mindheelli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindheelli
(Mindheelli-ga)
Ilmasideenka oo qalloocda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindheelli
m.l Ilmagaleenka dhedigoodka oo qalloocda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mindheelli
m. n. deformity of the womb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mindheelli
-ga: (n) uterus or womb misplacement; condition of having one's uterus in a wrong place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindheelli
-ga: (magac, lab, keli) dhaqaaq uu ilmagaleenku dhaqaaqo ama uu is rogo oo uu dhan u jeesto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mindheelli
de: deformity of the womb
lx: mindheelli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mindheelli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelli
(Dheelli-ga)
Qaadka ama culayska rarka oo inta doc u bata dhicid ku dhowaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelli
dheelli¹: m.l 1. Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo. 2. la-mid: dheelliyid.
dheelli²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Wax culayskiisa dhinac u badasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelli
dheelli¹: m.l Dhinac u badashada wax culayskiisu dhan u bato oo uu dheellitirankii lumiyo.
dheelli²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Wax culayskiisa dhinac u badasho. m.f.dh, dheelliyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelli
v. over-balance, lean sideways, fall to one side
dheelli vl. n. overbalancing, leaning sideways; unevenly distributed load
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheelli
-yey/ say: (v) unbalance (an-baa-lansi); overbalance (o-var-baalans); throw off balance; tip the scales
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheelli
(fal) muur raran, kolba dhan u liic. Awrkii wuu dheelliyey ee ila dheellitira.
dheelli -ga: (magac, lab, keli) liicid ama janjeedhsi uu culays keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhereeri
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mandharaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax habeen guuragelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax habeen guuragelin. m.f.dh, dheelmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheellin
m.dh la-mid: dheelliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheellis
m.l la-mid: dheelliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ildheeri
m.dh 1. Aragti-dheer ahaansho. 2. la-mid: ildheeraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ildheeri
m.dh 1. Aragti-dheer ahaansho. 2. la-mid: ildheeraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ildheeri
f. n. wretched look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildheeri
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog wax ka arkid, fiiro dheer iyo garasho badan lahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ildheeri
de: wretched look
lx: ildheeri
pd: (-da)
ps: n-f
key: ildheeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandheer
(Mandheer-ta)
Xubin kankoonsan oo ilmasideenka gudihiisa ka samaysanta kolka uurka la lee yahay oo uurjifka cunnada siisa; iyada iyo ilmaha waxaa isu haya xarigga xuddunta, dhalmada kaddibna waa ay soo dhacdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandheer
m.dh (cilmiga naflayda) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. la-mid: maldheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandheer
m.dh (cilmiga naflayda) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. la-mid: maldheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandheer
f. n. placenta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mandheer
-ta: (n) placenta (palasenta)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandheer
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandheer
de: placenta
lx: mandheer
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: mandheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sindheer
m.dh.kh S. ah: gabar ku jirta da'da 15-18 sano oo aan weli hilibeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindheer
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmaha yari marka uu abaydinkana dhaafo balse weli aanu qaangaadh noqon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeldheelli
-ga: (magac, lab, keli) kolba dhan u liicid ay keento tabarxumada ama gabowga iyo qofka hilibka badan leh. Dheeldheelligaygay inaan dhacayo moodeene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandhareeri
(fal) matag balqan isjiidanaya ah hunqaac. Waligaaba mandhareeri haddaad wax cunin waxba kaa soo dhici maayaan. Dh: matag, madhareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandheerrey
m.dh (cilmiga naflayda) Naasley mandheer leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandheerrey
m.dh (cilmiga naflayda) Naasley mandheer leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandheerrey
f. n., [collective] placental mammal ~ mammals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandheerrey
-da: (magac, dhedig, keli) tulud horweynta geela ka mid ah. Dh: maandhoorray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandheerrey
de: placental mammal ~ mammals
lx: mandheerrey
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: mandheerrey