micraaj
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Micraaj
(Micraaj-ka)
Habeenka Nebi Maxamed Quddus laga dheelmay oo samada la geeyey (Rajab, habeenka 27d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micraaj
m.l (dii.) Habeenkii Nebi Maxamad (n.k.h.a.) samada loo korsiiyay (27 bisha rajab).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Micraaj
m. n. night the Prophet Mohammed was transported to heaven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micraaj
-ka: (magac, lab, keli) dheelmintii Nebigeennii suubanaa, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, loo dheelmiyey samada kore. Safarkii Rasuulka ee Maka iyo Quddus waxa la yidhaa israa dheelmintiina waxa la yidhaa micraaj.
micraaj -ka: (magac, lab, keli) habeenkii Nebi Muxamad SCW magaalada Beytul-quddus laga duuliyay ee samada la geeyey oo xuskeedu ku beegan yahay bisha rajab 27keeda. Habeenka micraajka siiraha Nebiga ayaan akhriyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Micraaj
bw: Arabic
de: night the Prophet Mohammed was transported to heaven (his midnight journey from Jerusalem to the seven heavens on the 27th day of Rajab)
lx: Micraaj
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: Micraaj
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bureeqa
-da: (magac, dhedig, keli) geenayadii nebi Muxamed lagu qaaday habeenkii Micraajka ee samada loo qaaday ama lagu dheelmiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rajab
cf: Micraaj
de: seventh month of the Muslim lunar calendar
lx: Rajab
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: Rajab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Icraab
(Icraab-ta)
(naxwe) Rogrogidda ereyada iyo tixaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
icraab
icraab¹: m.dh (-bo, m.l) (naxwe) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay.
icraab²: f.g1 (-bay, -btay) (naxwe) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. la-mid: icraabi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
icraab
icraab¹: m.dh (-bo, m.l) (naxwe) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay.
icraab²: f.g1 (-bay, -btay) (naxwe) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. m.f.dh, icraabid. la-mid: icraabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
icraab
f. n. drills, exercises {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
icraab
-ta: (n) [Grammar]: sentence structure which may include as subject, object, verb, preposition; conjugation (kaanjigeeyshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
icraab
-ta: (magac, dhedig, keli) isrorogidda ereyada iyo tixaha hadalka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
icraab
bw: Arabic
de: drills, exercises {grammar}
lx: icraab
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: icraab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miraaf
(Miraaf-ka)
Socsocod aan toos loo socon; warwareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miraaf
miraaf¹: m.l Warwareeg badan oo aan ujeeddo lahayn oo meelo badan lagu tago. la-mid: miraafid.
miraaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Miraf sameyn ama meelo warwareegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miraaf
v. wander about, take a roundabout course ~ way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraaf
(fal) warwareeg oo socsoco. Orod oo dhulka miraaf. Dh: duur.
miraaf -ka: (magac, lab, keli) socod aan toosnayn; warwareeg. Miraafka ka fadhiiso. Dh: dinal meehannaw. Li: barraah, dhacadiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miraaf
de: wander about, take a roundabout course ~ way
lx: miraaf
nt: miraaf (ka) [vn-m], miraafid (da) [vn-f]
pd: (miraafay)
ps: v1=intr
key: miraaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraaj
m.l la-mid: siraad¹ (1).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Siraaj
name-m lighted torch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraaj
-ka: (magac, lab, keli) ilays, iftiin, nuur. Li madow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micyaan
m.l (-nno, m.dh) Hunguriga cuntadu marto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Minhaaj
-ka: (magac, lab, keli) kitaab xukunka shareecada aad ugu xeeldheer oo aad loo soo koobay, waxa dejiyey Imaam Nawaawi, Rabbi naxariistii janno ha siiyee. Muqni iyo Irshaad iyo Minhaaj kama qadnaadeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mixraab
(Mixraab-ka)
Masaajidka gudihiisa, meesha imaamka dadka tujiya loo sameeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mixraab
m.l (dii.) Maasaajidka gudihiisa meesha imaanka dadka tujiya loo sameeyo oo dhismo yar oo kuusan oo bannaanka u baxsan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mixraab
m.l (dii.) Maasaajidka gudihiisa meesha imaanka dadka tujiya loo sameeyo oo dhismo yar oo kuusan oo bannaanka u baxsan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mixraab
n. niche ~ slab in a mosque indicating the direction of Mecca; altar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mixraab
-ka: (magac, lab, keli) meel dhinaca qiblada ee masaajidyada dhexdooda ah oo gulac yar oo imaamku joogsado ah kolka uu salaadda dadka tujinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mixraab
de: niche ~ slab in a mosque indicating the direction of Mecca; altar
lx: mixraab
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: mixraab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. la-mid: miiroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiraale
-ha: (magac, lab, keli) roob weyn oo ungod iyo daroora cufan leh. Waxaa mayay soo madaw waxaa miiraale yimid ninkii meelloow ka roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirnaan
(Miirnaan-ta)
Wax miiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirnaan
m.f.dh eeg miiran². la-mid: miirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirnaan
f. n., [abstract] state of being filtered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miiran ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirnaan
de: state of being filtered
lx: miirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: miirnaan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mica
mica, n.m. - macdan: miika.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mira
s.f. - shiishid(da).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iraab
-ta: (magac, dhedig, keli) bir yar oo dhuuban iyo caag dhexda ka daloola oo biyo daawo ah lagu shubo oo noolaha buka lagu mudo. Dh: irbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iraad
-ka: (magac, lab, keli) cashada habeenkii la cuno. Dh: xiraad, xeraad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Israa
name-f nocturnal journey, night journey of Prophet Muhammad from Mekka to Jerusalem
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiraa
m.l Wan gaboobay oo aan xoog iyo baruur midna u harin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiraa
-ga: (magac, lab, keli) asali waqti aad u dheer ku sinnaa; curad aan ugub cusub ahayn. Dh: curad, ab'ogaa, asali, sooyaal. Li: cusayb.
jiraa-ga: (magac, lab, keli) wan gaboobay oo aan xoog iyo baruur midna u harin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraa
(Maraa-ga)
Geed sida quraca u weynaada oo qodax leh oo laf adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraa
m.l (maraa, m.dh) Geed qodax leh oo laf adag. la-mid: maraay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraa
m. n., [collective] acacia tree species, its hard wood is used for construction
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARAA
(Marai) Og, N, C Acacia nilotica (L) Del. Mimosaceae.
S Albizia amara (Roxb.) Boiv. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraa
-ga: (magac, lab, keli) geed weynaada oo qudhaca iyo galoolka ay isku bah yihiin oo asalka iyo geydhaha laga gurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraa
a: maraay (ga)
de: acacia tree sp., its hard wood is used for construction
lx: maraa
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: maraa
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Micro
Maykro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
micro
/maykaro/ (n) aad u yar, qurub.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
micro
pref. - hor kabe tilmaama yaraan ama wax yar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
micro
micro, préf. - yar; horgale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miira
(Miira-da)
Bisha 2d. oo dayaxa; Safar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miira
m.dh Bisha labaad oo sanad dayaxeedka; safar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Miira
f. n. second month of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Miira
-da: (magac, dhedig, keli) bisha 2aad ee bilaha dayaxa. Bishii Miira ayaa bilaabatay. Dh: Saffar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Miira
de: second month of the Somali lunar calendar
lx: Miira
pd: (/da)
ps: n-f-time
syn: Safar
key: Miira
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirad
-ka: (magac, lab, keli) habeen daaqid; saq dhexe wax cunid. Awr mirad bartay lama karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Qof roob ama col miray ahaansho. 2. Qof ama wax la miray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Qof roob ama col miray ahaansho. 2. Qof ama wax la miray ahaansho. m.f.dh, mirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miray
(fal) midho yeelo, miro dhal. Geedyaha miray waaka roobku kuu da'aye. Dh: midhay, midhee, miree.
miray: (fal) ereyo maansa ah oo qaafiyad iyo habdhac leh samee. Bal buraanbur noo miray. Dh: allif, samee, midhee.
miray-ga: (magac, lab, keli) geed midho dhala oo si fiican u mudheeya. Dh: mudhay.
miray-ga: (magac, lab, keli) roob habeen da'a. Dh: mirayso, mirayso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mirra
s.f. malmal; murre.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mitra
s.m. e invar. boobe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyaa
Miyaa?
Mawaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyaa
qr.we Qurub tilmaamaya in ay su'aali saaran tahay ereyga ama weerta uu weheliyo. Tusaale: “Wiilasha miyaa yimid?”, “Miyuu Cali yimid?”, “Miyuusan Cali imaanayn?”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyaa
qr.we (naxwe) Qurub tilmaamaya in ay su'aali saaran tahay ereyga ama weerta uu weheliyo. Tusaale: Wiilasha miyaa yimid? Miyuu Cali yimid? Miyuusan Cali imaanayn?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyaa
question word,: is / was it so?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyaa
[interrogative word] is this...? Ex: gabadh miyaa? is this a girl?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyaa
(magac'uyaal) erey weydiineed la macno ah: Sidaa ma tahay? Ma sidaas baa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyaa
de: is / was it so?
lx: miyaa
ps: qw + focus
xe: Is this house yours?
xv: ma ... baa
key: miyaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaj
-ka: (magac, lab, keli) qof xanuunsan daaweyntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciraab
(Ciraab-ta)
Fasaaxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciraab
m.dh Hadal xigmad badan oo qoto dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciraab
m.dh Hadal xigmad badan oo qoto dheer. cirbad m.dh la-mid: irbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciraab
f. n. eloquence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciraab
-ta: (n) the study of structural relationships in grammar or in a language ~ icraab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciraab
-ta: (magac, dhedig, keli) fasaaxo iyo hadalkarnimo. Dh: fasaaxad.
ciraab -ta: (magac, dhedig, keli) fiiro xasuuseed oo xilli hore wax dhacay uu qofku dib maankiisa uga helo. Dh: ciraabo, xasuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciraab
de: eloquence
lx: ciraab
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: ciraab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ciraaq
pr. n., loc. Iraq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Ciraaq
(n) Iraq (iraak)-, Baghdad is the capital and largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Ciraaq
de: Iraq
lx: Ciraaq
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
key: Ciraaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraac
(Diraac-da)
Afarta nur oo sanadu u qaybsanto, mid kamid ah; wuxuu u dhexeeyaa dayrta iyo guga; Jiilaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraac
m.dh 1. Afaarta xilli oo sanadku u qaybsamo, mid ka mid ah oo u dhexeeya dayrta iyo guga; jilaal. 2. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diraac
m.dh 1. Afarta xilli oo sanadku u qaybsamo, mid ka mid ah oo u dhexeeya dayrta iyo guga; jilaal. 2. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diraac
f. n. dry season (approximately December through January)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diraac
name-m dry season; autumn (born during that season)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diraac
-da: (n) dry season (draay siiseri) ~ jiidaal, jiilaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraac
-da: (magac, dhedig, keli) afarta xilli ee sannadku u qaybsamo middood oo u dhaxaysa gu'ga iyo dayrta. Dh: jiilaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Diraac
cf: Jiilaal, xilli
de: dry season (approximately December through January)
lx: Diraac
pd: (-da)
ps: n1-f-time
key: Diraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraal
(Diraal-ka)
(guddi, ergo, kd.) meel loo diray oo la faray hawl gaar ah qabashadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraal
m.l (-llo, m.dh) 1. Dad meel loo diray oo la faray iney qabtaan hawl gaar ah. 2. Muhimad gaar ah oo diraal loo xilsaaray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diraal
vl. n. emissary, delegate; group of emissaries, delegation; act of sending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraal
-ka: (magac, alb, keli) dhambaal qoraal ah ama farriin ergo ah oo la isku diro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diraal
de: emissary, delegate; group of emissaries, delegation; act of sending
lx: diraal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: diraal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaaj
m.l la-mid: digaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaaj
-ka: (magac, lab, keli) mid shinbiraha ka mid ah la dhaqdo oo gogorrida u eg. Dh: digaag, diyaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giraam
m. n. gram (weight)