micnagarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micnagarasho
m.dh la-mid: macnagarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macnagarasho
m.f.dh eeg macnagaro. la-mid: micnagarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnagarasho
-da: (magac, dhedig, keli) fahmid o sida wax looga qaban karo helid. Inta aanad arrin gudagalin macnagarashada ayaa muhim ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
micnagaro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: macnagaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangarasho
m.f.dh eeg maangaro. la-mid: maangarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangarasho
-da: (magac, dhedig, keli) maanka waxa lagu hayo sii garasho. Hooyadu maangarsho ayay ilmaheeda ku korisaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micnaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) fasirasho oo sida ay kuula muugato u laqmaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaarasho
m.f.dh eeg ijaaro².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macnagaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Qof ujeeddadiisa fahmid. la-mid: micnagaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macnagaro
v. understand the meaning ~ catch the significance of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnagaro
(fal) fahan oo sida wax looga qaban karo hel. Waar bal gaadhigan macnagaro waan fahmi waayayee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macnagaro
de: understand the meaning ~ catch the significance of s.t.
lx: macnagaro
nt: macnagarasho (/da) [vn-f]
pd: (macnagartay)
ps: v3b=tr
key: macnagaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarasho
m.f.dh eeg cagaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamarasho
m.f.dh eeg ibamaro. la-mid: ibamarad, ibamaryeysad, ibamaryeysasho, ibamaryeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingaxasho
m.dh la-mid: ningaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milnaansho
m.l/dh eeg milnow. la-mid: milnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milnaansho
-ha: (magac, lab, keli) ku dhex baabi'id uu shey adke ahi ku dhex baaba'o shey kale dhexdii; biyo ama dareere isku beddelid.
milnaansho -ha: (magac,lab, keli) dhaqan aan kaagii ahayn ku dhex baaba'id oo dhaqankaagii ka carraabid. Dh: dhaqangadid.
milnaansho -ha: (magac, lab, keli) cadho iyo ciil dulmi ka kacay cuqdad ka qaadid; dulmi iyo julul badan dareensanaansho. Dh: ciilkaambid, clilcunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirnaansho
m.l/dh la-mid: mirnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
munaaqasho
-munaaqashada: (n) discussion (diskashan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dood iyo talo isdhaafi ku saabsan arrin gaar ah. Dh: falanqayn, doodcilmiyeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ningaxasho
m.f.dh eeg ningaxo. la-mid: lingaxasho, niggaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaarasho
(Siyaarasha-da)
1. Siyaaro ugu tegid; booqasho.
2. Qof dhintay xus u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaarasho
m.f.dh eeg siyaaro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) siyaaro ugu tegid; booqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macnaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meegaarasho
m.dh la-mid: maageerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayndaab ku wareejisasho; maageer samaysasho. Dh: wareejisasho, ijaarasho, dayrasho, maageerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinaysasho
m.f.dh eeg miinayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaamasho
m.f.dh eeg miisaamo. la-mid: miisaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisaanasho
m.dh la-mid: miisaamasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tashiilasho; yaryaraysasho. Mitaarsashadu aday dantaa tahay.
mitaarsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kula mid ah yaraysasho oo yasid. Mitaarsadkii Bilaal rag bay balaayo ka raacday. Dh: xaqirid. Li: ixtiraamid, qaddarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaarasho
m.dh la-mid: musmaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musbaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) musbaar ku dhejisasho. Dh: musbaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musmaarasho
m.f.dh eeg musmaaro. la-mid: musbaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacdaarasho
m.f.dh eeg tacdaaro. la-mid: tad-caarasho, tamcaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacdaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef xoolo ah Ilaah dartiis u qalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
timajarasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iska xiirid; jarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhagarasho
-da: (magac, dheddig, keli) qof, muuqiisa garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiingaarasho
m.f.dh eeg tiingaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciyalisasho
m.f.dh eeg miciyaliso. la-mid: micilisad, micilisasho, miciyalisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgarasho
m.f.dh eeg afgaro. la-mid: afgarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afgarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadayasho
m.f.dh eeg cadayo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadayasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilkaha nadiifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagagashi
-ga: (magac, lab, keli) wax kasta oo cagaha la geliyo, sida kabaha, shuraabaad iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarasho
(Dhaarasha-da)
Dhaar marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarasho
m.f.dh eeg dhaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaarasho
vl. n. act of swearing, taking an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaarasho
-dhaarashada: (n) swearing (sweeting)-, oath-giving; vow (wow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaar gali. Magaca Eebbe marid. Dh: dhaarad.
dhaarasho -da: (magac, dhedig, keli) si aad u hubiso inaad run sheegaysid, wax kugu weyn oo aad rumaysan tahay ku adkayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaarasho
de: act of swearing, taking an oath
lx: dhaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isbarasho
(Isbarasha-da)
Midba midka kale aqoon u yeelasho, barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbarasho
vl. n. act of getting to know one another
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbarasho
-isbarashada: (n) acquaintance (a-kuweeyntansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) mid ba midka kale aqoon u yeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isbarasho
de: act of getting to know one another
lx: isbarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: isbarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsasho
(Maarsasha-da)
1. (wax ka maarsasho) cabsasho, biqid.
2. Ka fursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarsasho
m.f.dh eeg maarso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maarsad.
maarsasho -da: (magac, dhedig, keli) ka cabsi maarsasho ayaa ku jirta wiilka yar. Dh: bigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansho
m.l/dh la-mid: macaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansho
-ha: (magac, lan, keli) wax macaan ahaan, Macaanshaha badan waan nebcahay.
macaansho -ha: (magac, lab, keli) hilib mac oo fiican lahaansho, Macaluusha xoolaha leh waa laga macaadaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaraaso
-da: (magac, dhedig, keli) bahal badda ku nool oo malada iyo garfaadka la jaad ah oo af kala jeexan leh. Badda kolkaad gasho magaraaso yayna ku xagan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MAQNAASHO
Assenza
Absence

Maqnaasho
Assenza
Absence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minnaarad
-da: (n) lighthouse (laaythaws); beacon (bii'ken) ~ munnaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagaansho
m.l/dh la-mid: negaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg nagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sajarasho
(Sajarasha-da)
Qof ama dad kale oo aan waxba galabsan la tegid, u baas noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sajarasho
m.f.dh eeg sajaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sajarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sajarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax siman ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaarasho
(Ugaarasha-da)
Ugaar doonasho; ugaar raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarasho
m.f.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarsasho, ugaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarasho
-ugaarashada: (n) hunting (han-tin-ing); the act of hunting ~ ugaarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarasho
a: ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bargarasho
m.f.dh eeg bargaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bargarasho
-da: (magac, dhedig, keli) lexjeclo iyo barjacayl. Sida loo kala bargarasho fiican yahay ayaa loo kala dhaqasho fiican yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaabasho
(Bilaabasha-da)
Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabasho
m.f.dh eeg bilaabo. la-mid: billaabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaabasho
vl. n. beginning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaabasho
-bilaabashada: (n) commencement (ko-mensi-ment); beginning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama wax kale ka shaqayntii gudagalid. Kol haddii amar lagu siiyay bilaabashada hawsha adaa ikhtiyaar u leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilaabasho
de: beginning
lx: bilaabasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bilaabasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilnaansho
m.l/dh la-mid: bilnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg bilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaanasho
(Canaanasha-da)
Hadal canaan ah ku dhihid; xaarxaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanasho
m.f.dh eeg canaano. la-mid: canaanad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaanasho
vl. n. scolding; shouted instructions, nasty order; grumbling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanasho
-da: (magac, dhedig, keli) haaraamidda iyo guulguulidda cid gef samaysay ama hawl loo diray si aan habboonayn ka yeeshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaanasho
de: scolding; shouted instructions, nasty order; grumbling
lx: canaanasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: canaanasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsasho
m.f.dh eeg cararso. la-mid: carareysad, carareysasho, carareysi, cacarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidnaansho
m.l/dh la-mid: cidnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cignaansho
m.l/dh la-mid: cignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacarasho
(Dhacarasha-da)
Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhacar daaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarasho
m.f.dh eeg dhacaro. la-mid: dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.