milays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milays
-ka: (magac, lab, keli) eeg milayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilays
(Ilays-ka)
Waxa aan la'aantiis wax la arki karin; if; iftiin; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ilays
Light
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilays
m. n., [collective] faint ~ dim light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilays
-ka: (n) light (laayt) ~ iftiin, if
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilays
-ka: (magac, lab, keli) iftiin; nuur. Iilku waa aqal aan ilays lahayn. Dh: nal, tiriig, laydh, kaah.
ilays -ka: (magac, lab, keli) hirar birlabdanab oo hirbaacyo u gooniya leh, ishuna arki karto oo ka kooban midabada oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilays
cf: if, nuur
de: faint ~ dim light
lx: ilays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: ilays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milay
(Milay-ga)
Xilli; waqti; goor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milay
m. n. time, occasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milay
-ga: (magac, lab, keli) xilli, ammin; waqti. Dh: xilli, goor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milay
de: time, occasion
lx: milay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: milay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilays
(Jilays-ka)
Jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilays
m.l la-mid: jilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malays
-ka: (magac, lab, keli) eeg malayn. malaysad' -ka: (magac, lab, keli) sida ay wax noqonayaan ka arrinsasho oo talada ku habboon meel dhigasho. Dh: malaysi, arrinsi, malaysasho, tashi. Li: hubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micays
m.l la-mid: macaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midays
-ka: (magac, lab, keli) eeg midayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaybin oo u kala soocid. Milayntaada ayaan sugaynnaa. Dh: milays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milixays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg milixayn. milixaysan: (tilmaame) milix lagu daray ah; milix leh. Dh: cusbaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlays
m.l la-mid: biqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlays
-ka: (magac, lab, keli) biqlo samayn oo boodboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislays
m.l la-mid: bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislays
-ka: (magac, lab, keli) wax bislayn. Bislays dheriga oo ku dhow buu dabku ka bakhtiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filaysi
(Filaysi-ga)
Filaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg filaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: facayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filayso
v. consider someone as equal ~ a member of one's peer-group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filayso
(fal) fil iskala dhig; cid kale isla sin oo facayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filayso
de: consider s.o. as equal ~ a member of one's peer-group
lx: filayso
pd: (filaystay)
ps: v3b=
key: filayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlays
m.l la-mid: hiqhiqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysi
m.l la-mid: jilaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaysi
-ga: (magac, lab, keli) gargaar iyo gacan, cid kale ka helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayso
f.g3 (-stay, -satay) Wadaan biyo ka buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysi
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax filasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax filasho. m.f.dh, malaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malayso
v. expect to get ~ receive something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malayso
-malaystay/malaysatay: (v) anticipate (aan tisi peeyt); expect (ikis pakt); look forward ~ filo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malayso
(fal) tasho oo noloshaada si u maarayso. Haddaad talada aabbahaa diidday adu malayso. Dh: arrinso.
malayso: (fal) wax soo socda filo oo si maanka ugu hay. Kol walaba wanaag malayso. Dh: filo, niyoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malayso
de: expect to get ~ receive s.t.
lx: malayso
pd: (malaystay)
ps: v3b=tr
key: malayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg meelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micnays
m.l la-mid: macnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micnays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg micnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaysi
-ga: (magac, lab, keli) mid ka dhigasho. Midaysiga iska daa oo labayso. Dh: midaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midayso
(fal) mid ka dhigo. Ha labaysane adu midayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg miinayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milayma
(kaabe) goorma; xilligee; milaygee. Aabbo milayma ayuu yimid. Dh: xillima.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milgayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ulajeeddo iyo murti wanaagsan hadalka u yeelid. Dh: muunayn, murtiyeyn.
milgayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid xurmo iyo muunadayn ku soo dhawayn. Milgaynta martidu waa deeqsinimo. Dh: xurmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milxayn
m.f.dh eeg milxee. la-mid: milixayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraysi
-ga: (magac, lab, keli) muro la cuno bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirayso
f.mg3 (-stay, -satay) Miro gurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirayso
v. bear fruit, give fruit; collect fruits ~ seeds (live on fruits)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirayso
(fal) mudho la cuno bixi; qadhaaab yeelo. Geedyahaw weynaataye mirayso. Dh: mirayso.
mirayso: (fal) midho qadhaab ah soo guro. Orodoo buurta ka soo mirayso. Dh: gadhaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirayso
cf: miro
de: bear fruit, give fruit; collect fruit ~ seeds; [ext.] live on fruits
lx: mirayso
pd: (miraystay)
ps: v3b=intr
key: mirayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg moolayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilays
-ka: (magac, lab, keli) marka neefku gaaddabalaxoobo ee uu ciyilo. Dh: ciyil, naaxid. Li: caato, wayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiflayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilgays
-ka: (magac, lab, keli) eeg wilgayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilay
(fal) cid kale, isha ku mud; cid kale, ku legad isha. Dh: cawri, dhabo, ilee.
ilay: (fal) iftiin u yeel; mugdiga ka saar. Dh: ifi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lays
pron., pro: someone ... him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lays
-ka: (magac, lab, keli) eeg layn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lays
de: someone ... him = la + is
lx: lays
ps: pro + pro
key: lays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilay
(Hilay-ga)
1. Raro ama gogol duug ah (abjed, cajil, hilif, milif, kd.) mid kamid ah.
2. Minka timirta ah, galkiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilay
m.l 1. Xarig weel lagu hilo. 2. (-yo, m.dh) Derin yar oo duug ah. 3. (-yo, m.dh) Callaal caw ka samaysan oo timirta lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilay
m. n. old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilay
-ga: (magac, lab, keli) raro ama gogol duug ah mid ka mid ah. Awrka waxa lagu rareereyey hilay duug ah. Dh: raro, abjed, cajil, hilif, milif.
hilay-ga: (magac, lab, keli) minka timirta ah, galkiisa.
hilay-ga: (magac, keli) xadhkaha wax lagu xidho oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilay
de: old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
lx: hilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: hilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilayn
m.f.dh eeg ilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cawryid; eegmo cid lagu dhabateeyo. Dh: dhabasho.
ilayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel madow oo aan nal lahayn, iftiimin. Dh: nalayn, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilay
(Jilay-ga)
Dheri jabki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilay
m. n. plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilay
(fal) wax buuxiyey oo afka mariyey ka yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilay
de: plug, stopper
lx: jilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: jilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malas
m.dh Raashin yar oo neefka la maalayo loo dhigo si uu u godlado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malas
f. n., [collective] small amount of food given to an animal to soothe it
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malas
de: small amount of food given to an animal to soothe it
lx: malas
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: malas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malay
(fal) malo ama talo lagu meel maro keen. Adaa aabbo naga ahe noo malay waxan yeelaynno. Dh: tali, malee.
malay: (fal) qiyaas oo mala'awaal samee. Bal malay imisa cishaan Muqdisho lug ku gaadhi. Dh: qiyaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
melay
m.l la-mid: milay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miday
(fal) wax kala firidhsan isu keen oo mid ka dhig. Dalka midee. Li: firdhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mikay
(fal) wax qaybi oo kala sooc. Xabxabka inno mikay. Dh: qaybi, soor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milan
milan¹: m.l la-mid: milmid.
milan²: m.l (-nno, m.dh) (kiimika) Hoor ka unkamay laba ama dhawr nooc ama walxood kuwaas oo isugu dhex baahay si heer molikuyuuleed ah. Haddaba, milanku waa isku kaan buuxa. Xubinta hadba badan ee milan waxa la yiraa mile, badanaaba waa hoor saafi ah xubinta yarna waxa la yiraa milme (neef, hoor ama adke).
milan³: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Milme wax hoore ku qasmay noqosho. 2. Dhar wax liinbaxay noqosho.
milan⁴: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Milme wax hoore ku qasmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milan
milan¹: m.l (-nno, m.dh) (kiim.) Hoor ka unkamay laba ama dhawr nooc ama walxood kuwaas oo isugu dhex baahay si heer molikuyuuleed ah. Haddaba, milanku waa isku kaan buuxa. Xubinta hadba badan ee milan waxa la yiraa mile, badanaaba waa hoor saafi ah xubinta yarna waxa la yiraa milme (neef, hoor ama adke).
milan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Milme wax hoore ku qasmay noqosho. 2. Dhar wax liinbaxay noqosho. m.f.dh, milmid.
milan³: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Milme wax hoore ku qasmay ahaansho. m.f.dh, milnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milan
inch. v. dissolve, be dissolved, liquify; be victimized, get exploited ~ swindled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milan
(tilmaame) qasan oo wax la milay ah; adke, biyo ku dhex baaba'ay ah. Dh: walaaqan.
milan -ka: (magac, lab, keli) isbeddel ku dhaca, shey adke ah kolka uu shay kale la falgalo oo uu dareere isku beddelo.
milan -ka: (magac, lab, keli) ciil iyo cadho ka dhasha dulmi iyo xadgudub. Kacdoonku wuxu dhashaa milan isku tegtegey: Dh: cadho, ciil.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
milan
milan, n.m. - Nooc kamid ah haadda waaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milan
de: dissolve, be dissolved, liquify; [fig.] be victimized, get exploited ~ swindled
lx: milan
pd: (milmay)
ps: v1=inch
key: milan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milis
-ta: (magac, dhedig, keli) adke dareere u bedilid oo biyo ku dhex milid. Dh: milid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
milky
/milki/ (adj) 1. caano leh 2. caana-caana ah, (caano u eg).