miinshaareyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinshaareyn
m.f.dh eeg miinshaaree. la-mid: miishaareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miishaareyn
m.dh la-mid: miinshaareyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinshaaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Miishaar wax ku goyn. la-mid: miishaaree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinshaaree
v. saw, cut something with a saw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinshaaree
a: miishaaree
de: saw, cut s.t. with a saw
lx: miinshaaree
pd: (miinshaareeyey)
ps: v2b=tr
key: miinshaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiinshaarayn
m.f.dh eeg afmiinsharee. la-mid: afmiishaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmiinshaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si balaaqo iska raadin ah, wax ku doonis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinshaar
(Miinshaar-ta)
1. Qalab birlab xalleefsan laga sameeyey, oo doc ilko wax gooya ku leh gadaalna daab la qabto, oo qoryaha iyo wixii la mid ah, lagu googgooyo.
2. Libaax-badeed (ama miishaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinshaar
miinshaar¹: m.l Nooc mallaayga ka mid ah oo af miinshaar ah leh. la-mid: miishaar¹.
miinshaar²: m.dh (-rro, m.dh) Qalab bir ka samaysan oo lagu gooyo qoryaha, birta, dhagaxa iyo wixi lamida. la-mid: miishaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miinshaar
miinshaar¹: m.l Nooc mallaayga ka mid ah oo af miinshaar ah leh. la-mid: miishaar.
miinshaar²: m.dh (-rro, m.dh) Qalab bir ka samaysan oo lagu gooyo qoryaha, birta, dhagaxa iyo wixi lamida. la-mid: miishaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinshaar
f. n. saw (carpenter's tool)
miinshaar [feminine] n., [collective] sawfish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miinshaar
-ta: (n) saw (soo); hacksaw (haak soo), used for cutting wood, metal, or other hard materials ~ miishaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miinshaar
-ka: (magac, lab, keli) nooc kalluunka waawayn ee libaax badeedka ka mid ah. Miinshaar ayaa shabagga iigu soo dhacay. Dh: libaaxbadeed.
miinshaar -ka: (magac, lab, keli) lacagta shaqaaluhu bilwalba qaato ee uu ku shaqeeyo.
miinshaar -ta: (magac, dhedig, keli) bir middi aad loo ballaadhiyay u eg oo meel la qabto leh oo dhinac ilko badan oo seef ah ku leh oo looxaanta iyo xadiidka yaryar lagu gooyo ama lagu kala jeexo. Dh: miishaar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
miinshaar
منشار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miishaaree
f.g2 (-reeyay, -reeysay) la-mid: miinshaaree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miishaaree
v. saw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miishaaree
de: saw
lx: miishaaree
pd: (miishaareeyey)
ps: v2b=tr
see: miinshaaree
key: miishaaree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinshaar_1
bw: Arabic
de: saw (carpenter's tool)
hm: 1
lx: miinshaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: miinshaar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinshaar_2
de: sawfish
hm: 2
lx: miinshaar
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: miinshaar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miriqshaanleyn
m.f.dh eeg miriqshaanlee. la-mid: miriqshaanleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiinshaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Qof wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto ku meel marin. la-mid: afmiishaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmiinshaaree
(fal) hadal macaan, dad kale ku qanci. Dh: afmalabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiishaarayn
m.dh la-mid: afmiinshaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bishaarayn
(Bishaarayn-ta)
Bishaaro sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaarayn
m.f.dh eeg bishaaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miinosaare
-ha: (n) minesweeper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sinsaaro ku legdid; sinsaarayn; sinsaarays.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Minshaar-ta
scie.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishaariyeyn
m.f.dh la-mid: mushaalliyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miriqshaanlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuuqdhuuqsasho oo wax u gabbasho. Dh: miriqshaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miriqshaanleys
m.l la-mid: miriqshaanleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miriqshaanley
-da: (magac, dhedig, keli) inan aad u xarrago badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiinshaarnimo
m.dh Afmiinshaar ahaansho. la-mid: afmiishaarnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afmiinshaarnimo
f. n., [collective] propaganda; lobbying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afmiinshaarnimo
-afmiinshaar-nimada: (n) 1. oratorship (ooritershiip); rhetoric (retarik). 2. lobbyism (loobiisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmiinshaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal macaan, dad kale ku qancin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afmiinshaarnimo
de: propaganda; lobbying
lx: afmiinshaarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: afmiinshaarnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asraareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) isyeelyeel iyo mukur samayn. Dh: asaraarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindhayn
m.f.dh eeg biindhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U b.: cid, war ay ku faraxdo u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bishaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U b.: cid, war ay ku faraxdo u sheegid. m.f.dh, bishaarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishaaree
v. congratulate, tell good news
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaaree
(fal) u~ cid kale, war farxad ku jirto u sheeg. Bilaal isagoo nool baa Jannada loogu bishaareeyey
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishaaree
de: congratulate, tell good news
lx: bishaaree
pd: (bishaareeyey)
ps: v2b=
key: bishaaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisharayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u cid kale, war farxadi ka buuxbdo u sheegid. Bishaarayntay roobkiyo, barwaaqaan Bismillaahi sugaynaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiindhayn
(Fiindhayn-ta)
1. Kala findhicilid; kala soocid.
2. (dad) ximin, filfilin; guulid; jirxumayn; qalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhayn
m.f.dh eeg fiindhee. la-mid: fiindhays, fiindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad u jidhxumayn ama dirsooc aawadii qalayn. Dh: ximin, guulid, qalayn, miidhid, dirsoocid, takoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafeyn
m.f.dh eeg masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh guur u kaxaysasho oo meel weligeeda ka fog oo masaafo jirta u qaadasho. Masaafayntu waa nooc la isku guursado. Dh: masaafageyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinawaar
m. n. warship, man-of-war, battle ship
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinawaar
de: warship, man-of-war, battle ship
lx: miinawaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: markabka dagaalka {Eng}
key: miinawaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaaman
f.mg4 (-aanna, -aannayd) 1. Wax la miisamay ahaansho. 2. Wax isu dheeli tirsanahaansho. la-mid: miisaanan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miisaaman
der. [adjective] weighed ~ measured (with scale ~ standard); balanced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miisaaman
-miisaannaa: (adj) scaled or measured
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miisaaman
a: miisaanan
de: weighed ~ measured (with scale ~ standard); balanced (of discourse, speech, etc.)
lx: miisaaman
pd: (miisaannaa)
ps: adj-der
key: miisaaman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaanan
f.mg4 (-aannaa, -aannayd) la-mid: miisaaman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minyarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaas labaad, saddexaad ama afraad guursasho. Dh: minyarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munshaaro
m.dh la-mid: mushaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munshaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg munshar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiiqsaare
m. n., [compound] exhaust pipe
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiiqsaare
de: exhaust pipe
lx: qiiqsaare
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: qiiqsaare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaaray
(fal) sinsaaro ku leged; sinsaaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinsaaryo
(Sinsaarya-da)
Tabaha legdanka mid ka mid ah; (ama sinsaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinsaaryo
m.dh Nooc ka mid ah tabaha legdanka oo qofka inta sinta la saaro la legdo. la-mid: sinsaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinsaaryo
f. n., [compound] hoisting one's opponent onto one's hip (in wrestling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaaryo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sinsaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinsaaryo
de: hoisting one's opponent onto one's hip (in wrestling)
initial: s
lx: sinsaaryo
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: sinsaaryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishaarays
-ka: (magac, lab, keli) farxad iyo wanaag ugu bishaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka hasha wax diiddan la sasabayo si loo liso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaaneyn
m.f.dh eeg diiwaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) diiwaanka ku qorid. Qalabka casriga ahi diiwaanaynta aad ayuu u fududeeyey. Dh: diiwaangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunqaareyn
m.f.dh eeg dunqaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunqaareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) duunyo aan garaad lahayn ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liishaaman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax nishaaban ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liishaaman
(tilmaame) liishaanka la saaray; nishaaman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miinoxaaqe
m. n., [compound] mine-sweeper
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miinoxaaqe
de: mine-sweeper
lx: miinoxaaqe
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: miinoxaaqe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaaban
niishaaban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) la-mid: nishaaban¹.
niishaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: nishabaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinsaarays
-ka: (magac, lab, keli) sinsaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmiinshaar
(Afmiinshaar-ka)
Qof warbeennad saamays weyn leh, oo lagu kala dhinto ama lagu dagmo dhisa ama dhisi yaqaan, oo dadka ama dowladda wax kaga cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiinshaar
m.l (-rro, m.dh) Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. la-mid: afmiishaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afmiinshaar
m.l (-rro, m.dh) Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. la-mid: afmiishaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afmiinshaar
m. n. political broker, lobbyist, hassler, rumormonger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afmiinshaar
-ka: (n) 1. orator (ooriter); an eloquent and skilled speaker ~ af tahan, afmaal. 2. lobbyist (loobiist)-, one who tries to influence others on behalf of or against an idea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmiinshaar
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u hadal cadcad oo dadka kale fikradiisa ka dhaadhicin kara. Dh: afmaal, afmalab. Li: afgaab, afgarooc, aflaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afmiinshaar
de: political broker, lobbyist, hassler, rumormonger
lx: afmiinshaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: afmiinshaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindhaarsan
(tilmaame) hal la sasabay si ay ogolaansho u keento.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishaariyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: mushaalliyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niishaabtan
niishaabtan¹: m.l la-mid: nishaabtamid.
niishaabtan²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: nishaabtan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmiishaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) la-mid: afmiinshaaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarayn
m.dh la-mid: maradhaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miriqshaalay
(fal) tirtirfoo oo dadka hortooda boodbood adoo ciyaaraya. Dh: miriqshaalee, xariiftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaariyeyn
m.dh la-mid: mushaalliyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miriqshaanlays
-ka: (magac, lab, keli) dhuuqdhuuqsi iyo is gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyeyn
(Dibindaabyeyn-ta)
Waxyeello nac ku jiro cid gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyeyn
m.f.dh eeg dibindaabyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqtukaaleyn
m.f.dh eeg fiiqtukaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macasalaameyn
m.f.dh eeg macasalaamee. la-mid: macasalaameys.