ereyga

midhofur

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

midhofur

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) geed quwaax xanjo leh oo ka baxa buuralayda. Midhafurkaa kugu ag yaal foox iiga soo gur. Dh: murjaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

murjaan

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) macdan dhagax qaali ah ka samaysan oo laga soo saaro badda gunteeda waxa sameeya xayawaan aad u yaryar oo badda gala. Dh: marjaan.

2

murjaan-ka: (magac, lab, keli) geed quwaxxanjo leh oo ka baxa buuralayda. Dh: midhofur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

midho

DHAFANDHAAF

m. n., pl. seeds; fruit; grain crops

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

midho

DHAFANDHAAF

-midhada: (n) [plural of mir] fruit (furuut); seeds (siidhis); crops (karoopis) ~ miro

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

midho

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) firida ubaxa geedku dhalo oo inta badan la cuno oo iniinyaha la beeraa ay ku jiraan. Midho daray duuduub baa lagu liqaa. Dh: iniinyo, miro, mudho..

2

midho-ha: (magac, lab, keli) ereyo maanso ay ka kooban tahay oo qaafiyad iyo habdhac ba leh.. Heestu hadday midho qurux badan muusig dabacsan iyo cod hallaasiya hesho waa laga daba dhacaa. Dh: mudho, midho, miro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

midho

DHAFANDHAAF
1

de: seeds; [col] fruit; grain crops

2

lx: midho

3

pd: (/ha)

4

ps: n1-m-pl

5

see: mir ~ miro {N}

6

key: midho

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ibofur

DHAFANDHAAF

(fal) neef ugub ah oo dhalay, furagalaha naasahiisa ka saar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

midhif

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) saxarro yar yar oo inta badan biyaha dushooda heehaaba

2

midhif -ta: (magac, dhedig, keli) xashiishka iyo jabadka ay biyaha haraha iyo dhijaamaha galaa ay iska soo tuuraan ee geerarka iyo moosaska afkooda ku soo urura. Midhiftii oo dhani waxay isugu timi mooskii. Dh: daadxoor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mirafur

DHAFANDHAAF
1

(Mirafur-ka)

2

Geed-quwaax weyn oo xabag udgoon oo la shito leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mirafur

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] large incense-bearing tree species

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

MIRAFUR

DHAFANDHAAF
1

(Marafur) C, NFD Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.

2

N Kirkia tenuifolia Engl. Simaroubaceae.

3

May, S Boswellia rivae Engl. Burseraceae.

4

C Boswellia microphylla Chiov. Burseraceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mirafur

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) geed quwaaxweyn oo xabag udgoon oo la shito leh.

2

mirafur -ka: (magac, lab, keli) abaalmarin loo geeyo reerka gabadh laga guursado habeenka aqalgalka habeenka ka dambeeya waxana keena waalidka caruuska. Mirafurkii gabadha waa la qaybsaday. Dh: gulanti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mirafur

DHAFANDHAAF
1

de: large incense-bearing tree sp.

2

lx: mirafur

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-col

5

key: mirafur

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xilofur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) naag furid oo dalaaqdeeda siin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhifur

DHAFANDHAAF
1

(fal) ballan xidhnayd buri; wax la isku ogaa weydaaro. Weligaa ha badhifurin, balkii kuu xidhnaayoo, dhaqankaa ha baylihin.

2

badhifur -ka: (magac, lab, keli) ballan ka bixid; ballan jebin. Badhifur beenaale caado way u tahay. Dh: ballanfur, dhabarjebin, dabafur. Li: oofin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

marqofur

DHAFANDHAAF

(fal) eeg marqafur.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fiidhoror

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) weerar dad lagu qaaday waqti fiid ah. Dh: fiid-gooyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Indhobuur

DHAFANDHAAF

magac ama naanays loo baxsho wiil indhihiisu sida caadada ah ka waaweyn yihiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

madaxfuro

DHAFANDHAAF

f.g3 (-rtay, -ratay) Qof la qafaalay hanti ku soo furasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

madaxfuro

DHAFANDHAAF

f.g3 (-rtay, -ratay) Qof la qafaalay hanti ku soo furasho. m.f.dh, madaxfurasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

madaxfuro

DHAFANDHAAF

v. redeem, pay someone's ransom; pay one's debts

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

madaxfuro

DHAFANDHAAF

(fal) wax la haysto wax kale waydaarso oo ku beddelo. Ninka maxbuuska ah milyan ku madaxfuro haddii kale waa la dilayaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

madaxfuro

DHAFANDHAAF
1

de: redeem, pay s.o.'s ransom; pay one's debts

2

lx: madaxfuro

3

pd: (madaxfurtay)

4

ps: v3b=tr

5

key: madaxfuro

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Mindhicir

DHAFANDHAAF
1

(Mindhicir-ka)

2

Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badan yahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mindhicir

DHAFANDHAAF
1

mindhicir¹: m.l (-rro, m.dh) Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badanyahay.

2

mindhicir²: m.l (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah dheefmareenka oo ka hoosaysa caloosha. Shaqooyinkeeda ugu waaweynina waxa weeye dhammaystirka dheefshiidka cuntada caloosha ka timaada, nuugista milannada cuntada, nuugista biyaha iyo soo saaridda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

mindhicir

DHAFANDHAAF
1

mindhicir¹: m.l (-rro, m.dh) Xuub uurkujirta qaarkeed haya, siiba xiidanka yaryar, sida uu u badanyahay.

2

mindhicir²: m.l (-rro, m.dh) (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah dheefmareenka oo ka hoosaysa caloosha. Shaqooyinkeeda ugu waaweynina waxa weeye dhammaystirka dheefshiidka cuntada caloosha ka timaada, nuugista milannada cuntada, nuugista biyaha iyo soo saaridda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

mindhicir

DHAFANDHAAF

m. n. viscera, part of the intestine

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

mindhicir

DHAFANDHAAF

-ka: (n) bowel (baawl); intestine (intestari) ~ xiidmo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mindhicir

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah habdhiska dheefshiidka oo ah tuumbooyin dhaadheer oo ay cuntadu marto inta ay malawadka gaadhayso. Dh: midhiqir, mindhiqir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

mindhicir

DHAFANDHAAF
1

cf: amasiir

2

de: viscera, part of the intestine

3

lx: mindhicir

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m

6

key: mindhicir

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mindhiqir

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) habdhiska. dheefshiidka mid ka mid ah oo ah tuumbooyin dhaadheer oo ay cuntadu marto inta ay malawadka gaadhayso. Dh: midhiqir, mindhicir.

2

mindhiqir -ka: magac, lab, keli) nabar qaaxada ku dhaca.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xidhiidhfur

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) goynta claquad laba dhinac u dhexeeya; xidhiidh horay u jiray laga baxo. Dh: xiriirfur, heshiisjebin, ballanfur.

waa la naqliyay ✓