miicila'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miicila'
m.dh Waxa lagu sharxa dhirta aan jirrid adag lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miicila'
-da: (magac, dhedig, keli) waxa lagu sharxa dhirta aan jirrid adag lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirsila'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Meel cidla' ah oo aan wax la miciinsado joogin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciirsila'
der. [adjective] helpless; isolated, abandoned; wretched
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciirsila'
-ah: (adj) in the middle of nowhere with no help; helpless in no man's land ~ cidla ciirsila'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsila'
-da: (magac, dhedig, keli) meel aanay cidiba joogin; meel cid wax kuu tarta ama kuu gargaartaa joogin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciirsila'
de: helpless; isolated, abandoned; wretched
lx: ciirsila'
pd: (ciirsila'aa)
ps: adj-der
key: ciirsila'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miici
-da: (magac, dhedig, keli) dhirta qaar geed lab ah oo marka ay qallalaan aad u adkaada oo aan godintu dhakhso u jarin. Dh: oog, adag, biixi. Li: xolxolle, xorshosh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miicid
-da: (magac, dhedig, keli) qalbiga wax ka doonid. Dh: jamasho, miliilicid, miicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Miicaad
magac loo bixiyo wiil dhasha xilli uu jiro xiddig miicaad la yiraahdo ama seben barwaaqo la joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miicaad
-da: (magac, dhedig, keli) god ka mid ah labaatanka iyo siddeeda god ee dayaxu u hoydo islamarkaa na waa saddexda xiddigood ee u horraysa siddeed iyo labaatanka mansil.
miicaad -da: (magac, dhedig, keli) bil xilli roobaad ah oo barwaaqo ah. Dh: meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miijisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley wax cunaha la qabtay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miijisan
der. [adjective] strangled, choked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miijisan
de: strangled, choked
lx: miijisan
pd: (miijisnaa)
ps: adj-der
key: miijisan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milmilad
-ka: (magac, lab, keli) wax milmay oo dareere noqday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miscilil
(Miscili-sha)
Xerada ariga illinkeeda oodaha labada dhinac ka xiga middood; kaadka xerada; (ama miscirir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscilil
miscilil¹: m.dh (-lo, m.l) 1. Irridda xerada. 2. Xoolaha labada dhinac ka xiga ee ay ood afadu korka ka qabato. 3. Ood astaan ahaan loo dhigto jabad si aan cid kale u degin. la-mid: miscirir.
miscilil²: f.g2 (-iyay, -isay) Xero miscilil u sameyn ood astaan ahaan jabad u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miscilil
m.dh (-lo, m.l) 1. Irridda xerada. 2. Xoolaha labada dhinac ka xiga ee ay oodafadu korka ka qabato. 3. Ood astaan ahaan loo dhigto jabad si aan cid kale u degin. la-mid: miscirir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miscilil
f. n. part of the fence surrounding an encampment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miscilil
-sha: (magac, dhedig, keli) oodda xerada xoolaha qaybta soo xigta aqalka dhankiisa. Ani makaankay waa miscilil; iyo maqaar nirig oo madhmadhay; ee mayaayada soo madaw, ninkii meelloow ka roor. Dh: miscirir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miscilil
de: part of the fence surrounding an encampment
lx: miscilil
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: miscilil
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyirla'
adj., [expression] unconscious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyirla'
-aa: (adj) unconscious (ankoonshas); insensible (in san 'sabal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyirla'
de: unconscious
lx: miyirla'
pd: (miyirla'aa)
ps: adj-expr
key: miyirla'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miicmiicad
-ka: (magac, lab, keli) dabashabeelin iyo ka warwareegid wax in la sameeyo aan la doonayn laga meermeero. Dh: marmarsiiyood.
miicmiicad -ka: (magac, lab, keli) ka gabgabbasho hadalka runta ah laga gagabado oo la agmarmaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicitaan
-ka: (magac, lab, keli) doondoonasho iyo gardarraysasho qof aan waxba kuu dhimin. biicmushtar -ka: (magac, lab, keli) wax kala iibsi. Biicmushtarku waa shaqo fiican. Dh: tijaaro, baayacmushtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilcillaw
(Cilcillaw-ga)
Labada cirguduudood; aas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilcillaw
m.l la-mid: cilcillow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilcillaw
m. n. colorful light at sunrise ~ sunset, twilight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilcillaw
-ga: (magac, lab, keli) muuqaalka jahada, labada cirguduud kolka ay tahay. Dh: hiimamooti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilcillaw
a: cilcillow
de: colorful light at sunrise ~ sunset, twilight
lx: cilcillaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: aas
key: cilcillaw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibir la'
adj., [expression] modest, simple, frugal, humble
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibir_la'
de: modest, simple, frugal, humble
lx: kibir la'
ps: adj-expr
key: kibir_la'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicitaan
-ka: (magac, lab, keli) doc u dheelliyid ama janjeedhitaan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
medicinal
(adj) having healing qualities.
leh tayo bogsiinayd, dawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micilisad
m.l la-mid: miciyalisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miihaalad
(Miihaalad-ka)
Meehaalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miihaalad
vl. n. expectation, false hope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miihaalad
-ka: (magac, lab, keli) male iyo tashi samayn.
miihaalad -ka: (magac, lab, keli) socsocod aan macno lahayn. Dh: naannaw, carcaraaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miihaalad
de: expectation, false hope
lx: miihaalad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: meehaalo
key: miihaalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiqitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax miiqan ka dhigitaan. Dh: miiqniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiritaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere wax kale oo uu ku jiro ka nadiifitaan oo ka shubitaan; wax miiran ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel iligga ka keenitaan oo budh ka siin. Miisitaan laguma dhergo ee niyaddaa laga dhergaa. Dh: buuxintaan.
miisitaan -ka: (magac, lab, keli) weel wax lagu. miiso ku cabiritaan. Miisitaanka beriiska ku celi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miliilsan
(tilmaame) wax aad u dhuuban oo u weyda ah. Xadhig miliilsan ii sooh. Li: buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minfilaad
(Minfilaad-ka)
Qof kale uurkiisa xumaan ka filasho; dareensi; tuhun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minfilaad
m.l 1. Tuhun yar oo cid loo qaado. 2. la-mid: minfilaadid.
minfilaad²: f.g1 (-day, -dday) Ka m.: tuhun yar cid u hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minfilaad
v. suspect, treat with suspicion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minfilaad
godadka faalka mid ka mid ah oo hadduu baxo waxa la raadinayo aan laga quusan. Minfilaad ayaa ii soo hadhoo ma xuma rajadu.
minfilaad -ka: (magac, lab, keli) qof kale uurkiisa xumaan ka filasho. Dh: tuhun. Li: kalsooni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minfilaad
de: suspect, treat with suspicion With preposition ka
lx: minfilaad
nt: minfilaad (ka) [vn-m]
pd: (minfilaaday)
ps: v1=
key: minfilaad
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
miscelare
v.tr. - isku labid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscilili
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xero miscilil u yeelid. 2. Ood booscelis ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscililo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Xero miscili u yeelasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
municipal
/myunisapal/ (adj) dawladda hoose la xiriira (ee dawladda hoose).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
municipal
municipal, adj. - dawladda hoose; munishiibiyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiicitaan
-ka: (magac, lab, keli) luuditaanka; tiicidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
findhicilad
-ka: (magac, lab, keli) findhicilka iska gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miririglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si miririg ah u dhaqdhaqaaqid oo u socsocosho. Illaa saaka uun baa miririglayn lagu jiraa. Dh: xuuraan, agaguug, miririglays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miscililsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la miscililay ahaansho (xero).