midigmeerto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigmeerto
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar la gaadhsiiyo laba nin oo dagaallamaya midkood o uu gaadhsiiyo ku sadexaad oo mid u hiilinayaayi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diigreeto
-da: (magac, dhedig, keli) warqad saxeexan oo ka soo baxda xumaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerto
(Meermeerta-da)
Isku-kor-wareeg xoog badan oo biyaha badda iyo webiyaashu yeeshaan oo ceel wareega haya u ekaadaan; mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeerto
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo mool ah oo xiis hoos ku leh. 2. Kukta madaxa meesha ay timuhu wareegga ka billaabaan. la-mid: meertammeerto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meermeerto
f. n. whirlpool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meermeerto
-meermeertada: (n) vortex (voor 'takis); whirlpool (weelpuul), especially a whirling mass of water in the ocean that sucks in everything near it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerto
-da: (magac, dhedig, keli) isku korwareeg xoog badan oo ay biyaha badda iyo webiyaashu sameeyaan oo ceel wareegaya u ekaadaan. Meermeertadu waa meel halis ah oo ay doonyuhu ku rogmadaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meermeerto
de: whirlpool
lx: meermeerto
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: mid
key: meermeerto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerto
(Dareerta-da)
Bushinta kore dusheeda shaaribku ka baxo, kobta sheexada ah oo kalabbarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerto
m.dh 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerto
m.dh 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareerto
f. n. area between the nose and upper lip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerto
-da: (magac, dhedig, keli) wixii xoolo soofi kara ee daaqtegi kara. Dh: xoolo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareerto
de: area between the nose and upper lip
lx: dareerto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dareerto
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
diàmetro
s.m. dhexroor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidmeer
(Fiidmeer-ta)
Nafley shinbir u eg aanse ahayn: waxay leedahay baalal xuub adag ka samaysan oo ay ku duusho, naaso iyo caano dhasheedu nuugto, arag aan fiicnayn iyo karti lala yaabo oo ay cayayaanka ku hesho oo ku eryooto, kuna garato oo kaga leexato wax kastoo ka hor yimaada iyadoo aan orodkeeda inna dhimayn; habeenkii bay ugaarataa maalintiina waa ay nasataa oo meelay iska lushaa iyadoo foororta; kibilli ama kobolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidmeer
m.dh Haad naasleyda ka mid ah, cayayaanka ku nool leh, baalal xuub adag oo ay wax ku dareento oo habeenkii duusha; kibilli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiidmeer
m.dh Haad naasleyda ka mid ah, cayayaanka ku nool leh, baalal xuub adag oo ay wax ku dareento oo habeenkii duusha; kibilli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidmeer
f. n. bat (flying mammal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiidmeer
-ta: (n) bat (baat) ~ kabali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidmeer
-ta: (magac, dhedig, keli) nafley shinbir u eg aanse ahayn; waxay leedahay baalal xuub adag ah oo ay ku duusho, naaso iyo teeda dhaddig oo caano leh, arag aan fiicnayn iyo awood gaar ah oo ay cayayaanka ku qabsato, kuna garato oo kaga leexato wax kasta oo ka hor yimaadda iyada oo aanu orodkeedu isdhimin. Habeenkii bay ugaadhsataa maalintiina meel bay isku qarisaa oo iska soo laadlaadisaa iyada oo foororta. Dh: kobolli, lali, kibilli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidmeer
de: bat (flying mammal)
lx: fiidmeer
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: fiidmeer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fiidmeer
وَطُواط خُفَّاش
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageero
f.g3 (-rtay, -ratay) Meel ood dhagax iyo wixi lamida ku wareejisasho. la-mid: meegaaro, waageero, weegaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maageero
f.g3 (-rtay, -ratay) Meel ood dhagax iyo wixi lamida ku wareejisasho. m.f.dh, maageerasho. la-mid: meegaaro, waageero, weegaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageero
v. enclose; encircle; trace a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageero
(fal) wax aad gaar u leedahay deyr ku xidho. Maageero meesha lagu siiyay: Dh: wareejiso, xanydaabo, meegaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maageero
a: meegaaro
de: enclose; encircle; trace a circle around s.t.
lx: maageero
pd: (maageertay)
ps: v3b=tr
key: maageero
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Midig-ta
droite (contraire de gauche).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigeyn
(Midigeyn-ta)
1. Docda midig xigid.
2. Wax docda midigia ah ka bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigeyn
m.f.dh eeg midigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddeerto
(falkaabe) eeg haddeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigsaar
(Midigsaar-ka)
Gacanta midig oo cid lagu salaamo; gacanqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigsaar
midigsaar¹: m.l 1. M. ah: xiriir saaxiibtinimo oo dhexmara laba qof ama ka badan, gacansaar. 2. la-mid: midigsaarid.
midigsaar²: f.mg1 (-ray, rtay) Salaamid, u gacanqaadid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midigsaar
m.l M. ah: xiriir saaxiibtinimo oo dhexmara laba qof ama ka badan, gacansaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midigsaar
m. n., [compound] handshake
midigsaar v. shake hands, give someone a handshake, greet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigsaar
(fal) salaan oo qof gacanqaad: ku salaan midigta. Waar kac oo midigsaar walaalka Dh: gacanqaad.
midigsaar-ka: (magac, lab, keli) xidhiidh wax wad qabsi oo laba dhinac ka dhexeeya. Dh: gacansar, xidhiidh, iskaashi.
midigsaar -ta: (magac, dhedig, keli) gacanta midig oo wax lagu salaamo. Labada nin midigsaar bay sameeyeen. Dh: gacanqaadid, salaamid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ministèro
s.m. - wasaarad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
moviménto
s.m. - dhaqaaq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sediménto
s.m. - tuurrimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilwareerto
m.dh la-mid: ilikuwareertay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilwareerto
f. n., [compound] horizon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilwareerto
-ilwareertata: (n) horizon (haraayzan); apparent horizon ~ ilkuwareeto, ilikuwareeto
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilwareerto
a: ilikuwareertay
de: horizon
lx: ilwareerto
pd: (/da)
ps: n-f-cmp
key: ilwareerto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerti
-da: (magac, dhedig, keli) qof warwareeg badan oo kolba xaafad ka sheekeeya. Ma meermeerti baad tahay maxaad aqalkaaga la fadhiisan la'dahay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
millimetro
s.m. millimeter.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midigsaar_1
de: handshake
hm: 1
lx: midigsaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: midigsaar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midigsaar_2
de: shake hands, give s.o. a handshake, greet
hm: 2
lx: midigsaar
pd: (midigsaaray)
ps: v1=tr
xe: Shake hands! (i.e., reconcile with each other)
xv: Is midigsaara!
key: midigsaar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigsaarid
(Midigsaarid-da)
Salaamid; gacanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigsaarid
m.f.dh la-mid: midigsaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta midig isku salaamid. Dh: gacanqaadid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
minister to
/minaster tu/ (v) u gargaarid (gacan-siin); u khidmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertammeerto
m.dh la-mid: meermeerto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meertammeerto
-da: (magac, dhedig, keli) meerin oo kolba qof u tebin. Wadaaggu waa meertameerto