milice
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
milice
milice, n.f. - guulwade; maleeshiyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milic
(Milic-da)
Kulaylka qorraxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milic
m.dh 1. Qorrax. 2. Kulka fallaaraha qorraxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milic
f. n. heat of the sun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milic
-da: (n) sun heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milic
-da: (magac, dhedig, keli) kuleylka qoraxdu sameyso. Milicda hadh ka joogso. Dh: kulayl, cadceed. Li: hadh, qabaw.
milic-da: (magac,dhedig, keli) cadceedda kulaylka bixisa. Kulaylaka milicda ka baxso. Dh: qorrax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milic
de: heat of the sun
lx: milic
pd: (-da)
ps: n0-f
syn: suudi
key: milic
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
malice
/maalas/ malicious;(n) xaasidnimo; xiqdi (niyadda ka nebcaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
malice
n., xisdi, -gi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
milite
s.m. - daljire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milicsi
(Milicsi-ga)
Arag yar, dhinac ama ilqooreedda ka arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milicsi
m.l la-mid: milicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milicsi
vl. n. glance, quick ~ brief look
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milicsi
-ga: (n) glimpse (gilimsi)-, glance (galaans); peek (piik)-, incomplete look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milicsi
-ga: (magac, lab, keli) isku dhigid cadceedda la isku dhigo si la isku diiriyo. Milicsi dugsiga u fadhiiso oo is diiri. Dh: diirsi.
milicsi-ga: (magac, lab, keli) eegid oo isha mar la helid. Si milicsi ah ayaan u arkay: Dh: mildhan.
milicsi -ga (magac, lab, keli) isa siin wax la isa silyo con la lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milicsi
de: glance, quick ~ brief look
lx: milicsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: milicsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milicso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax degdeg u eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milicso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax deg-deg u eegid. m.f.dh, milicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milicso
v. glance ~ take a look at something (with desire ~ affection); reflect, think upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milicso
-milicsaday / milicsatay: (v) get a glimpse or glance at
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milicso
(fal) isha qac ku sii oo ha ka bogan. Milicso sawirka oo dhaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milicso
de: glance ~ take a look at s.t. (with desire ~ affection); reflect, think upon
lx: milicso
pd: (milicsaday)
ps: v3a=tr
key: milicso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
milióne
s.m. - malyuun.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
militer
militer, v. - Halgamid siyaasi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milixee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: milxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milixee
(fal) cusmo ku dar ama dusha ka mari. Weligaa cuntada si fiican u milixee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmile
-ha: (magac, lab, keli) yacarun iyo dheecaan biyo ah oo nabarradu yeeshaan kolka ay xumaadaan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lice
(n) any of numerous small, flatbodied, wingless, biting or sucking insects, usually found in hair.
injir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lice
/lays/ (n) eeg louse
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mice
/mays/ (n)jiirar; doolliyo (mouse oo jamac ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miic
(fal) wax niyadda ka doon oo inaad hesho aad u jeclaw. Inaad xajka tegto aad u miic. Dh: jamo, mililic.
miic-a: (magac, lab, keli) qori cas aad u adag oo ay guduntu ku dhibaatooto goyntiisa. Loox mic ah oo musbaarku mari waayay ayaad ii keentay Dh: oog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mile
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiimika) Hoor awood u leh milidda walxaha kale (adke, hoor, ama neef) si milan u samaysmo. Milihu guud ahaan waa xubinta ugu badan milanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mile
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiim.) Hoor awood u leh milidda walxaha kale (adke, hoor, ama neef) si milan u samaysmo. Milihu guud ahaan waa xubinta ugu badan milanka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mile
Mayl
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mile
m. n., (mass n.): solvent {chemistry}
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mile
/mayl/ (n) halbeegga dhererka lugu cabbiro (1 mile = 1609 meters).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mile
Mayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mile
-ha: (magac, lab, keli) wax shay adka ah biyo u beddela oo dareere ka dhiga; hoorka ay wax ku dhex milmi karaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mile
de: solvent {chemistry}
lx: mile
pd: (/ha)
ps: n7-m-mass
key: mile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilic
(Bilic-da)
Muuqaal indhuhu u bogaan oo jeclaystaan; qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilic
m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilic
m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilic
f. n., [abstract] prettiness, beauty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilic
-da: (n) beauty (biyuuti); grace (gareeys); ~ qurux, bilicsami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilic
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal qurux badan oo isha soo jiita.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilic
de: prettiness, beauty
lx: bilic
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: bilic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilic
f.mg1 (-cay, -cday; -lci) 1. Wax aan adkayn noqosho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhimay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilic
f.mg1 (-cay, -cday; -lci) 1. Wax aan adkayn noqosho. 2. Nafley wax awooddiisa iyo xooggiisu isdhimay noqosho. m.f.dh, jilcid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilic
inch. v. become soft, get weak ~ easy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilic
-ay / day: (v) become weak or soft
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilic
de: become soft, get weak ~ easy
lx: jilic
pd: (jilcay)
ps: v1=inch
key: jilic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miici
-da: (magac, dhedig, keli) dhirta qaar geed lab ah oo marka ay qallalaan aad u adkaada oo aan godintu dhakhso u jarin. Dh: oog, adag, biixi. Li: xolxolle, xorshosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miige
(Miiga-ha)
Bir af dhuuban oo kolka beerta abuurka lagu gurayo, dhulka lagu mudmudo oo godad yaryar loogu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miige
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Qori ama bir af dhuuban oo dhulbeereedka lagu mudmudo si abuurka loogu rido. 2. Kar bir ah oo khudraddo iyo wixi lamida lagu shiido. la-mid: miigo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miige
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Qori ama bir af dhuuban oo dhulbeereedka lagu mudmudo si abuurka loogu rido. 2. Kar bir ah oo khudraddo iyo wixi lamida lagu shiido. la-mid: miigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miige
m. n. dibble stick (implement for drilling holes for sowing seeds); tool for softening leather; peg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miige
-ha: (magac, lab, keli) sabarad af dhuuban oo kolka beerta abuurka lagu gurayo dhulka lagu mudmudo oo godad yaryar loogu sameeyo. Dh: taki.
miige -ha: (magac, lab, keli) ul dheer oo bir ah oo lagu tumo waxa mooyaha ku jira, Dh: tib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miige
de: dibble stick (implement for drilling holes for sowing seeds); tool for softening leather; peg
lx: miige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: miige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miile
(Miila-ha)
Kal; moogtan; jil; meerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miile
m.l Toogeysiga wax lagu kaltamo. la-mid: miilo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miile
m.l Toogeysiga wax lagu kaltamo. la-mid: miilo. miin m.dh Duuduubka haragga dadku yeesho, da' awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miile
m. n. turn, time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miile
-miilaha: (n) tour, rotating shift or period of duty or participation; shift (shift); turn (teen); schedule (iskaj wel); timetable (taaym teeybal) ~ moogaysi, kaltan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miile
-ha: (magac, lab, keli) qaybatmidda wax la wada leeyahay; tare: doorad; kaayo. Nin walliba milihiisa ha eegto. Dh: kayo, meerto, jil.
miile-ha: (magac, lab, keli) toogeysiga wax lagu kaltamo. Dh: miilo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miile
cf: kal, meerto
de: turn, time
lx: miile
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: miile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qalab hooraha lagu kala sifeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miire
m. n. filter, drainer, strainer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miire
-miiraha: (n) filter (fil'tar); strainer (istareeyn er); colander (kol'an-dher); sieve (seev)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miire
-ha: (magac, lab, keli) qalab caag ama bir ka samaysan oo dareeraha lagu miiro oo qushka lagaga reebo. Dh: miirto, shaandho.
miire-ha: (magac, lab, keli) nooc jaadka ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miire
de: filter, drainer, strainer
lx: miire
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: shaandho
key: miire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milid
m.f.dh eeg mil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milid
-da: (magac, dhedig, keli) wax milmay ka dhigid; adke hoore u beddelid. Dh: milis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milif
m.l/dh Raar ama maro duug ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milil
(Milil-ka)
Carun; malax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milil
milil¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Dhecaan malax iyo dhiig isugu jira oo ay nabarrada hurgumaa yeeshaan. 2. Dhecaan ka yimaada nafley dhimatay marka ay muddo meel taal.
milil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) 1. Nabar hurgumay dhecaan iyo malax yeelasho. 2. Nafley dhimatay dhecaan ka dareerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milil
f.mg1 (-ilay, -ishay) 1. Nabar hurgumay dhecaan iyo malax yeelasho. 2. Nafley dhimatay dhecaan ka dareerid. m.f.dh, mililid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milil
m. n., (mass n.): pus; venom; serum
milil v. lose pus (of a wound); lose serum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milil
(fal) caabuq yeelo oo malaxayso. Nabaryahaw milil anaa ku dawayne.
milil-ka: (magac, lab, keli) xanuun dheecaan biya ah keena oo nabarradu yeeshaan kolka ay xumaadaan. Dh: millile.
milil -ka: (magac, lab, keli) nabar jidhka dushiisa ah oon dillaacin; nabar hoosta ka buka. Dh: nabar.
milil-ka: (magac, lab, keli) dhuubni aad ah. Cunto la'aanta ayaa milil ka dhigtay. Dh: miliil.
milil-ka: (magac, lab, keli) yacarun iyo caabuq ay nabarradu yeeshaan. Dh: millile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliq
miliq¹: m.dh Balagga digirtu marka uu curdunka yahay.
miliq²: f.mg1 (-lqay, -liqtay) Xarig si aan habaysnayn isku dhex gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliq
-da: (magac, dhedig, keli) bildhaan hal daymo ah lagu arkay oon aad loo dhugan. Miliqda waan arkayee waxa uu sido uma fiirsan.
miliq -da: (magac, dhedig, keli) curdinka midhaha digirta. Digirtii miliq bay soo saartey. Dh: yurub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milis
-ta: (magac, dhedig, keli) adke dareere u bedilid oo biyo ku dhex milid. Dh: milid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milix
m.l Cusbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milix
m.l Cusbo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Milix
Salt
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milix
m. n.-mass: salt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milix
-ka: (n) salt (soolt)-, common salt, table salt ~ cusbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milix
-da: (magac, dhedig, keli) cusbo dhanaan oo biyaha badda laga sifeeyo cuntadana lagu darsado. Hadal aan run lahayn waa cunto aan milix lahayn. Dh: cusbo, sooguddo, cadcad.
milix-da: (magac, dhedig, keli) xanuun dadka ku dhaca gaar ahaan dumarka uurka leh oo barbarariya oo milixda ay cunaan ku siyaada. Gabadhu milix hadday leedahay dhakhtarka ha loo sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milix
bw: Arabic
de: salt
lx: milix
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m/f-mass
syn: cusbo
key: milix
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mille
agg. - kun.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mille
mille, adj. num. - Mayl; qiyaas lagu cabbiro masaafada iyo fogaanta; Kun: 1000
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milme
(Milma-ha)
La dulmiyey, ciilcunay, madluun ah (milme iyo mabe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Adke marka uu hoore saameyo milma. 2. M. ah: qof la dulmiyey oo ciil ka batay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Adke marka uu hoore saameyo milma. 2. M. ah: qof la dulmiyey oo ciil ka batay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milme
m. n. solvent, something soluble; victim, sucker
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milme
-milmaha: (n) [Chemistry]: solvent (sool'vant)-, Ex: maaddo wax lagu qasi karo. a substance in which another substance is dissolved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milme
-ha: (magac, lab, keli) cid ciil qabta oo la dulmiyey. Milme haad kugu helay middi kaalama baydho. Dh: dulmane.
milme-ha: (magac, lab, keli) adke hoor ama dareere loo beddeli karo; adkaha ku dhex baabi'i kara hoor. Sonkorta iyo milixdu waa milme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milme
de: solvent, s.t. soluble; [fig.] victim, sucker
lx: milme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: milme
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mimic
/mimik/ (n) qofka dadka canjila (qofka ku fiican dhaajinta iyo matalaadda dadka).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mince
/mins/ (v) 1. jar-jarid (siiba googooynta hilibka) 2. luudid (aayar u socod).