midgeyn
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midgeyn
Taning
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midigeyn
(Midigeyn-ta)
1. Docda midig xigid.
2. Wax docda midigia ah ka bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midigeyn
m.f.dh eeg midigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mideyn
m.f.dh eeg midee. la-mid: mideysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigeyn
m.f.dh eeg miigee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milgeyn
(Milgeyn-ta)
1. Milgo ama ulajeeddo wanaagsan hadalka u yeelid; muunayn; xurmayn; murtiyeyn.
2. Shabaag milgo ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milgeyn
m.f.dh eeg milgee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taning
Midgeyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka midig ka bilaabid; xagga midig joogsasho gaar ahaan kolka geela la lisayo. Geela midigayn ayaa lagu lisaa. Dh: midigays.
midigayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax ka qaadasho aan la ogayn oo wax laga qaato xoolo la isku aaminay.
midigayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof si hoos ah oo sedbursi la socdo wax u siin. Dh: gacanmidigayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
midge
/mij/ (n) cayayaan yar oo sida kaneecada wax qaniina.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
figeyn
m.f.dh eeg figee. la-mid: figeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jideyn
(Jideyn-ta)
Jid ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jideyn
m.f.dh eeg jidee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midayn
(Midayn-ta)
Mid ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midayn
vl. n. unification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midayn
-ta: (n) unity (yuniti); unification (yunifikeeyshin); uniting (yunaayting) integration (in 'ti-gareeyshin) ~ mideyn, midoobid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala firidhsanaa isu keenid oo mid ka dhigid. Dh: midays. Li: firdhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midayn
a: mideyn
de: unification
lx: midayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: midayn
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midget
Cilin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
midget
/mijet/ (n) coon, guun, hoos u bax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miseyn
m.dh eeg misee. la-mid: maseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidceyn
m.f.dh eeg bidcee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) bidco ka dhigid: bidco ku sheegid. Bidceyntu xad shuruudo ayay leedahay. Dh: bidcays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, axan iyo sadaqad raacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibgeyn
m.f.dh eeg iibgee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab ama xoolo suuqgeyn oo lacag ku beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madkeyn
m.f.dh eeg madkee. la-mid: madkeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midbayn
m.f.dh eeg midbee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Midgaan
m. n. Midgan (low caste Somali), racist word
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Midgaan
nickname-m skillful; hunter; sharpshooter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Midgaan
cf: caadaqaate
de: Midgan (low caste Somali)
lx: Midgaan
pd: (-ka Pl: Midgo (/ha))
ps: n8-m
key: Midgaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maanso allifid heesta midheheeda tirin. Dh: mudhayn, curin.
midhayn-ta: (magac, dhedig, keli) midho bixin miro soo saarid. Arabikhidii way is xambaaratay oo midhaynti waxba ugama hadhin. Dh: dhalid, mudhayn, dhalid midhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigey
(fal) xagga midigta ka bilaw; neef aad lisayso gaar ahaan geela dhanka midig ee haaneedka ah ka joogso. Midigay hasha inta aanad salaaxin. Dh: midigee, haaneed. Li: bidixay.
midigey: (fal) qof si hoos ah oo sedbursi la socdo wax u sii. L: bidixee.
midigey: (fal) meherad lagugu aaminay wax ka xadxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miideyn
-ta: (magac, dhedig, keli) miid ka dhigid; miid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciqaab figo ah u xidhid. Dh: figayn.
miigayn-ta: (magac, dhedig, keli) miigo u beerid. Miigayntu way fiican tahay haddaan xayawaanku faqan. Dh: miigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miileyn
m.f.dh eeg miilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milgayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ulajeeddo iyo murti wanaagsan hadalka u yeelid. Dh: muunayn, murtiyeyn.
milgayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid xurmo iyo muunadayn ku soo dhawayn. Milgaynta martidu waa deeqsinimo. Dh: xurmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minneyn
m.dh la-mid: manneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minweyn
(Minweyn-ta)
Naago nin wada qabo, tan uu ugu hor guursadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minweyn
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur horraysay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
minweyn
m.dh Naago nin wada qabo tan ugu guur horraysay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minweyn
f. n., [compound] senior wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minweyn
-ta: (n) first wife
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minweyn
de: senior wife Lit: large house
lx: minweyn
pd: (-ta)
ps: n1-f; n2-f-cmp
key: minweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
misleyn
m.f.dh eeg mislee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddeyn
(Muddeyn-ta)
Muddo ama waqti u yeelid, u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeyn
m.f.dh eeg muddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jadwalayn oo wax walba muudd uu dhacayo xaddidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddeyn
m.f.dh eeg siddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siigeyn
(Siigeyn-ta)
Siigo kicin, ku bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigeyn
m.f.dh eeg siigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) siigo kicin; siigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wilgeyn
(Wilgeyn-ta)
Wilgo qaadid, ka luuqin, ku heesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wilgeyn
m.dh la-mid: wigleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilgeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wilgayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax miige lagu mudmuday ahaansho (dhul-beereed). 2. Qof la miigeeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miridheyn
m.dh la-mid: mirdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidixeyn
(Bidixeyn-ta)
Xagga bidixda xigid; bidix ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidixeyn
m.f.dh eeg bidixee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidixeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) bidix wax ku samayn. Qofka gurran bidixeynta iyo midigayntu waa iskugu mid. Dh: bidixayn.
bidixeyn -ta: (magac, dhedig, keli) neef la lisayo bidixda ka joogsasho. Geela badhbaa bidixayn oo keliya lagu lisaa. Dh: bidixays. Li: midigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigeyn
(Dhiigeyn-ta)
Dhiig ka dhigid; dhiig ka keenid; dhiig u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigeyn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yeelasho.
dhiigeyn-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yaacin. Dh: dhiiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khidmeyn
m.f.dh eeg khidmee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxeyn
m.f.dh eeg madaxee.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxeyn
to head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la kaxaynayo mid ay dabakacaan hor wadid oo madax ay raacaan u yeelid. Lo'jirku madxeynta wuu yagaan. Dh: madaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggeyno
m.dh Sac ama hal aad u caano badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggeyno
-da: (magac, dhedig, keli) sac ama hal aad u caano badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciyeyn
m.f.dh eeg miciyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midabayn
(Midabayn-ta)
Midab u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabayn
m.f.dh eeg midabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midab ama midabbo kala jaadjaad ah u yeelid. Dh: naqshaday midabays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mideysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la mideeyay ahaansho (dad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mideysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la mideeyay ahaansho (dad). m.f.dh, mideysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mideysan
der. [adjective] united, unified
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mideysan
-mideysnaa: (adj)) united (yuunaaytidh); unified (yuni faayidh) ~ midaysan, isku-duuban
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mideysan
de: united, unified
lx: mideysan
pd: (mideysnaa)
ps: adj-der
key: mideysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midigays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg midigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milgeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Shabaag milgo ka dhigasho. 2. Ceel miileysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mingelyo
m.dh 1. Quraan la akhristo oo xirsi xir ah. 2. Labada cirguduudood. 3. Hantida ugu horreysa ee la siiyo gabar guur laga doonaayo aabeheed. la-mid: mingeliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minweyno
-da: (magac, dhedig, keli) xaasas la wada qabo islaanta u weyn ee loogu horguursado. Ninna minweynadiisa oo wanaagsan ma halladaadiyo. Li: minyaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murugeyn
m.f.dh eeg murugee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiddeyn
(Shiddeyn-ta)
Shiddo gaarsiin, badid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiddeyn
m.f.dh eeg shiddee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiddeyn
-ta: (n) the act of annoying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddo gaarsiin: shiddo badid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siiddeyn
(Siiddeyn-ta)
Wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siiddeyn
Rilasciamento
Release
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siiddeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la hayo faraha ka qaadid, ka wareegid, oodda ka rogid: siiddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigeyn
m.dh la-mid: dheddigeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digdigleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka dushiisa, si xoog ah u ordid oo cagaha dhulka la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mililigeyn
m.dh la-mid: miririgleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deyn
1. (Deyn-ka) a) Wax (lacag, kd.) qof qabo oo qof kale ama dad kale ka qabo; gashi. b) Jar, haadaan, laag.
2. (Deyn-ta) Dhaafid, ka aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyn
deyn¹: m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar.
deyn²: m.f.dh eeg daa. la-mid: dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deyn
m.l (-no, m.l) 1. Lacag iyo wixi lamida oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar. la-mid: dayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Credit, Debt
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deyn
Loan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deyn
f. n./m: debt; debit, credit, liabilities
deyn vl. n. abandoning, leaving; letting someone alone