milshi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milshi
milshi¹: m.l Wax dhici doona waqti soo socda oo la sii saadaaliyo.
milshi²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Wax waqti soo socda dhici doona saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milshi
-ga: (magac, lab, keli) xero loo hoydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihi
f.g2 (-iyay, -isay) Ku m.: cid wax aan la siinayn ku hunguri gelin. la-mid: mehi, mohi, muhi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mihi
-yey -say: (v) get someone's hopes up; tantalize (tan 'ta-laayz); delude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mihi
(fal) inaad wax siinayso dareensii adoo aanay run kaa hayn. Telefanka ku mihi oo ku walacso. Dh: walci, walacso, mehi, mohi, muhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milki
milki¹: m.l la-mid: mulki¹.
milki²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: mulki².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milqi
f.g2 (-iyay, -isay) Xarig, dun iyo wixi lamida isku murgin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: milxee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milxi
v. salt, season something with salt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milxi
-yey / say: (v) preserve by treating with salt; salt (soolt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milxi
(fal) milix ku dar. Dh: milixee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milxi
a: milxee (milxeeyey) [v2b=tr]
de: salt, season s.t. with salt
lx: milxi
pd: (milxiyey)
ps: v2a=tr
key: milxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miski
(Miski-ga)
Dhacaan aad u udgoon oo deero yaryar oo Aasiya ku nool laga helo: kolay yar oo deeradaas keeda labi uurka ku lee yahay (haragga hoostiisa) buu ku samaysmaa Waa la ganacsadaa oo cadarro badan oo qaali ah, buu sal u yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miski
m.l Cadar aad u udgoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miski
m.l Cadar aad u udgoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miski
m. n., (mass n.): musk, aromatic perfume ~ substance
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Miski
name-f musk; aromatic (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miski
-ga: (n) powerful perfumes made from musk (mask)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Miski
magac loo bixiyo gabadh lagu farxay oo udgoonkeeda lagu metaalay miski.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miski
-ga: (magac, lab, keli) shay dabiici ah oo aad u udgoon oo laga soo saaro uurkujirteeda deero qaaradda Aasiya meelo badan kaga nool waana laga ganacsadaa oo cadarro badan oo qaali ah ayuu farsamayntooda sal u yahay. Dh: udug.
miski -ga: (magac, lab, keli) dareere adag oo udgoon oo cadar ahaan loo marsado. Dh: maskati.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miski
bw: Arabic
de: musk, aromatic perfume ~ substance
lx: miski
pd: (-ga)
ps: n0-m-mass
key: miski
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kildhi
-ga: (magac, lab, keli) weel lagu karsado shaaha ama bunka. Shaaha kildhiga ku jira darmuuska ku shub. Dh: jalamad, jamlad, ibriiq, kirli. Wa: kildhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashi
m.dh Xoolo cid laga soo kaxaystay si loo maalo kaddibna loo celiyo. la-mid: maal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashi
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo cid laga soo kaxaystay si loo maalo kaddibna loo celiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mildho
(fal) daymoo oo isha la hel mar qudh ah. Baldaaqadda ka mildho wiilkii yaraa. Dh: milicso.
mildho -da: (magac, dhedig, keli) aragti kedis ah oon laga bogan. Mildho keliya markhaati laguma galo. Dh: milicsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: milxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirdhi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ilmo dhicin (ri' irmaan). la-mid: mirdhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirdhi
-ga: (magac, lab, keli) ilmo dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muldhi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax diirka sare ka fujin. 2. Cid huga ka wada qaadid. 3. Timo madax ka wada xiirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muldhi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax diirka sare ka fujin. 2. Cid huga ka wada qaadid. 3. Timo madax ka wada xiirid. m.f.dh, muldhin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muldhi
v. strip, peel, deprive something of all its grains ~ berries; lay bare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muldhi
(fal) wax diirka sare ka fuji.
muldhi: (fal) cid huga ka wada qaadid.
muldhi: (fal) timo madax ka wada xiirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muldhi
de: strip, peel, deprive s.t. of all its grains ~ berries; lay bare
lx: muldhi
pd: (muldhiyey)
ps: v2a=tr
syn: murxi
key: muldhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milshiyid
m.f.dh eeg milshi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milshiyin
-ta: (magac, dhedig, keli) sugid qof maqan la sugo si loo soo dhaweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miilasho
m.dh la-mid: miileysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balashi
(Balashi-da)
Sooryo weyn; diyaafad; karan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balashi
m.dh Diyaafad ama martiqaad weyn oo marti sharaf loo sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balashi
m.dh Diyaafad ama martiqaad weyn oo marti sharaf loo sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balashi
n. feast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balashi
-da: (magac, dhedig, keli) sooryo ballaadhan oo weyn. Balashida raggii cunaa, bowdka noo galaye, oo bartii soo xeragashiyo, ubadkii sii laayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balashi
de: feast
lx: balashi
pd: (-da)
ps: n -f
syn: karan, sooryo
key: balashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilasho
(Bilasha-da)
Bilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilasho
m.f.dh eeg bilo. la-mid: bilad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilasho
vl. n. beginning, start; appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhalashada bisha. Bilashada bisha Ramadaan goormay ku beegan tahay? Dh: bilad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilasho
de: beginning, start; appearance of a new moon
lx: bilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calashi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calashi
-ga: (magac, lab, keli) eeg calalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirshin
-ka: (magac, lab, keli) cirka ama xagga sare. Cirshinkuu ka yeedhaa gunburi caawaduu di'iye. Dh: cirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ficishi
-ga: (magac, lab, keli) qof wax kugu sameeyey oo inaad ka goosato kugu xanbaara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filasho
(Filasha-da)
Sugid; dhawrid; rajeyn; malaysasho; quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filasho
m.f.dh eeg filo. la-mid: filad, filitaan (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filasho
vl. n. expectation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filasho
filashada: (n) the act of (an-ikis paktidh) expecting; expectation (ekis pak teey-shin); anticipation (aan tisi peey-shin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Filasho
Aspettanza
Expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg filad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filasho
a: filad
de: expectation
lx: filasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: jarreero
key: filasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filsami
m.dh la-mid: filsamaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filsami
-da: (magac, dhedig, keli) eeg filsamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilasho
(Hilasha-da)
Alaabo, kd., meel taallaysasho; tuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilasho
m.f.dh eeg hilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilasho
vl. n. accumulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo iyo wixii la mid ah, meel ku tuulid. Dh: taallaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilasho
de: accumulation
lx: hilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilasho
(Iilasha-da)
Doc u dheelliyid; liicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilasho
m.f.dh eeg iilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama hagardaamo. Dh: guuldarro. Li: guul.
iilasho-da: (magac, dhedig, keli) waddadii dhabta ahayd, ka baydhid; xaqa weydaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaybsasho ama saami qaadasho. Dh: qayb.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kinship
/kin ship/ (n) ehelnimo; xigaalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid neef irmmaan ku taakulayn in muddo ah si uu u maalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalsii
ditransitive v. lend (an animal for milking) to someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalsii
de: lend (an animal for milking) to s.o.
lx: maalsii
pd: (maalsiiyey)
ps: v2a=ditr
key: maalsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashii
(fal) cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo sii.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malsain
malsain, adj. - Dhib badan oo waxyeelo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marashi
(Marashi-da)
1. Hubka dadku labbisto, guud ahaan; dhar; arratir; marriin.
2. Bir beerta lagu jeexo oo ifida lagu xiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashi
m.dh 1. la-mid: marasho 1. Dharka ninku siiyo naagta uu qabo. 2. (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l./dh) Harqoodka qaybtiisa birta ah ee dhulka gasha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marashi
f. n., [collective] clothes, good ~ new clothes
marashi [feminine] n. ploughshare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marashi
-da: (n) clothes given to a wife by her husband ~ marasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marashi
-da: (magac, dhedig, keli) bir af dheer leh co dhulka lagu qodo oo daabkeedu yahay irfi ama dongore. Marashi beerta lagu qodo soo tun. Dh: marasho.
marashi-da: (magac, dhedig, keli) huga dadku xidho guud ahaan. Dh: arradbeel, hu, dhar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeshii
[adverbial] [expression] instead of, in place of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeshii
(conjunction) the place; in a place in which
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeshii
de: instead of, in place of
lx: meeshii
ps: adv-expr
key: meeshii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan wax kale oo uu ku jiro ka dhex xulid oo ka naqaysi Miidhidda lama oggola ee nin wallawba waxaad soo gaadho la bood. Dh: soocid, xulid, madhid.
miidhid-da: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegad xaqdarro ah. Dh: dulmid, xadgudbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg miidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax maskax ka qiyaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mildhad
-ka: (magac, lab, keli) aragti aan laga bogan oo kol uun ah. Dh: milicsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milicsi
(Milicsi-ga)
Arag yar, dhinac ama ilqooreedda ka arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milicsi
m.l la-mid: milicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milicsi
vl. n. glance, quick ~ brief look
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milicsi
-ga: (n) glimpse (gilimsi)-, glance (galaans); peek (piik)-, incomplete look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milicsi
-ga: (magac, lab, keli) isku dhigid cadceedda la isku dhigo si la isku diiriyo. Milicsi dugsiga u fadhiiso oo is diiri. Dh: diirsi.
milicsi-ga: (magac, lab, keli) eegid oo isha mar la helid. Si milicsi ah ayaan u arkay: Dh: mildhan.
milicsi -ga (magac, lab, keli) isa siin wax la isa silyo con la lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milicsi
de: glance, quick ~ brief look
lx: milicsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: milicsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliili
(fal) dhuub oo wax aad u miliilsan ka dhig: aad u qarayaree. Li: buurnee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililid
m.f.dh eeg milil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mililid
-da: (magac, dhedig, keli) caabuqid oo malaxaysasho. Maykaroobka ayaa nabarrada mililidda u keena. Dh: millilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililig
m.l la-mid: miririg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixin
m.dh la-mid: milxayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
milizia
s.f. - maleessiya, guulwadayaal.