ereyga

micigabaarrey

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

micigabaarrey

DHAN

m.dh 1. Islaan carruur badan dhashay oo reerka mulkisay. 2. Abeesa weyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

micigabaarrey

DHAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) islaan carruur badan dhashay oo reerka mulkisay.

2

micigabaarrey -da: (magac, dhedig, keli) abeeso weyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

micigabaar

DHAFANDHAAF

m.l.kh 1. M. ah: rati xooggiisu u dhanyahay. 2. M. ah: nin da'weyn oo garasho badan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

micigabaar

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) rati xooggiisu u dhan yahay.

2

micigabaar -ka: (magac, lab, keli) nin da'weyn oo garasho badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidgabaarre

DHAFANDHAAF

m.l 1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka saddex iyo labaatanaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jidgabarre

DHAFANDHAAF

Xiddigaha cirir mid kamid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jidgabarre

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] name of a star; period in the season of spring

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidgabarre

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) xidigaha cirirka mid ka mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jidgabarre

DHAFANDHAAF
1

de: name of a star; [ext.] period in the season of spring

2

lx: jidgabarre

3

pd: (/ha)

4

ps: n-m-cmp

5

key: jidgabarre

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fiidcaarre

DHAFANDHAAF

m.l (-ayaal, m.l/dh) Fiid-horaad. la-mid: fiidcarre.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

micilibaax

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg ciddilibaax.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

micinlaawe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof aan naxariis iyo kaalma midna lahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

miinosaare

DHAFANDHAAF

-ha: (n) minesweeper

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miishaaree

DHAFANDHAAF

f.g2 (-reeyay, -reeysay) la-mid: miinshaaree.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

miishaaree

DHAFANDHAAF

v. saw

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

miishaaree

DHAFANDHAAF
1

de: saw

2

lx: miishaaree

3

pd: (miishaareeyey)

4

ps: v2b=tr

5

see: miinshaaree

6

key: miishaaree

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagaboorley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg cagaboodhley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magacdarree

DHAFANDHAAF

f.g2 (-reeyay, -reysay) Cid sumcaddeeda xumeyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Miciindarro

DHAFANDHAAF
1

(Miciindarra-da)

2

Miciin la'aan; jimicdarro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miciindarro

DHAFANDHAAF

m.dh Kaalma la'aan. la-mid: maciindarro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

miciindarro

DHAFANDHAAF

f. n., [abstract] harshness, hardness of heart, lack of help ~ support

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miciindarro

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) miciin la'aan; gargaar xumo. Miciindarro darteed ayuu odaygu u adeegtaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

miciindarro

DHAFANDHAAF
1

a: maciindarro

2

de: harshness, hardness of heart, lack of help ~ support

3

lx: miciindarro

4

pd: (/da)

5

ps: n6-f-abs

6

key: miciindarro

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Miciinlaawe

DHAFANDHAAF
1

(Miciinlaawa-ha)

2

Qof aan cid miciin u gelin, jimic daran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miciinlaawe

DHAFANDHAAF

m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan naxariis, iyo kaalma midna lahayn. la-mid: maciinlaawe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

miciinlaawe

DHAFANDHAAF

m. n. (adj.): merciless person, one unable to give support; cruel, hard; destitute

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miciinlaawe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof aan cidna miciin u gelin cidna u gargaarin. Miciinlaawe arxan ma leh. Li: baarri, adeege.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

miciinlaawe

DHAFANDHAAF
1

de: merciless person, one unable to give support; [atr.] cruel, hard; [ext.] destitute (either the victim of cruel people or a person who has no heart)

2

lx: miciinlaawe

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: miciinlaawe

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

midigsaar_1

DHAFANDHAAF
1

de: handshake

2

hm: 1

3

lx: midigsaar

4

pd: (-ka)

5

ps: n2-m-cmp

6

key: midigsaar_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

midigsaar_2

DHAFANDHAAF
1

de: shake hands, give s.o. a handshake, greet

2

hm: 2

3

lx: midigsaar

4

pd: (midigsaaray)

5

ps: v1=tr

6

xe: Shake hands! (i.e., reconcile with each other)

7

xv: Is midigsaara!

8

key: midigsaar_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Midigsaarid

DHAFANDHAAF
1

(Midigsaarid-da)

2

Salaamid; gacanqaadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

midigsaarid

DHAFANDHAAF

m.f.dh la-mid: midigsaar¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

midigsaarid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gacanta midig isku salaamid. Dh: gacanqaadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miinshaaree

DHAFANDHAAF

f.g2 (-reeyay, -reysay) Miishaar wax ku goyn. la-mid: miishaaree.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

miinshaaree

DHAFANDHAAF

v. saw, cut something with a saw

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

miinshaaree

DHAFANDHAAF
1

a: miishaaree

2

de: saw, cut s.t. with a saw

3

lx: miinshaaree

4

pd: (miinshaareeyey)

5

ps: v2b=tr

6

key: miinshaaree

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miishaareyn

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: miinshaareyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhirabaareed

DHAFANDHAAF

m.dh (-ryo ..., m.dh) (botani) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magacdarreyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg magacdarree. la-mid: magacdarreys.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magacdarreys

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: magacdarreyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

MICI-BEEREED

DHAFANDHAAF

(Mibered) S Vahlia somalensis Chiov. Crassulaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miinshaareyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg miinshaaree. la-mid: miishaareyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saakacaarrey

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) maanta subaxdii hore. Dh: hiir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miriqshaanley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) inan aad u xarrago badan.

waa la naqliyay ✓