mindhicirood
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MINDHICIROOD
[MENDE-EROD] Caucanthus edulis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MINDHICIROOD
(Mindirod) C Caucanthus albidua (Nied.)Nied. Malpighiaceae.
C Caucanthus edilus Forsk. Malpighiaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MADHICIROOD
Caucanthus albidus 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindhicir
(Mindhicir-ka)
Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindhicir
mindhicir¹: m.l (-rro, m.dh) Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badanyahay.
mindhicir²: m.l (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah dheefmareenka oo ka hoosaysa caloosha. Shaqooyinkeeda ugu waaweynina waxa weeye dhammaystirka dheefshiidka cuntada caloosha ka timaada, nuugista milannada cuntada, nuugista biyaha iyo soo saaridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mindhicir
m. n. viscera, part of the intestine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mindhicir
-ka: (n) bowel (baawl); intestine (intestari) ~ xiidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindhicir
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah habdhiska dheefshiidka oo ah tuumbooyin dhaadheer oo ay cuntadu marto inta ay malawadka gaadhayso. Dh: midhiqir, mindhiqir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mindhicir
cf: amasiir
de: viscera, part of the intestine
lx: mindhicir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mindhicir
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MIRDHIEROOD
[MENDE-EROD] Caucanthus albidus 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindhicirisdab
m.l Jirro geela ku dhacda oo xiidmaha kala xirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindhicirisdab
-ka: (magac, lab, keli) jirro geela ku dhacda oo xiidmaha kala xirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindhiqir
-ka: (magac, lab, keli) habdhiska. dheefshiidka mid ka mid ah oo ah tuumbooyin dhaadheer oo ay cuntadu marto inta ay malawadka gaadhayso. Dh: midhiqir, mindhicir.
mindhiqir -ka: magac, lab, keli) nabar qaaxada ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhicilo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Findhicil ilko ka baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
findhicilo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Findhicil ilko ka baxsasho. m.f.dh, findhicilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
findhicilo
v. pick one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
findhicilo
(fal) findhicilka iska gur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
findhicilo
de: pick one's teeth
lx: findhicilo
pd: (findhicishay)
ps: v3b=
key: findhicilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
findhicilad
-ka: (magac, lab, keli) findhicilka iska gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhacirdoon
(tilmaame) mid si fican wax u arka.
indhacirdoon: (tilmaame) mid wax aanu lahayn raba oo damac badan. Dh: xoolacirdoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhicisoob
inch. v. be still born, miscarry, abort
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhicisoob
-ey / dhicisowday: (v) 1. fail to succeed; miscarry (mis-kaari); end in futility (fiyuu-tiliti); become fruitless ~ lugu guul daraystay. 2. aborted; miscarry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhicisoob
de: be still born, miscarry, abort
lx: dhicisoob
pd: (dhicisoobay)
ps: v1=inch
key: dhicisoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibdhicid
m.dh 1. eeg dibdhac². 2. Hoos-u dhac (dhaqaale). la-mid: dibdhac¹, dibudhac, dibudhicid, dibudhicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibdhicid
-da: (magac, dhedig, keli) milaygi ballantu ahayd ka danbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Findhicil
(Findhicil-ka)
1. Geed-quwaax qodxo fiiqfiiqan leh; laamaha biyo iyo ur lifaaqoon buu ku lee yahay, salkana asal.
2. Cunnada la cuno siiba hilibka, cadadka yaryar oo ilkaha dhexdooda ku harhara.
3. Qoriga lagu findhicisho laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhicil
m.l 1. Geed quwaax dhuux adag oo leh laamo gaagaaban, qodxo dhaadheer, caleemo yaryar iyo asal. 2. Cunto la cunayo wax yar oo kaga hara ilkaha dhexdooda. 3. (- illo, m.dh) Qori yar oo cuntada ilkaha dhexdooda ku harta looga saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
findhicil
m.l 1. Geed quwaax dhuux adag oo leh laamo gaagaaban, qodxo dhaadheer, caleemo yaryar iyo asal. 2. Cunto la cunayo wax yar oo kaga hara ilkaha dhexdooda. 3. (-illo, m.dh) Qori yar oo cuntada ilkaha dhexdooda ku harta looga saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
findhicil
m. n. act of picking one's teeth; toothpick
findhicil m. n., [collective] incense bearing tree species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
findhicil
-ka: (n) 1. toothpick (tuuth pik) 2. the food remains between the teeth after eating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
findhicil
-ka: (magac, lab, keli) fallidh yar oo ilkaha cuntada ku hadhaday lagaga saro. Wa: findhicillo.
findhicil -ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno, siiba hilibka, cadadka yaryarka ah oo ilkaha dhexdooda ku hadhhadha.
findhicil-ka: (magac, lab, keli) geedquwaax qodxo fiiqfiigan leh; laamaha biyo iyo ur sillan buu ku leeyahay salkiisana asal ayaa laga dhigtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhirid
m.dh la-mid: fandharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindhisid
(Hindhisid-da)
Hindhiso ka imaansho, sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhisid
m.f.dh eeg hindhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhisid
-da: (magac, dhedig, keli) hindhiso soo dayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhisoo
(fal) hindhiso iska keen. Siinku ha kaa ruqee hindhisoo. Dh: hindisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindisood
m.f.l eeg hindisoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindisood
m.f.l eeg hindisoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhaciid
-ka: (magac, lab, keli) geed qadhaab leh midho macaan oo cascas oo la cuno. Midhacid ayaad midho ka soo guratay Dh: mudhaciid. Dh: mudhamadaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindhismo
(Mindhisma-da)
1. Guri, in lagu aroosbaxo u dhisid; guriggal.
2. Inta arooska cusub lagu jiro.
3. Guriga arooska oo laga dhiso, cidda gabadha bixisay, agteeda; inanlayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindhismo
m.dh 1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mindhismo
m.dh 1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mindhismo
f. n. setting up of a new house for bride and groom; first days of marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindhismo
-ha: (magac, lab, keli) guri in lagu aroosbaxo u dhisid. Dh: aqalgal
mindhismo -ha: (magac, lab, keli) guri aroos looga. dhiso cidda gabadha bixisay agteeda.
mindhismo-da: (magac, dhedig, keli) inta arooska cusub lagu jiro. Weli mindhismo ayay caruuska iyo caruusaddu ku jiraan. Dh: aroos.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mindhismo
de: setting up of a new house for bride and groom; first days of marriage
lx: mindhismo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mindhismo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qindhicil
m. n., (mass n.): nits, louse eggs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qindhicil
-ka: (n) nit (nit); egg of louse (laws) or lice (laays) ~ qandhicil, injir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qindhicil
-ka: (magac, lab, keli) eeg qandhicil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qindhicil
a: qandhicil {N}
de: nits, louse eggs
lx: qindhicil
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: qindhicil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhatirid
m.f.dh eeg indhatir.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Indhawroon
name-f satisfying to the eyes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
findhicil_1
de: act of picking one's teeth; [ext.] toothpick
hm: 1
lx: findhicil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: findhicil_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
findhicil_2
de: incense bearing tree sp.
hm: 2
lx: findhicil
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: findhicil_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhawirqid
m.f.dh eeg indhawiriq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihindisood
m.f.l eeg mihindisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhacurdoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si fican wax u arka ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhacurdoon
der. [adjective] sharp-sighted, with keen vision
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhacurdoon
de: sharp-sighted, with keen vision
lx: indhacurdoon
pd: (indhacurdoonaa)
ps: adj-der
key: indhacurdoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: indhafirqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafirqoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel dheer wax ka arka ahaansho (qof). la-mid: indhafircoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhafirqoon
der. [adjective] keen-sighted, having good vision; alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhafirqoon
(tilmaame) mid meel dheer wax ka arka. Dh: indhafiiqan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhafirqoon
de: keen-sighted, having good vision; [ext.] alert
lx: indhafirqoon
nt: indhafirqoonaan (ta) [n0-f-abs]
pd: (indhafirqoonaa)
ps: adj-der
key: indhafirqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Findhicilasho
(Findhicilasha-da)
Findhicilka ilkaha dhexdooda ku harhara iska soo bixbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
findhicilasho
m.f.dh eeg findhicilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
findhicilasho
-da: (magac, dhedig, keli) findhicilka ilkaha dhexdooda ku hadhhadha iska soo bixbixin. Dh: findhicilad.
findhicilasho -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad ilkaha ku sifaynayso qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafircooni
m.dh la-mid: indhafirqoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhafirqooni
m.dh la-mid: indhafirqoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhicood
-ka: (magac, lab, keli) marka naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac uga soo daato.