miirraw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirraw
(fal) nadiif aan xumaan dhex galin ah ahaw; ka soocnaw waxa kale oo dhan. Ka miirraw xumaha iyo dadka xunxunba. Dh: duwanaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirraw
(Mirraw-ga)
Geed aan caleemo lahayn oo geelu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirraw
m.l Geedgaab aan caleen lahayn oo geelu daaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirraw
m. n., [collective] plant species, used as fodder for camels
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirraw
-ga: (magac, lab, keli) geed dhanaan oon qodax iyo caleen lahayn oo geelu daaqo kana baxa xeebta. Geela miirrawga gee.
mirraw -ga: (magac, lab, keli) shiid meel lagu aa'ayo. Mirrawga ka gaabo yuuna ku dakhrine. Dh: dhagaxtuur, shiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirraw
de: plant sp., used as fodder for camels
lx: mirraw
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: mirraw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirran
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Qof deggan oo dabeecad fiican leh ahaansho. 2. Qof xanuun ka soo roonaaday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirran
der. [adjective] serene; healthy; sound of mind, sane, mentally lucid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirran
cf: miyir {S}
de: serene; healthy; sound of mind, sane, mentally lucid
lx: miirran
pd: (miirranaa)
ps: adj-der
key: miirran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirranow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Qof miiyirkiisu dhanyahay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miira
(Miira-da)
Bisha 2d. oo dayaxa; Safar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miira
m.dh Bisha labaad oo sanad dayaxeedka; safar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Miira
f. n. second month of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Miira
-da: (magac, dhedig, keli) bisha 2aad ee bilaha dayaxa. Bishii Miira ayaa bilaabatay. Dh: Saffar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Miira
de: second month of the Somali lunar calendar
lx: Miira
pd: (/da)
ps: n-f-time
syn: Safar
key: Miira
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mirra
s.f. malmal; murre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirraw
(fal) timahaagu ha caddaadaan; cirro yeelo. Dh: cirrayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirad
vl. n. filtration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miirad
-da: (n) filtration (fil-tareey shin); percolation (peer-kileey-shin) miiris-ta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirad
de: filtration
lx: miirad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: miirad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miiran
La miiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiran
miiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Hoore saafi noqosho. 2. Nafley isku dhex jirtay intii islehba wax gooni isugu soocmay noqosho.
miiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Hoore saafi ahaansho. 2. Wax aan larnayn ahaansho. 3. Wax badan ahaansho. Tusaale: “Xoolo caano miiran ah.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miiran
miiran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Hoore saafi noqosho. 2. Nafley isku dhex jirtay intii islehba wax gooni isugu soocmay noqosho. m.f.dh, miirmid.
miiran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Hoore saafi ahaansho. 2. Wax aan larnayn ahaansho. 3. Wax badan ahaansho. Tusaale: Xoolo caano miiran ah. m.f.dh, miirnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miiran
der. [adjective] filtered, strained
miiran [adverbial] [expression] entirely, all, solely, just, only
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Miiran
name-f Serene; healthy; sound of mind, sane, mentally lucid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miiran
(adv) 1. only (oon 'li); exactly (ig saktili); alone (a loon); just (jast); exclusively ~ soocan, miidhan. 2. (adj) very (veeri). Ex: caqli miiran; very intelligent; dhib miiran; very troublesome. 3. leached (liijidh); filtered (fil'taridh); sieved (seevidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Miiran
magac loo bixiyo gabadh caafimaad qabta ama maskax fiican laga filayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiran
(tilmaame) dareer la saafiyeeye oo miida ah; wax la miiray ah. Dh: shaandhaysan.
miiran: (tilmaame) koox sooc ah oon cid kali tarrixin. Dh: miidhan.
miiran: (tilmaame) wax la dulmay oo si gardarro ah loogu xadgudbay ah. Dh: miidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirow
m.l 1. Nooc ka mid ah qaadka ka baxa dalka Kenya. 2. Nooc tubaakada ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miirow
m.l 1. Nooc ka mid ah qaadka ka baxa dalka Kenya. 2. Nooc tubaakada ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirow
m. n. khat species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirow
-ga: (magac, lab, keli) jaad Kiiniya caan ku ah oo laamihiisa la diirto. Dh: miiroo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirow
de: khat sp. (imported from Kenya)
lx: miirow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: miirow
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRRAH
(Myrah) N, C Commiphora myraha (Nees) Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRROW
(Miraw) N Ochrandenus somalensis Bak.F. Resedaceae.
N Ochrandenus baccatus Del. Resedaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirraw
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta ay soo marto saxaradu. Dh: walamad, malawad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirran
Yare kulul; qandac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirran
diirran¹: m.l Isir; dhalan.
diirran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan aad u kululayn ahaansho. Tusaale: “Caano diirran baan cabbey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan aad u kululayn ahaansho. Tusaale: Caano diirran baan cabbey. m.f.dh, diirranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirran
der. [adjective] warm, tepid; intimate, close
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirran
name-f warm, tepid; intimate, close. Syn: Diirrane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diirran
-aa / ayd: (adj) warm; lukewarm (luuk-woorm); temperate (teem-pareeyt); mild (maayldh) ~ qandac ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diirran
Caloroso
Warm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diirran
magac loo baxsho gabadh kolkii ay dhalatay aad u firfircoonayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirran
(tilmaame) wax kulul oo aan qaboobayn. Cunto diirran baan cunay. Li: qabaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirran
de: warm, tepid; intimate, close
lx: diirran
pd: (diirranaa)
ps: adj-der
xe: warm greetings
xv: salaan diirran
key: diirran
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diirran
دافئ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirrif
m.l Marakudheg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirrif
-ka: (magac, lab, keli) jaad cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan. Dh: marakudheg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirsad
m.l la-mid: miyirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirran
Geesi ah; aan biqitin aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan cabsanayn ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan cabsanayn ahaansho (nafley). m.f.dh, dhiirranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirran
der. [adjective] brave, fearless
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiirran
name-f brave, fearless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirran
-aa / ayd: (adj) courageous (koreey-jas); daring (dheering); brave (bareeyv); full of courage ~ geesinmo, indha-adayg —ku
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhiirran
magaca gabadh lagu naanaysay cabsi la'aan iyo geesinimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirran
(tilmaame) niyad wanaagsan haya oo calool adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirran
cf: geesi
de: brave, fearless
lx: dhiirran
pd: (dhiirranaa)
ps: adj-der
key: dhiirran
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirrane
name-m warm, tepid; intimate, close. Syn: Diirran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diirrane
magac loo baxsho wiil kolkii uu yaraa aad u firfircoonaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. la-mid: miiroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiraale
-ha: (magac, lab, keli) roob weyn oo ungod iyo daroora cufan leh. Waxaa mayay soo madaw waxaa miiraale yimid ninkii meelloow ka roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirnaan
(Miirnaan-ta)
Wax miiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirnaan
m.f.dh eeg miiran². la-mid: miirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirnaan
f. n., [abstract] state of being filtered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miiran ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirnaan
de: state of being filtered
lx: miirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: miirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax miriray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax miriray ahaansho. m.f.dh, mirirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirirsan
der. [adjective] rusted, oxidized
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mirirsan
-mirirsanaa: (adj) corroded (korowdhidh); rusted (raastidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirirsan
de: rusted, oxidized
lx: mirirsan
pd: (mirirsanaa)
ps: adj-der
key: mirirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirsad
m.l la-mid: mitirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirsan
f.mg1 (-samay, -santay) Wax mitir lagu cabbiray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mitirsan
f.mg1 (-samay, -santay) Wax mitir lagu cabbiray ahaansho. m.f.dh, mitirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirla'
adj., [expression] unconscious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirla'
-aa: (adj) unconscious (ankoonshas); insensible (in san 'sabal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirla'
de: unconscious
lx: miyirla'
pd: (miyirla'aa)
ps: adj-expr
key: miyirla'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirqab
-ka: (n) soberness. (sowbar nes); sanity (saan 'i-ti); awareness (a weer nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirqab
-ka: (magac, lab, keli) caafimaadqab maanka ah oo wax walba la garanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyirsad
(Miyirsad-ka)
Miyirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirsad
m.l la-mid: miyirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirsad
-ka: (magac, lab, keli) nayaayirad; is kala garasho qof markii hore miyirdoorsanaa, wax miyir qaba noqosho. Dh: nayaayirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sixirrow
(Sixirrow-ga)
Kan wax sixra ama sixirka yaqaan; falanfallow; saaxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixirrow
m.l (sixirrowyo, m.dh) Qof sixirka yaqaan. la-mid: sixiroole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sixirrow
m.l (-wyo, m.dh) Qof sixirka yaqaan. la-mid: sixiroole.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sixirrow
m. n. wizard, magician, sorcerer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sixirrow
-ga: (n) magician (ma-ji-shin) ~ see [eeg] sixiroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixirrow
-ga: (magac, lab, keli) kan wax sixra ama sixirka yaqaan. Dh: falalow, falanfalow, saaxir, sixiroole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sixirrow
de: wizard, magician, sorcerer
initial: s
lx: sixirrow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: sixirrow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirranow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax dhiirran noqosho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirranow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax dhiirran noqosho (nafley). m.f.dh, dhiirranaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirranow
v. have courage, feel encouraged; be bold ~ brave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirranow
(fal) qof dhiirran ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirranow
a: dhiirro
de: have courage, feel encouraged; be bold ~ brave
lx: dhiirranow
pd: (dhiirranaaday)
ps: v3b=intr
key: dhiirranow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibcarraw
-ka: (magac, lab, kali) heesta geela lagu jiic hooyo galabtii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirranaan
m.f.dh eeg miirran. la-mid: miirranaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miir
miir¹: m.l 1. Wax la miiray. 2. la-mid: miyir. 3. la-mid: miirid¹.
miir²: m.dh 1. la-mid: miid. 2. Meel yar oo biyo qabatin leh.
miir³: f.g1 (-ray, -rtay) Hoore gufur ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miir
miir¹: m.l 1. Wax la miiray. 2. la-mid: miyir.
miir²: f.g1 (-ray, -rtay) Hoore gufur ka saarid. m.f.dh, miirid.