mi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mi
pron. - i, ii (aniga oo fale ahayn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mi
mi-, préf, - ugu dhexeeya; dhexda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadane
(Aadana-ha)
Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aashaa
(aash-)
Si miyir iyo xasilloonaani ku jirto; aayar, tartiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso
(Abeesa-da)
Jaadad badan oo halaqa ka mid ah oo qaarkood waabaayo lee yihiin. Waxaa jira jaadad addimmo leh oo iyagana abeeso lagu magacaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso-lugaley
(Abeeso-lugaley-da)
Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abguri
(Abguri-da)
Jaadadka abeesada midkood; beey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboodi
(Aboodi-ga)
Haadka jaad ka mid ah oo weyn oo afka iyo lugaha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abqo
(Abqa-da)
Quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galal dheerdheer oo laba qalbac ah oo kolkay engegaan furma); geydhe; mergiyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abris
(Abris-ka)
1. Halaqa waabaayada leh jaad ka mid ah.
2. Halaq duqoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurcas
(Abuurcas-ka, Abuurcas-ta)
Meseggada jaad ka mid ah oo midabkeedu cas yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adaar-biciid
(Adaar-biciid-ka)
Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga; wuxuu lee yahay, miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addin
(Addin-ka)
1. Lugaha iyo jeenyaha iyo gacmaha middood.
2. Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama aadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeege
(Adeega-ha)
Hawlqabte; xoojiye; midiidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adeegid
(Adeegid-da)
Hawl cid u qabasho; midiidimid; qabbaanid; xoojin; shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbi
(Afgenbi-ga)
Taliskii hore oo xoog lagu rido oo mid kale oo cusub la curiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasime
(Agaasima-ha)
1. Nin wax agaasima.
2. Nin ka madax ah, qaybaha taliska, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhdar
(Akhdar-ka)
Midabka caleemaha qoyan; cagaar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ami
ami, adj et n. - Saaxiib;
petite amie - Saaxiibad
ami (camarade, en politique) - Jaalle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imi
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imi
de: I came
lx: imi
ps: v4b-1sg-past
key: imi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mai
avv. - marna, abadan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mai
mai, n.m. - Bisha shanaad ee sannadka miilaadiga; Maajo; Meey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mi'
m.l Kaltan biyo qaybsiyeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mi'
-a: (magac, lab, keli) kaltan biyo qaybsiyeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mid
1. (Mid-da) Meermeerto weyn oo badda kore ka dhex samaysanta.
2. (Mid-ka) Tirada labada ka horraysa; keli ah; aan la wehelin; kow; hal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mid
mid¹: m.l.t 1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tusaale: “Labadii m. baa yimid”. 2. Dad is- raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iyo wixi lamida cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.
mid²: m.dh 1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.
mid³: f.g1 (-day, -dday) Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mid
mid¹: m.l.t 1. Erey wax lab oo keli ah tilmaama; hal. Tusaale: Labadii m. baa yimid. 2. Dad is- raacsan oo isku ujeeddo ah. 3. Kala m. ah: wax kala duwan. 4. Kala m. ah: fikrad, muuqaal, midab iyo wixi lamida cid ka raacid. 5. Jiididda la jiido shaqalka carabiga marka lagu dhawaaqayo.
mid²: m.dh 1. (m.t) Wax tiro ahaan hal ah oo dheddig. 2. Meermeerto weyn oo biyaha baddu sameeyaan.
mid³: f.g1 (-day, -dday) Shaqal carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. m.f.dh, midid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mid
num. one; a, an, any; a unit; someone ~ something [feminine.]
mid [feminine] n. whirlpool (at sea); vortex
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mid
un, unique.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mid
-da / -ka: (n) one (wan); single person or thing; a unit.
isku mid -ah: (adj) same (seeym); identical (aay-dhen tikal) ~ iskumid. Ex: laba buug oo isku mid ah; two copies of the same book
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mid
-da: (magac, dhedig, keli) meermeerto weyn oo biyaha badweynta ka dhexsamaysanta oo wixii dulmaraa aanay ka geyoon xiisaddeeda.
mid -ka: (magac, lab, keli) wax tiradiisu ay hal keliya tahay. Ilaahay waa mid aan ku labaad lahayn. Dh: hal, midh. Wa: halal, midhadh.
mid -ka: (magac, lab, keli) tirada labada ka horraysa. Mid mid u gee waa labo. Dh: hal, kow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mil
mil¹: m.l Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.
mil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iyo wixi lamida hoore ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mil
mil¹: m.l Milme hoore lagu qasay natiijada ka soo baxda.
mil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Adke milme ah, sida sonkor, cusbo iyo wixi lamida hoore ka dhigid. m.f.dh, milid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mil
m. n., (mass n.): solution, liquid with something dissolved in it {chemistry}
mil v. dissolve ~ melt something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mil
(fal) wax adke ah dareere u beddel, Mili biyaha ku mil.
mil-ka: (magac, lab, keli) milme hoore lagu qas natiijada ka soo baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Min
(Min-ka)
1. Aqal; guri; hooy; (ama minan).
2. Ilmasideen; ilmaggaleen; rimmay.
3. Kolay weyn oo timir ah; labo goosaradood oo laysku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
min
min¹: m.l (-nan, m.l) 1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. la-mid: minan.
min²: fk. Midkiiba. Tusaale: “Nimankan min kun shilin sii”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
min
min¹: m.l (-nan, m.l) 1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. la-mid: minan.
min²: fk. Midkiiba. Tusaale: Nimankan min kun shilin sii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
min
[adverbial] [expression] each
min m. n. house, hut, room; womb, uterus
min m. n. large sack ~ basket used for measuring dates
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Min
chaque, chacun.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
min
-ka: (n) ovary (oov ari)-, uterus (yuutaras)-, womb (wuum) ~ rimmay
min: (preposition) [Mathematics]: times (taaymis). Ex: laba meelod oo min laba ah waa afar [2 x 2 = 4] ; two times two is four [2 x 2 = 4]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
min
(falkaabe) midkiiba.
min -ka: (magac, lab, keli) magaca loo yaqaanno beyd ka mid ah beydadka faalka afar arrimood buu ka dhexeeyaa oo uu wax ka sheegaa bugtaan, abaar, colaad iyo nabad. Dh: minfaaleed.
min -ka: (magac, lab, keli) meesha ilmuhu ku dhex abuurmo ee uu ku noolaado inta uu caloosha hooyadii ku jiro. Dh: ilmagaleen, rixim, rimay, makaan.
min-ka: (magac, lab, keli) aqal la galo oo lagu hoydo. Shaydaan minkaaga ayuu kaa saaraa minankiisana kuma gaadhsiiyo. Dh: makaan, hoy. Wa: minan.
min-ka: (magac, lab, keli) kolay weyn oo maydhax caw ama wax la falkiyey ah oo labo koosaradood oo timir ah qaada. Labada qoys midba min u dhig.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mio
agg. - kay(ga).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mir
(Mir-ta)
Wax habeenkii inta la hurdo dhaca ama yimaada ama la falo.
2. Goortaas lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mir
mir¹: m.l Wax tiradoodu hal tahay.
mir²: m.dh 1. Falalka habeenkii dhaca ama la sameeyo. 2. Habeen. 3. Roob habeen da'a. 4. Daajinta geel habeen la daajiyo.
mir³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Habeen nafley cunto siin. 2. (f.mg) Col, roob iyo wixi lamida habeen imaansho. 3. Xoolo, badar iyo wixi lamida oo isku dhex jira sida ay leeyihiin u kala saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mir
mir¹: m.l Wax tiradoodu hal tahay.
mir²: m.dh 1. Falalka habeenkii dhaca ama la sameeyo. 2. Habeen. 3. Roob habeen da'a. 4. Daajinta geel habeen la daajiyo.
mir³: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Habeen nafley cunto siin. 2. (f.mg) Col, roob iyo wixi lamida habeen imaansho. 3. Xoolo, badar iyo wixi lamida oo isku dhex jira sida ay leeyihiin u kala saarid. m.f.dh, mirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mir
num: one ~ a piece of (something)
mir [feminine] n. seed, pip, kernel; fruit; grain crops
mir [feminine] n. event ~ action at night time
mir v. occur ~ come in the middle of the night (e.g., rain; an attack)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mir
-ta: (n) [singular of miro-ha] seed (siidh)
mir -ta: (n) midnight feeding, usually infant feeding ~ miridh-da
mir -tay / miratay: (v) do some activities in the middle of the night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mir
(fal) saq dhexe oo habeennimo ku gud. Caawa mir intay hurdaan. Dh: guur.
mir: (fal) habeen xoolo daaji. Lo'du galabtay soo fushee caawa soo mir. Dh: daaji.
mir: (fal) shiid samee oo dhagaxaan dad ku tuurtuur. Kac naga mir waraabaha.
mir-ka: (magac, lab, keli) hal qudha; xabbad keliya. Wixii aan kuraasi hayay mir kama yaallo. Dh: midh.
mir-ta: (magac,dhedig, keli) daaqsinta habeenkii xoolaha la daajiyo; xunto saq dhexe wax la cuno. Xooluhu xalay mirtii ayay ku raageen oo saaka ayay yimaaddeen. Li: barqasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mix
/miks/ (v) isku-qasid (isku-darid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mix
v.tr., khalad, isku khalad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
moi
moi, pron.pers. - aniga; kayga; markaad waxaaga sheegayso, naftayda; qudhayda.
moi-même - ugu yaryar (tiro ahaan).