mijilicid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijilicid
m.f.dh eeg mijilic².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miliilicid
(Miliilicid-da)
Eegid debecsan oo jacayl ku jiro, wax ku eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliilicid
m.f.dh eeg miliilic². la-mid: miliilic¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliilicid
-da: (magac, dhedig, keli) eegid oo si naxariisi ku jirto u sii jalleecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijilic
mijilic¹: m.l.kh M. ah: neef korriimadu ka xumaatay.
mijilic²: f.mg1 (-cay, -cday) Neef korriimadu ka xumaatay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscililid
m.f.dh eeg miscilil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilcid
(Jilcid-da)
Wax jilicsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilcid
m.f.dh eeg jilic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilcid
-da: (magac, dhedig, keli) nuglaanta gasha walax, shay ama qof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miicid
-da: (magac, dhedig, keli) qalbiga wax ka doonid. Dh: jamasho, miliilicid, miicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijilis
m.l (-syo, m.dh) 1. la-mid: majlis. 2. Loox laba lugood oo yaryar leh oo lagu fadhiisto gember.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mijilis
-ka: (magac, lab, keli) meel la fadhiisto oo si joogta ah la iskugu yimaad oo ah inta badan goob lagu qayilo.
mijilis -ka: (magac, lab, keli) kursi gaaban oo lagu fadhiisto oon meel lagu tiirsado loo samayn. Mijilis aan ku weysaysto ii keen. Dh: kambadh, barjin, gambadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililid
m.f.dh eeg milil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mililid
-da: (magac, dhedig, keli) caabuqid oo malaxaysasho. Maykaroobka ayaa nabarrada mililidda u keena. Dh: millilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirid
m.f.dh eeg majiir³. la-mid: majiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toos u socda ama taagan dhanka kale u leexin. Shookaanta gaadhigu majiiridda degdegga ah way ku jabtaa. Dh: melmelid, leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinid
(Miciinid-da)
Cid miciin u gelid; teegaarid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinid
m.f.dh eeg miciin². la-mid: maciin¹, maciinid, miciin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid: gargaarid, Nin itaal yarbaa miiciinid xaq u leh. Dh: maciinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midiidid
m.f.dh eeg midiid². la-mid: madiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibid
m.f.dh eeg mahiib². la-mid: mahiib¹, mahiibid, mihiib¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhuubasho oo wax aad u miliilsan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millilid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan iyo yacarun xanuun la socdo yeelasho oo aad u bokoon. Nabarrada millilida waa laga ilaaliyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirkicid
(Mirkicid-da)
Mir dhexe oo la hurdo, kicid, toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirkicid
m.f.dh eeg mirkac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirkicid
-da: (magac, dhedig, keli) saq dhexe cunto u kicid. Mirkicidda lama barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyikicid
(Hiyikicid-da)
Hiyiga ka kicid; kalkaggeeddi gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyikicid
m.f.dh eeg hiyikac². la-mid: hawakicid, niyadkicid, niyakicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micilisad
m.l la-mid: miciyalisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimiimicid
(Jimiimicid-da)
Wax loo jeel qabo rabitinkeed ama samaynteed muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimiimicid
m.f.dh eeg jimiimic².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimirricid
m.f.dh eeg jimirric².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicliicid
m.f.dh eeg liicliic². la-mid: liicliic¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicliicid
-da: (magac, dhedig, keli) doc u dheeldheeliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midiidimid
(Midiidimid-da)
Adeegid; ciidamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midiidimid
m.f.dh eeg midiidin². la-mid: madiidimid, madiidimis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midiidimid
-da: (magac, dhedig, keli) adeegid oo shaqo aan mushqaayad lahayn qabasho; bilaash cid ugu khidmayn.
midiidimid-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u adeegid. Wiilka ciidanka ahi waa wiil midiidimid wanaagsan. Dh: ciidamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihindisid
m.f.dh eeg mihindis². la-mid: mindihis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mihindisid
-da: (magac, dhedig, keli) fikirid oo wax Soosaar cusub falankeeda raadin. Dh: hindisid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miliilic_1
de: compassionate ~ interested look
hm: 1
lx: miliilic
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: miliilic_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miliilic_2
de: look at with compassion, desire ~ interest
hm: 2
lx: miliilic
pd: (miliilicay)
ps: v1=
key: miliilic_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
millilitir
m.l (-rro, m.dh) Hal liitir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
millilitir
m. n. milliliter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millilitir
-ka: (magac, lab, keli) hal litir oo kun meelood loo qaybshay meel ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
millilitir
de: milliliter {Eng}
lx: millilitir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: millilitir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscililin
m.f.dh eeg miscilili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirtirid
m.f.dh eeg miyirtir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirtirid
-da: (magac, dhedig, keli) maandoori; miyirdoorin. Sakhraanku miyirtiridda naftiisa isaga ayaa ugu wacan. Dh: waalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicid
-da: (magac, dhedig, keli) gardarraysi iyo dandaansi. Biicidda waa lagu dhintaa. Dh: biicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilid
m.f.dh eeg diil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiilid
-da: (magac, dhedig, keli) geed soo bixid; soo bilqid. Dh: fiilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilid
(Hiilid-da)
Hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilid
m.f.dh la-mid: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidid
(Jiidid-da)
Wax jiitama haya xoog ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidid
m.f.dh eeg jiid. la-mid: jiidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidid
-da: (magac, dhadig, kali) wax aan la qaadin oo dhulka la jiido. Dh: qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiifid
(Jiifid-da)
1. Dhacadiid ama dhabbac ama dhinac u oollaansho.
2. Hurdid; seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifid
m.f.dh eeg jiif². la-mid: jiif¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilid
m.f.dh eeg jiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la xidhayay aad u adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirid
(Jiirid-da)
Wax badan oo cumur ah, xoog ku dhexmarid, jibaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirid
m.f.dh eeg jiir².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
jiirid
charging
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiirid
vl. n. pushing, bumping, jolting; clashing; running over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama wax meel yaallay, xoog ugu dhicid oo dhaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiirid
de: pushing, bumping, jolting; clashing; running over
lx: jiirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: jiirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilcin
(Jilcin-ta)
Wax jilicsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilcin
m.f.dh eeg jilci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilcin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax adkaa ama nuujisnaa jilcintii. Dh: debcin, nuglayn. Li: adkayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilcis
-ka: (magac, lab, keli) walax ama shay adag jilcin. Dh: nuglays, debcis. Li: adkays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriid
(Jiriid-ka)
Daamanka dabadooda mid kamid ah; jaqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriid
m. n. bone of the back of the jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la ridqay intiisa xabuubka ah. Dh: budo.
jiriid -ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah gowsaha ugu danbeeya ee xooga badan leh.
jiriid-ka: (magac, lab, keli) lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriid
de: bone of the back of the jaw
lx: jiriid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jiriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilid
(Kiilid-da)
Beegid; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilid
m.f.dh kiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilid
-da: (magac, dhedig, keli) beegid; cabbirid; miisaamid.
kiilid-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, cidhiidhyid oo dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liicid
(Liicid-da)
Doc u dheelliyid; dhicid ku dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicid
m.f.dh eeg liic. la-mid: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicid
-da: (magac, dhedig, keli) doc u dheelliyid oo janjeedhsad. Dh: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilid
-da: (magac, dhedig, keli) dun soohid oo miiqid. Dh: liilis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Majiid
name-m honorable, glorious
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliid
m.l la-mid: mariid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliid
-ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada. oo laga liso caano sun ah oo fallaadhaha iyo warmaha iyo leebabka lagu dagaalamo la marsho. Maliid u soo mariya fallaadha. Dh: marriid. Wa: maliiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midiid
midiid¹: m.l Catireynta weel la culayo aad loo catiriyo. la-mid: madiid¹.
midiid²: f.g1 (-day, -dday) Weel la culayo aad u catirid. la-mid: madiid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midiid
(fal) gacanta aad ugu adkee wax aad xuruudayso. Aad ugu midiid dhoobada gidaarka Dh: madiid.
midiid -ka: (magac, lab, keli) culay xoog: hogayn aad loo hogeeyo gorfaha iyo qadaadayaasha Dh: catirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigid
m.f.dh eeg miig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miiqid
(Miiqid-da)
Wax miiqan ka dhigid; cudbi ama wax kale, dun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqid
m.f.dh eeg miiq². la-mid: miiq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiqid
-da: (magac, dhedig, keli) dun, cudbi amal wax kale wax dhuuban oo sida dunta ah ka dhigid; wax miiqan ka dhigid. Dh: miiqis.
miiqid -da: (magac, dhedig, keli) af dhuuban u yeelid. Dh: fiiqid, dhuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirid
(Miirid-da)
1. Miir ka dhigid; firo iyo saxarro iyo ciid iyo wixii la mid ah, ka reebid.
2. (kala-miirid) Kala soocid.