minbar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minbar
(Minbar-ka)
Meel kor u qaadan oo qofka khudbada akhriyayaa ama wax wacdiyayaa fuulo, si uu u muuqdo codkiisana loo maqlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minbar
m. n. pulpit in a mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minbar
-ka: (n) platform (palaatfoorm)-, rostrum (roos-taram); pulpit (pool 'pit)-, dais (dheeys) ~ see [eeg] mimbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minbar
-ka: (magac, lab, keli) meel uu imaamku fuulo oo khudbadda uu ka akhriyo gaar ahaan ta ku taal mixraabka agtiisa ee khudbadda jumcada laga akhriyo. Dh: mimbar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minbar
bw: Arabic
de: pulpit in a mosque
lx: minbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: minbar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
minbar
منبر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinbar
(Jinbar-ta)
Cududda bartankeeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinbar
f. n. arm just above the elbow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinbar
de: arm just above the elbow
lx: jinbar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: jinbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kinbar
-ta: (magac, dhedig, keli) cududda badhtankeeda. Kinbarta ayuu qori ka muday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mimbar
m.l (-rro, m.dh) (dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. la-mid: mambar, minaawar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mimbar
m.l (-rro, m.dh) (dii.) Meel masaajidka gudihiisa ku taal, kor u qaadan, oo qofka khudbadda wacdiga akhriyayaa fuulo, si uu u muuqdo, codkiisana loo maqlo. la-mid: mambar, minaawar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mimbar
m. n. pulpit in a mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mimbar
-ka: (n) an elevated platform used in a mosque for the Friday religious service ~ minbar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mimbar
a: mambar ~ manbar ~ minbar
bw: Arabic
de: pulpit in a mosque
lx: mimbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mimbar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
platform
/plaat foorm/ (n) 1. minbar (meel kor u dhisan oo qofka khudbaynayaa fuulo) 2. boosteejada tareenka 3. mabda'a ama ajandaha xisbi siyaasadeed wato.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pulpit
/pulpit/ (n) minbar (meel kor u dhisan oo qofka khudbaynaya ama wax wacdiyaya uu fuulo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rostrum
/rostram/ (n) minbar (meel kor u dhisan oo qofka khudbaynayaa istaago).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pulpito
s.m. - minbar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudbad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal wacdi iyo wax sheeg ah oo imaamku minbarka ka akhriyo salaada jumcada ka hor iyo ciidda ka dib. Dh: khudbad.
qudbad -da: (magac, dhedig, keli) hadal dhiirri gelin iyo wax sheeg ah oo madaxdu fagaarayaasha iyo warbaahinta ka jeediyaan munaasabadaha. Dh: khudbad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tribune
tribune, n.f. - minbarka la fuulo oo hadalka laga jeediyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiinbar
-ka: (magac, lab, keli) kaabad sida sanduuq dabaqla' u dhisan oo biyo lagu shubo; dar sabbad ah oo xoolo ku cabbaan. Dh: dar, berked, naadh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Milibar
Miilbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minawar
(fal) kala gur; kala habee. Kala minawar alaabta. Dh: kala maamul.
minawar -ka: (magac, lab, keli) kala hagaajin iyo kala maarayn. Cali wuu ku wanaagsan yahay minawarka waddooyinka. Dh: maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minbeer
m.l Kolay yar oo xarig ama caw ka samaysan oo kuul lagu sharxay oo haweenku ku ritaan waxyaabaha ay isku carfiyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minbeer
-ka: (magac, lab, keli) kolay yar oo xadhig ama caw ka samaysan oo kuul lagu sharraxay oo haweenku ku ritaan waxyaabaha ay isku carfiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minyaro
(Minyara-da)
Naago nin wada qabo, tan guurkeedu ugu danbeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minyaro
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur dambeysay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
minyaro
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur dambeysay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minyaro
f. n. junior wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minyaro
-minyarada; (n) second wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyaro
-da: (magac, dhedig, keli) xaaska labaad ee nin horay reer u lahaa uu guursado. Gashaanti baa tidhi: anoo minweyno noqon kara maxaa minyaro i badi. Li: minweyno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minyaro
cf: minweyn
de: junior wife
lx: minyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: minyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinbayr
(Sinbayr-ta)
Midig ama bidix oo loo boodo ama loo leexdo; dhinac dhinac loo bayro; barbar barbar; gees gees; sintool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinbayr
m.dh la-mid: simbayr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinbayr
f. n., [compound] zigzag movement, moving from side to side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbayr
-ta: (magac, dhedig, keli) midig ama bidix oo loo boodo ama loo leexdo; dhinacdhinac loo baydho. Dh: sintool, geesgees, sinbaydh, sintool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinbayr
de: zigzag movement, moving from side to side Alt sp: simbayr
initial: s
lx: sinbayr
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: sinbayr
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mina
name-f fortunate (Arb)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mina
s.f. - miino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mina
ama Muna: magac loo bixiyo gabadh dhalashadeedu nasiib lahayd ama gumburta Mina loogu magacdaray.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Inyar
un peu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbar
-ay / tay: (v) 1. teach yourself. 2. introduce someone to another in order to establish an acquaintance: introduce (intaradhuus). Ex: wuxuu isbaray Cali iyo Caasha; he introduced Ali to Asha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midar
(fal) «u ~» u baaq adiga oo maro ama gacan u lulaya.*
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midba
num-expr / pro: each one
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midba
de: each one
lx: midba
ps: num-expr / pro
see: midkiiba
key: midba
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minac
(fal) ciyaarta bubka labo dhagax oo mid lagaa dilayo mid hannee. Irmaan ayaad ku jirtaaye labadaada dhagax minac. Dh: hannee, midnac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minan
m.l la-mid: min¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minan
m. n. house, home
minan m. n. large basket used as a measure for dates
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minan
-ka: (n) home (hoom); residence (rez'idansi)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
miner
/maynar/ (n) ninka macdanta goda.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Miner
Dhulbaare
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
miner
miner, v. - Shaqada macdan qodista ah; macdan qodis.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Minor
Yar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
minor
/maynar/ (adj) 1. ahmiyad yar; kan yar (laba wax midka yar) 2. qofka carruurta ah (18 qofkii ka yar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbar
(Canbar-ka)
Wax xabag xabag ah oo madow ama beey leh iyo ur lifaaqoon: jaadadka neberiga mid kamid ah uurkiisa (xiidmihiisa) buu ku samaysmaa oo xeebaha baddaa laga helaa; Waxyaalo ud'udgoon baa laga sameeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canbar
m.l la-mid: cambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canbar
m.l la-mid: cambar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbar
m. n. amber
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CANBAR
(Anbar) N, S? Dorstenia foetida (Forsk.) Schweinf. & Engl. Moraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbar
-ka: (n) amber (aam-ber) ~ cambar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbar
-ka: (magac, lab, keli) roobka ugu horreeya ee curta.
canbar-ka: (magac, lab, keli) eeg cambar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbar
a: cambar
de: amber
lx: canbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: canbar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbar
(Cirbar-ka, Cirbar-ta)
Cirka bartankiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbar
m.l/dh Cirka bartankiisa. la-mid: cirbare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbar
m. n. zenith, center of the sky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbar
-ka: (magac, lab, keli) cirka badhtankiisa, Cirbarka ayay cadceeddu joogtaa. Dh: cirbadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbar
de: zenith, center of the sky
lx: cirbar
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m/f
key: cirbar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbar
(Danbar-ka)
Caanaha hore oo cawlka ah oo adag oo xoolaha dhalay candhadooda laga liso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbar
-ka: (magac, lab, keli) caanaha u horreeya ee neefka dhalay laga liso ee adag.
danbar -ka: (magac, lab, keli) midabfardood baroorka u dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbar
(Ganbar-ka)
Saldhig gaaban oo aan garbo laysku tiirsho lahayn; kursi salka la saaro meel laysku tiirshona aan lahayn (ama wanbar).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganbar
m. n. stool, small bench
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganbar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat stool or bench; stool (istuul) ~ gambar;wanbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganbar
-ka: (magac, lab, keli) kursi salka la saaro oo aan lahayn meel la isku tiirsho. Dh: ganbadh, wanbar, gambar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganbar
a: gambar ~ gembar
de: stool, small bench
lx: ganbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ganbar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
genbar
m. n. stool, small bench
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
genbar
-ka: (n) a low, backless and armless single seat stool or bench ~ gembar, gamber
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
genbar
a: gembar
de: stool, small bench
lx: genbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: genbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibar
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah jiic kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinbac
v. turn around ~ back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinbac
-da: (magac, dhedig, keli) geed qodxeed joog gaaban oo saara caleen iyo dhinbil duunyadu daaqdo. Jinbac jiiitin dheer ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinbac
de: turn around ~ back
lx: jinbac
pd: (jinbacay)
ps: v1=tr
see: jimbac
key: jinbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbad
m.l la-mid: jinbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lanbar
(Lanbar-ka)
In aan tirsanayn; tiro; nambar (ama lambar).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lanbar
m. n. number
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lanbar
-ka: (n) number (nam bar) ~ nambar, tiro lambar. Ex: lanbarka taleefankiisa.. his telephone number
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbar
-ka: (magac, lab, keli) tiro cayiman. Dh: tiro, lambar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lanbar
bw: nambar
de: number
lx: lanbar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: lambar
key: lanbar
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Linear
Toosan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
linear
/liniyar/ (adj) xarriiq ah ama xarriiq samaynaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mambar
m.l la-mid: minbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mambar
m. n. pulpit in a mosque
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mambar
-ka: (n) an elevated platform used in a mosque used for religious service, especially on Fridays ~ mimbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mambar
-ka: (magac, lab, keli) meel uu imaamku fuulo marka uu khudbad akhriyayo gaar ahaan ta ku taal mixraabka agtiisa ee khudbadda Jumcada laga akhriyo. Kolkuu imaamku fuulo mambarka hadalku waa mamnuuc. Dh: mimbar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mambar
bw: Arabic
de: pulpit in a mosque
lx: mambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: mimbar
key: mambar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midaar
(Midaar-ka)
1. Baaqa dadka dhegaha la' lagula hadlo.
2. Dadka dhegaha la' fartooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midaar
midaar¹: m.l Dhaqdhaqaaq baaq ah oo cid wax lagu garansiiyo siiba dadka dhegaha la'.
midaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Dhaadhaqaaq baaq ah cid wax ku garan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midaar
m. n. sign language
midaar v. sign, signal, make gestures, converse in sign language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaar
-ka: (magac, lab, keli) qaabka dadka dhegaha la' lagula hadlo.
midaar-ka: (magac, lab, keli) farta dadka dhegaha la' ay wax ku bartaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miibac
(Miibac-da)
Wax aan fudayd ku jabin oo aad u adag.