middood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
middood
-da: (magac, dhedig, keli) labo la garanayo mid ka mid ah. Labada hablood middood shaqa gee. Dh: midkood. Li: midna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biddood
m.l.u Dad la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoomo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biddood
m. n., [collective] slaves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biddood
-ka: (magac, lab, keli) addoon noqosho. Dh: addoomoow, addoonnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biddood
de: slaves
lx: biddood
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: biddood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddood
m.l.u la-mid: cirdood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciddood
m.l.u eeg ugaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midkood
num phr. one of them
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midkood
(pronoun) one of them
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midkood
de: one of them
lx: midkood
ps: num phrase
key: midkood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addin
(Addin-ka)
1. Lugaha iyo jeenyaha iyo gacmaha middood.
2. Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama aadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasime
(Agaasima-ha)
1. Nin wax agaasima.
2. Nin ka madax ah, qaybaha taliska, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqool
(Aqoo-sha)
1. Wax dad badan ka dhexeeya (cunno) kala agaasin iyo qayb-wanaaggooda.
2. Gooraha wax la cuno middood.
3. Sooryo; qorshe.
4. Wadid, meelgeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baab
(Baab-ka)
1. Qaybaha ama xubnaha kitaabka middood, fasalka ka weyn.
2. Jaad; nooc; jinsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballaar
(Ballaar-ka)
Waxa jirka leh, saddexda siyood oo loo cabbiro (dherer, ballaar, qoddo) middood; ballac; toox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biixi
(Biixi-da)
Lafaha dheerdheer oo ad'adag oo nafleyda middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bil
(Bi-sha)
1. Dayaxa waaxdiisa hore ama danbe oo uu u ekaado qaanso afafka u dhuuban oo dhexda u weyn; dayuxu markuu dhasho ama sii dhammaana hayo.
2. Soddonka maalmood oo u dhexeeya dhalashada iyo dibbadka dayaxa; 12ka qaybood oo sanada, middood; afar toddobaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushin
(Bushin-ta)
1. Labada cad oo hilibka ah oo afka ku qaraysan middood; dibin; faruur.
2. Bushi gelin; durid; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbaar
1. (Cabbaar-ka) In waqti ah oo aan dheerayn; nabar.
2. (Cabbaar-ta) Dhabbaha gaadiidku qaado, jagooyinka uu u qaybsan yahay, oo hadba mid la dego oo lagu nasto, middood; minqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caleen
(Caleen-ta)
Xubnaha yaryar oo balballaaran oo xalxalleefsan, oo badanaa cagaarka ah oo laamaha geedaha ka baxa, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilaacil
(Cilaaci-sha)
Lafaha yaryar oo cagta middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daan
1. (Daan-ka) Afka labadiisa lafood oo ad'adag oo ilkuhu ku yaalliin, middood.
2. (Daan-ta) Gow; qar; af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafoor
(Dhafoor-ka)
Wejiga labadiisa dhinac: meelaha godgodan oo indhaha iyo dhegaha u dhexeeya, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhareerrey
(Dhareerrey-da)
Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lowga iyo canqawga middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhud
(Dhud-da)
1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood.
2. Suuman ama xargo, qalab ka kooban yahay, midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuub
(Dhuub-ka)
1. Waxyaalo dhawr ah oo laysku xiray ama laysku duubay; xirmo.
2. Daliig mayrax ah ama wax la mid ah.
3. Sacab muggi; dhererto; xantoobo.
4. Ubaxa docihiisa middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dool
1. (Dool-ka) Doolaalo ku yimid, dal kale ka yimid; doolaal.
2. (Doo-sha) a) Barida dadka labadeeda qaybood middood. b) Doon yar oo webiyada lagaga tallaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Far
(Far-ta)
1. Xubnaha dhuudhuuban oo ciddiyuhu ku yaalliin oo sacabbada iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood.
2. Ereyo ama hadal ama xuruuf qoran ama daabacan; hab wax loo qoro; qoraal duwan oo qolo u gaar ah.
3. Waraar yar oo biyo jeexeen ama looguba talaggalay inay maraan; biyammareen; kanaal; keli; gacan; tog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraaci
(Faraaci-da)
Xiddigaha raqaha la yiraahdo oo dayuxu maro, tan ugu horraysa oo la yiraahdo godinta, saddexda xiddigood oo ay ka kooban tahay, middood; labada kale waxaa la kala yiraahdaa foocaar iyo fildarro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farraar
(Farraar-ta)
Gantaha middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midoob
inch. v. become one, unite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midoob
-ay -een / midownay: (v) unify (yuni-faay); unite (yunaayt); amalgamate (a maal gameeyt); integrate (in 'ti gareeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midoob
(fal) ku biir oo la midow dad kale. Dh: midow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midoob
a: midow
de: become one, unite
lx: midoob
pd: (midoobay)
ps: v1=inch
key: midoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirood
-ka: (magac, lab, keli) xoolo habeennimo daaqa; qof saq dhexe cunto u toosa. Lo' mirood ah ayuu libaax helay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddood
m.l.kh C. ah: meseggo cad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddood
m.l.kh C. ah: meseggo cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlood
m.f.l eeg cidloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidlood
m.l eeg cidloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidlood
inch. v. feel lonely, feel alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cidlood
-ay I cidlootay: (v) be without companionship, feel lonesome, alone or lonely
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlood
-ka: (magac, lab, keli) wehel la'aan dareemid; cidla' dareemid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidlood
de: feel lonely, feel alone
lx: cidlood
pd: (cidlooday)
ps: v3a=inch
key: cidlood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdood
m.l.u Ugaadh. la-mid: ciddood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirdood
m.l.u Ugaar. la-mid: ciddood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddood
m.l la-mid: deddood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddood
-ka: (magac, lab, keli) qadhqadhyoodka dhaxan iyo qabaw keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddood
m.f.l eeg deddoo. la-mid: daddood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddood
m.l eeg deddoo. la-mid: daddood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddood
-ka: (magac, lab, keli) qadhqadhyoodka dhaxan iyo qabaw keenaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jid'ood
(fal) cid kale, garta geed ama maxkamad lagu qaadayo kula dood xujooyin oo ka badi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidbood
m.f.l eeg jidboo. la-mid: jadbood, jalbood, jibbood, jilbood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidbood
m.f.l eeg jidboo. la-mid: jadbood, jalbood, jilbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbood
-ka: (magac, lab, keli) jacayl iyo qiiro ku heshay la muraagoosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
middaad
m.dh la-mid: maddaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
middeed
(pronoun) one of them
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miidoob
inch. v. turn into nectar ~ syrup
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miidoob
de: turn into nectar ~ syrup
lx: miidoob
pd: (miidoobay)
ps: v1=inch
key: miidoob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riddoob
inch. v. apostatize, give up one's faith
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riddoob
a: riddow
de: apostatize, give up one's faith
lx: riddoob
pd: (riddoobay)
ps: v1=inch
key: riddoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddoodow
f.mg1 (-doobay, -dowday) Ciddood noqosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midkoodna
(pronoun) neither (niith-ar); none of them
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miidoobid
(Miidoobid-da)
Miid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miidoobid
m.f.dh eeg miidow.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Muddulood
nickname-m unified; united
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riddoobid
(Riddoobid-da)
Diin ka bixid, nicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riddoobid
m.f.dh eeg riddow². la-mid: riddow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta ka bixid oo gaalnimo ku noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddigod
m.l Geed leh laamo dhuudhuuban, caleen yar iyo qodxo qaroofan. la-mid: cinjigod.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CIDDIGOD
Acacia zizyphispina 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDDIGOD
(Iddi-god) C Acacia zizyphispinosa Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiddooy
m.dh.kh Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Nacas; dabbaal; caaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddooye
-ha: (magac, lab, keli) doqon; caaq; nacas; dabbaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddooyo
m.dh la-mid: maddooyammaddooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddooyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maddooyamaddooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midoobid
(Midoobid-da)
Mid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midoobid
m.f.dh eeg midow². la-mid: midow¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midoobid
-da: (n) the act of uniting (yu-naay ting) unification (yuni-fikeey shin); confederation (kon fa dareey shin); union (yuun'yan) midow-ga; isu-tag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid qudh ah oo kelidii ah noqosho. Dh: keliyoobid, gooniyoobid.
midoobid -da: (magac, dhedig, keli) isku tegid ay laba dhinac iyo in ka badani isku tegaan oo ay mid u noqdoon dhib iyo dheefba. Islaamku midoobid ayuu inna amray: Dh: midoobis, midnimo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIDQOOLI
(Midgoli) C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mikadoor
name-m very active and clever; the best
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MIRIYOOD
Grewia tembensis 03
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRIYOOD
(Miriyod) C Grewia tembensis Fres. Yiliaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Muddo-da
période.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiidgood
m.l Xiidxiito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigood
m.l la-mid: dheddigood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiddigood
m.l la-mid: dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laamaddood
(Laamaddood-ka)
Hurdo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamaddood
m.f.l eeg laamaddoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laamaddood
m.f.l eeg laamaddoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laamaddood
m. n. nap, short sleep
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laamaddood
cf: hurdo ~ hurud
de: nap, short sleep
lx: laamaddood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: laamaddood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabdoori
f.g2 (-iyay, -isay) Wax midab ka beddelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midabdoori
v. change the color ~ appearance of someone ~ something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midabdoori
de: change the color ~ appearance of s.o. ~ s.t.
lx: midabdoori
pd: (midabdooriyey)
ps: v2a=tr
key: midabdoori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dood
1. ° (Dood-ka) Kabaha Soomaalida jaad kamid ah.
2. (Dood-da) Hadal; dabuub; baane; muran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dood
dood¹: m.dh (-do, m.l) Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro.
dood²: m.dh (-do, m.l) 1. (xisaab) Marka laga hadlayo loojig, waa susun hawraaro ama weedho ah oo ka bilaabanta urur qaadashooyin ah kuna dhammaata go'aan. 2. (xisaab) Urur hawraaro ama weedho ah oo loo yaqaan afeef iyo hawraar lagu soo gooyay oo loo yaqaan go'aan.
dood³: f.mg1 (-day, -dday) Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫod
m.l.kh D. ah: nooc kabaha ka mid ah oo saanta geriga laga sameeyo.