo socosho. Dh: manjabaxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjarroorsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof, wax manjarrooray ahaansho. la-mid: majarroorsan, mijarrorsan, minjarroorsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manjarroorsan
der. [adjective] with a numb leg; tied very tightly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manjarroorsan
a: majarroorsan
de: with a numb leg; [ext.] tied very tightly
lx: manjarroorsan
pd: (manjarroorsanaa)
ps: adj-der
key: manjarroorsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjaruufasho
m.f.dh eeg qanjaruufo². la-mid: qandhuufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalanrogmasho
m.f.dh eeg dhalanrogmo. la-mid: dhalanrogmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalanrogmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhalandoorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogorrogmasho
m.f.dh eeg dhogorrogo. la-mid: dhogorrogmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorrogmasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan, dhogortii geddisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoogsasho
m.f.dh eeg jilbajoogso. la-mid: jilbajoogsad, jilbajoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ruugag ku istaagid; labada dhudhun oo la laabto oo labada ruug lagu sarajoogsado. Dh: jilbajabsi, jilbadhigasho, jilbageeljiray, jilbajoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manjabbaxsasho
(Manjabbaxsasha-da)
Socod aan la dheeraynayn oo aayar ah oo jiljileeca iyo curuqa laysaga bi'iyo; lugabbaxsasho; tamashle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjabbaxsasho
m.f.dh eeg manjabbaxso. la-mid: majabbaxsad, majabbaxsasho, majabbaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannasheegasho
m.f.dh eeg mannasheego. la-mid: mannasheegad, minnasheegad, minnasheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannasheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) abaalsheegad oo qof wax horay loo siiyay ugu faanid. Mannasheegasho waa macnadarro. Dh: abaalsheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaamarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qalaamarogad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qodaal Rogasho
Ladang
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjarroorsanaan
m.dh la-mid: manjarroosanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalaamarrogasho
m.dh la-mid: qaalmarrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaamarrogasho
-da: (magac, dhedig, keli madax iyo mijo kolba dhinac u rogmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anqarsasho
m.f.dh eeg anqarso. la-mid: canqarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anqarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo dhashay caano, biyo ama wax kale, siisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroorasho
(Baroorasha-da)
Baroor samayn; boohin badan oo lagu dheeraysana hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorasho
m.f.dh eeg barooro. la-mid: baroorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroorasho
vl. n. crying, act of mourning, keening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroorasho
-baroorashada: (n) the act of mourning (mooning) ~ baroodiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorasho
-da: (magac, dheddi, keli) oohin dhiillo iyo naxdin leh oo ay qofka ka keento geeri ama dhib kale oo soo gaadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroorasho
de: crying, act of mourning, keening
lx: baroorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baroorasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digarrogad
m.l la-mid: digarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoocasho
m.f.dh eeg garooco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoocasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto kolba dhan ka cunis. Dh: dhinacasasho; baalsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomasho
m.f.dh eeg garoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoogasho
(Hagoogasha-da)
Maro, kd., si hagoog leh u huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogasho
m.f.dh eeg hagoogo. la-mid: hagoogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagoogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagasho
m.f.dh eeg higaago. la-mid: higaagad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjisasho
m.f.dh eeg hinjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmarrogad
(Ilmarrogad-ka)
Ilmarrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarrogad
m.l la-mid: ilmarrogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarrogad
vl. n., [compound] movement of the child in the womb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarrogad
a: ilmarrogasho (/da) [vn6-f]
de: movement of the child in the womb
lx: ilmarrogad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m-cmp
key: ilmarrogad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysasho
(Jaraysasha-da)
1. Fardo la leeyahay jarabbarid.
2. Shaxda, jare yeelasho, samaysasho; jaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysasho
m.f.dh la-mid: jaraysad, jaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinbacasho
(Jinbacasha-da)
Dhinac ama dib u leexasho, isu soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karoorasho
m.dh la-mid: karuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingaxasho
m.dh la-mid: ningaxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobasho
vl. n. becoming black
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobasho
de: becoming black
lx: madoobasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: madoobasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsasho
m.dh la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meher ku xidhasho oo guursasho. Dh: nikaaxasho, guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majeerasho
(Majeerasha-da)
Kasha iyo laabta ka jeclaysasho weyn; kamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majeerasho
m.f.dh eeg majeero. la-mid: majeerad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majeerasho
vl. n. attraction; longing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majeerasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg majeerad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majeerasho
cf: jamasho
de: attraction; longing
lx: majeerasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: majeerasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirasho
m.f.dh eeg majiiro. la-mid: majiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg majiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malooqasho
m.f.dh eeg malooqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjarroor
manjarroor¹: m.l 1. (-rro, m.dh) Masharaaf. 2. la-mid: manjarroorid. Daal ka yimaada taagnaan badan.
manjarroor²: f.mg1 (-ray -rtay) Taagnaan badan ku daalid. la-mid: majarroor², mijarror², minjarror².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
manjarroor
f.mg1 (-ray -rtay) Taagnaan badan ku daalid. m.f.dh, manjarroorid. la-mid: majarroor, mijarror, minjarror.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manjarroor
v. have numb feet, be 'asleep' (of one's leg)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manjarroor
bw: majarroor
de: have numb feet, be 'asleep' (of one's leg)
lx: manjarroor
nt: manjarroor (ka) [vn-m]
pd: (manjarrooray)
ps: v1=intr
key: manjarroor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqoorasho
m.dh eeg maqooro. la-mid: maqoorasasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqoorasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqoorado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsasho
m.dh la-mid: maragsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsasho
m.dh la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.