militaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
militaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la milay oo dareere loo beddeley ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilitaan
-ka: (magac, lab, keli) bilis iyo qurxin heersare ah.
bilitaan -ka: (magac, lab, keli) sare u qaaditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filitaan
m.l la-mid: Filid; la-mid: filasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filitaan
Expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filitaan
-ka: (magac, lab, keli) sugitaanka wax la dhawrayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilitaan
-ka: (n) performance (per-foormansi); the acting ~ matalaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miritaan
-ka: (magac, lab, keli) aa'idtaan dhagax la shiido. Dh: shiiditaan.
miritaan -ka: (magac, lab, keli) eegitaan xoolo habeen la eego iyo daajintooda. Xooluhu xalay oo dhan bay miritaan ku jireen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamilitaan
-ka: (magac, lab, keli) dul u yeelad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilitaan
-ka: (magac, lab, keli) biil bixitaan. Dh: bilin, masruufitaan, quudin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilitaan
-ka: (magac, lab, keli) aad u shiiqid oo baabi'id. Dh: ciiritaan.
ciilitaan -ka: (magac, lab, keli) ciil iyo murug ku reebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo bixitaan; fiilniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalitaan
-ka: (magac, lab, keli) naas irmaan caano ka lisitaan. Saca maalitaan baan ula hadhay. Dh: maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax miiqan ka dhigitaan. Dh: miiqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiritaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere wax kale oo uu ku jiro ka nadiifitaan oo ka shubitaan; wax miiran ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel iligga ka keenitaan oo budh ka siin. Miisitaan laguma dhergo ee niyaddaa laga dhergaa. Dh: buuxintaan.
miisitaan -ka: (magac, lab, keli) weel wax lagu. miiso ku cabiritaan. Miisitaanka beriiska ku celi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax bishilan ka dhigid; shilniin.
shilitaan -ta: (magac, dhedig, keli) is hortaagitaan; dib u ridid; shilliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltan
miltan¹: m.l la-mid: mitamid.
miltan²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: mitan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidaan
miidaan¹: m.l (-nno, m.dh) Goob dadku isugu yimaado oo lagu qabto waxyaalo kala duwan.
miidaan²: m.dh Xasil. la-mid: miidaamo (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miidaan
m.l (-nno, m.dh) Goob dadku isugu yimaado oo lagu qabto waxyaalo kala duwan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miidaan
f. n., [abstract] calm; caution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaan
-ka: (magac, lab, keli) garoon ballaadhan oo shirar ama ciyaaro loo diyaariyo. Ama waa la muuqdaa ama miidaanka lama tego. Dh: fagaare, goob, gego.
miidaan -ka: (magac, lab, keli) ujeeddo; hadaf. Dh: ujeeddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miidaan
de: calm; caution
lx: miidaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: miidaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisaan
(Miisaan-ka)
1. Qalab wax lagu cabbiro oo qaabab badan leh.
2. Culays; culaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaan
miisaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Qalab wax lagu cabbiro. 2. Culeys; culaab.
miisaan²: f.g1 (-aamay/-aanay, -antay; -aami) Miisaan wax ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miisaan
miisaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Qalab wax lagu cabbiro. 2. Culeys; culaab.
miisaan²: f.g1 (-aamay/-aanay, -antay; - aami) Miisaan wax ku cabbirid. m.f.dh, miisaamid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Miisaan
Balance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miisaan
m. n. scales; weight; balance
miisaan v. weigh; measure (by a given standard)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miisaan
-ka: (n) scale (iskeeyl); balance (baal 'ansi) ~ cabbir-ka
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Miisaan
Bilancia; peso
Weighing machine; weight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisaan
(fal) culayka si ad u garato miisaan saar oo culaykiisa eeg. Dh: qiyaas.
miisaan-ka: (magac, lab, keli) culayska uu shay leeyahay. Joonyadda miisaankeedu waa 50 kiloo. Dh: culays, culaab.
miisaan -ka: (magac, lab, keli) wax wax lagu qiyaaso oo culayska walxaha lagu garto.
miisaan-ka: (magac, lab, keli) bir culus oo xagga sare miiq dheer oo la qabto ku leh oo toonaanta iyo sigibtirka dhismaha gidaarrada loo isticmaalo oo ka mid ah qalabka wastaadyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milnaan
m.f.dh eeg milan4. la-mid: milnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax milan ahaan. Milnaanta barafku macna male.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulitaan
-ka: (magac, lab, keli) darbidda iyo isku dubbariditaanka. Dh: abaabulitaan.
ulitaan-ka: (magac, lab, keli) qüiq ku shiditaan iyo bukhuurin. Dh: ulniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bi'itaan
-ka: (magac, lab, keli) ka tiritaan meeshuu ku yallay. Baabi'itaanka sadarkan biyaa taabtay. Dh: baabi'itaan, tirtiritaan.
bi'itaan -ka: (magac, lab, keli) dhaqan ahaan ama tayo ahaan baabi'id. Bi'itaanka beerta roob la'aan baa keentay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biditaan
-ka: (magac, lab, keli) dareensi malayn ah. Shaki iyo biditaan baad haysaa.
biditaan -ka: (magac, lab, keli) noole ama wax baad leh duulitaankii. Biditaanka diyaaradda ayuu sugayaa. Dh: haaditaan, lalitaan.
biditaan-ka: (magac, lab, keli) gu'itaan timaha. Biditaanka timaha ka ilaali. Dh: rifmitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biritaan
-ka: (magac, lab, keli) huritaanka dab yar. Dh: daaritaan, shiditaan, bidhitaan. Li: demitaan.
biritaan -ka: (magac, lab, keli) eeg bidhitaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bixitaan
Emittance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bixitaan
vl. n. departure, leaving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bixitaan
-ka: (n) departure (dibaar-jar) 2. issuance (i-shuu-wansi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bixitaan
de: departure, leaving
lx: bixitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: bixitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulitaan
-ka: (magac, lab, keli) bul u yeelitaan. Bulitaanka cidaadda badi. Dh: bulniin.
bulitaan-ka: (magac, lab, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyitaan
-ka: (magac, lab, keli) samaynta ci'da lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel, cugid oo hogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
di'itaan
m.l la-mid: di'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
di'itaan
-ka: (magac, lab, keli) roob soo daadasho oo di'id. Di'itaanka roobka aad baa loogu baahnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiditaan
m.l la-mid: fidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firitaan
-ka: (magac, lab, keli) timo iyo wax la mid ah, saqaf ama wax kale ku kala saarid. Dh: firniin, fidhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulitaan
-ka: (magac, lab, keli) meelmaritaan iyo rumoobitaanka arrin lagu jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel gudaha u gaadhid.
galitaan ka: (magac, lab, keli) dugsi ama meel wax lag abarto, ku biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelitaan
m.l 1. Irid laga galo meel. 2. la-mid: gelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelitaan
-ka: (n) entry (in tari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg gelid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Helitaan
Abundance
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helitaan
vl. n. discovery; finding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helitaan
-ka: (n) the act of finding, discovering, obtaining or receiving; discovery (dis kaveri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg helid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helitaan
de: discovery; finding
lx: helitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: helitaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
helitaan
اكتشاف
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg jalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiritaan
(Jiritaan-ka)
Wax jira ama jooga ama abuuran ama run ah oo sugan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiritaan
vl. n. existence, creation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiritaan
-ka: (n) existence (ig-ziis-tansi); being (biiying) actuality (akjuwaalati), entity (entati) ~ jimiin -ka
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jiritaan
Esistenza
Existence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiritaan
-ka: (magac, lab, keli) abuurka iyo joogista dunida dusheeda. Dh: abuuran Li: jiritaanla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiritaan
de: existence, creation
lx: jiritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: jiritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kicitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalitaan
-ka: (magac, lab, keli) hawada dhexdeeda marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax caaro leh, meel ka taagitaan ama ka ligkayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisitaan
-ka: (magac, lab, keli) lisidda. Dh: lisniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulitaan
-ka: (magac, lab, keli) ruxitaan iyo dhaqdhaqaajin kolba dhinac ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax mamay oo welfay ahaan. Mamitaanku iimaan xumuu keenaa. Dh: walfitaan, mamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madhitaan.
maritaan-ka: (magac, lab, keli) socod cagta sii marin oo dhaafid. Aqalkaagu waa marrinkayga oo maritaankiisu wuu ii fudud yahay.
maritaan -ka: (magac, lab, keli) dusha haylaaq dheer kaga duubid oo ku warwareejin. Maritaanka dhigta gabadh qudhaa ku filan. Dh: duubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mildhaan
-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal aan kala caddayn oo meel dheer ka muuqata. Dh: bildhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si aan habaysnayn isugu dhex jira ahaansho (xarig).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
militant
/milatant/ (adj) dagaal u heegan ah (dagaal u diyaar ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
militant
militant, n.m. - Dagaal u heegan ah; Dagaal u diyaar ah,
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
militare
s.m. - askari.
v.intr. - si laxaad leh uga qayb gelid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
military
/milateri/ (n) ciidan (milatari).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
militate
/milateyt/militate against; (v) hor istaagid (wax dhici lahaa hor istaagid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixayn
m.dh la-mid: milxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milixayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cusbo ku darid ama dush ka marin. Dh: cusbayn, milixays.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Milixsan
Saline
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muditaan
-ka: (magac, lab, keli) irbad ku duritaan. Dh: duritaan, turqitaan, mudniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muritaan
-ka: (magac, lab, keli) gamuuritaan oo si siman u gamuumid. Dh: mamuumitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiritaan
-ka: (magac, lab, keli) qirid oo jiritaanka dhacdo horay loo hayay ka run sheegid. Dembi maqal iyo muuqaal lagu hayaa qiritaan kale uma baahna. Dh: qirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riditaan
-ka: (magac, lab, keli) rididda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rifitaan
-ka: (magac, lab, keli) guritaan oo baalal ama dun midmid u siibitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef rimman ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siditaan
-ka: (magac, lab, keli) sare u hayn, u qaadid, u xanbaarid: sidniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigitaan
-ka: (magac, lab, keli) ku dhowaad in aad meel ama qof wax ku dhufato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
simitaan
vl. n. act of leveling ~ equalizing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
simitaan
-ka: (n) the act of aligning, smoothing or levelling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
simitaan
de: act of leveling ~ equalizing
initial: s
lx: simitaan
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: simitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solitaan
-ka: (magac, lab, keli) cad iyo wax la mid ah, dab ku dubitaan oo ku bislayn.