minfadlak
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minfadlak
inter. please
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minfadlak
bw: Arabic
de: please (not generally used in Somali)
lx: minfadlak
ps: intj
syn: bilehsaanak
key: minfadlak
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilehsaanak
bw: Arabic
de: please (not generally used in Somali)
lx: bilehsaanak
ps: intj
syn: minfadlak
key: bilehsaanak
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindalab
-ka: (magac, lab, keli) qof makhaayad ka adeega oo kolba macmiilku waxa uu doono u keena. Dh: dalabwale, minqaxwe, mudalab.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fadlan
(adv) please (pliis) ~ bilisxaanag. Ex: dhagayso, fadlan; pay attention, please
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minaad
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo loo ururiyo boqorrada ama ugaasyada. Dh: baaho.
minaad-ka: (magac, lab, keli) kolkaad, goortaad, markaad, haddaad. Minaad rabtid iska seexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minaaq
m.l (-qyo, m.dh) Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
minaaq
m.l (-qyo, m.dh) Laba qori oo yaryar oo darafyadooda sare harqoodka galaan, darafyada hoosana indhali isu hayso, oo dibiga qoortiisu ku dhex jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minaaq
-a: (magac, lab, keli) mid ka mid ah labo qori ee dibida qoorta loo geliyo marka beerta lagu qodayo oo hargoodka ka laadlaada. Wa: minaaqyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inaadan
conj., vl. pron., neg. that you ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inaadan
(pronoun you followed by negative action verb) ~ inaanad. Ex: waa inaadan waxbarashadaada joojin; don't quit school [study]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inaadan
de: that you ... not = in + aad + aan
lx: inaadan
pd: (inaanad)
ps: conj + vpro + neg
xe: You must not drink alcohol.
xv: Waa inaadan cabbin khamri.
key: inaadan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
minable
minable, adj. - laga yaqyaqsado; sakhiifnimo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minawar
(fal) kala gur; kala habee. Kala minawar alaabta. Dh: kala maamul.
minawar -ka: (magac, lab, keli) kala hagaajin iyo kala maarayn. Cali wuu ku wanaagsan yahay minawarka waddooyinka. Dh: maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindhaa
Waxaa laga yaabaa; malaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindhaa
fk. Waxaa laga yaabaa; malaha. Tusaale: “Mindhaa wuu imaanayaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mindhaa
fk. Waxaa laga yaabaa; malaha. Tusaale: Mindhaa wuu imaanayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mindhaa
[adverbial] [expression] probably
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mindhaa
(adv) maybe (meeybii); perhaps (peerhapis)-,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindhaa
(falkaabe) waxaa laga yaabaa; malaha. Mindhaa sidaa maaha. Dh: billaayoo, aarmuu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mindhaa
cf: malaha
de: probably
lx: mindhaa
ps: adv-expr
key: mindhaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mingaaf
-ka: (magac, lab, keli) taki aan daab godan, lahayn oo ul toosan lagu daabo; wax gudin gab keed leh kase yar oo dhilliskiisuna si babbac ah, ugu xidhan yahay oo dhirta xijiga lagu sarco. Dh: mangaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Minhaaj
-ka: (magac, lab, keli) kitaab xukunka shareecada aad ugu xeeldheer oo aad loo soo koobay, waxa dejiyey Imaam Nawaawi, Rabbi naxariistii janno ha siiyee. Muqni iyo Irshaad iyo Minhaaj kama qadnaadeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minqaad
(Minqaad-ka)
In awr rar sidaa maro isaga oo aan la furin oo joogsan; meesha laga raray iyo meesha danbe oo lagu furay, inta ay isu jiraan; cabbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minqaad
minqaad¹: m.dh (-dyo, m.dh) Fogaan awr rarani socan karo, isaga oo aan la furin ama la joojin muddo maalin dhexdeeda ah.
minqaad²: f.mg1 (-day, -dday) Fogaan minqaad ah guurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minqaad
m. n. distance travelled between loading and unloading a camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minqaad
-ka: (magac, lab, keli) inta uu awr rarani maalin socdo isaga oo aan mar qudha la furin oo aan joogsan. Dh: kolguur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minqaad
de: distance travelled between loading and unloading a camel
lx: minqaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: minqaad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Manfac-a
avantage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalan
milaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax mug leh oo wax kale laga buuxshay noqosho.
milaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Ka m.: wax mug leh oo wax kale laga buuxshay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milaalan
der. [adjective] filled (with), be full (of something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalan
(tilmaame) aad u buuxa oo daf ah. Kob caano ah oo milaalan ayuu gummud ka siyay buuxsan, miijisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milaalan
de: filled (with), be full (of s.t.) With preposition ka
lx: milaalan
pd: (milaalnaa)
ps: adj-der
xe: a full container
xv: buux
key: milaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minaarad
m.dh la-mid: munnaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis bed kooban qaata oo masaajidda laga garab dhiso oo inta la dheereeyo aadna loo qurxiyo oo makarafoonnada la duldhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minaawar
m.l (-rro, m.dh) 1. Markab weyn oo dagaal. 2. la-mid: mimbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minawaar
* (Minawaar-ka)
Markab dagaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minawaar
-ka: (magac, lab, keli) markab dagaal oo weyn. Minawaarka nimankii ka degay maato loo galiye. Dh: markab.
minawaar-ka: (magac, lab, keli) carbinta ciidamada. gaadiidka badda iyo dhulka si xirfadi ku jirto loo carbiyo. Dh: dhoollatus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyaray
(fal) adoo minweyno qaba mid kale guurso. Afar ayuu Ilaahay kuu xalaaleeyee minyaray. Dh: labee, minyaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mixnaday
(fal) dhibaato abuur; mixnad samee. Cadawdu mixnaday Soomaaliya ayuu leeyahay Soomaaliduna way is eegayaan. Dh: mixnadee, mushkiladay, dhib. Li: wanaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyaadan
question word, vl. pron., +: are you not ...?, did you not ...?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyaadan
[interrogative word] are you not..?, don't you..?, have you not..?. Ex: miyaadan Soomaali ahayn? are you not Somalian?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyaadan
de: are you not ...?, did you not ...?
lx: miyaadan
ps: qw + focus + vpro + neg
xe: Arent you going on a vacation?
xv: Miyaadan fasax tageynin?
key: miyaadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siifaday
(fal) siifad mari, ku rog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindadab
-ka: (magac, lab, keli) siman ama ama fidsan; dhulka gogol la seexdiyo sabo lag nagaadiyo laga dhigay sin-dadabka ee rabbigay sameyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfalay
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin oo khiyaal ah oo wixii la waayo loo aaneeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalay
(fal) kaftan dacaayad ah ku dheh. Xifaalay waa saaxiibkaaye. Dh: xifaalee, dacaayadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirfadle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof gacanta ka shaqeeya oo hawsha uu qabanaayo aqoon u leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xirfadle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof gacanta ka shaqeeya oo hawsha uu qabanaayo aqoon u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirfadle
m. n. specialist, worker with a specialty
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XIRFADLE
Operaio specializzato
Skilled worker

Xirfadle
Operaio specializzato
Skilled worker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirfadle
-ha: (magac, lab, keli) qof farsamo uu ku shagaysto yagaan. Dh: farsamayaqaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirfadle
de: specialist, worker with a specialty
initial: x
lx: xirfadle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xirfadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadla'
(tilmaame) astaan muujinaysa in aanu qofku awood ku filan u lahayn wax uu qaban lahaa. Waa nin naftiisii u daafadla' qofka aad dhibaysaa. Dh: awoodla', itaaldaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixaadla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof curyaan ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lixaadla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof curyaan ah ahaansho. m.f.dh, lixaadla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lixaadla'
der. [adjective] handicapped; mutilated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lixaadla'
de: handicapped; mutilated
lx: lixaadla'
pd: (lixaadla'aa)
ps: adj-der
key: lixaadla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miihaalad
(Miihaalad-ka)
Meehaalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miihaalad
vl. n. expectation, false hope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miihaalad
-ka: (magac, lab, keli) male iyo tashi samayn.
miihaalad -ka: (magac, lab, keli) socsocod aan macno lahayn. Dh: naannaw, carcaraaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miihaalad
de: expectation, false hope
lx: miihaalad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: meehaalo
key: miihaalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minfilaad
(Minfilaad-ka)
Qof kale uurkiisa xumaan ka filasho; dareensi; tuhun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minfilaad
m.l 1. Tuhun yar oo cid loo qaado. 2. la-mid: minfilaadid.
minfilaad²: f.g1 (-day, -dday) Ka m.: tuhun yar cid u hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minfilaad
v. suspect, treat with suspicion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minfilaad
godadka faalka mid ka mid ah oo hadduu baxo waxa la raadinayo aan laga quusan. Minfilaad ayaa ii soo hadhoo ma xuma rajadu.
minfilaad -ka: (magac, lab, keli) qof kale uurkiisa xumaan ka filasho. Dh: tuhun. Li: kalsooni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minfilaad
de: suspect, treat with suspicion With preposition ka
lx: minfilaad
nt: minfilaad (ka) [vn-m]
pd: (minfilaaday)
ps: v1=
key: minfilaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minjasaar
minjasaar¹: m.l la-mid: manjasaar¹.
minjasaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: manjasaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minjasaar
-ka: (magac, lab, keli) sida ay dumarka miyigu u kaadsiiyaan ubadka oo ah ilmaha oo lagu fadhiisiyo xididdalayda lugta hooyadii meesha u dhaxaysa xoogga iyo faraha lugta. Dh: majasaar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minnaarad
-da: (n) lighthouse (laaythaws); beacon (bii'ken) ~ munnaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mintidsan
(tilmaame) adkaysi iyo dadaal aad ah ku jira ah. Nin mintidsan ayaad tahay. Dh: adag.