mg
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mg
/ (abbr) milligram oo la soo gaabiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Koo
Koo¹: mu.ti.l (kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.
koo²: mu.ac.l (kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) la-mid: kow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaaliyow
f.mg1 (-oobay, -owday) Soomaali noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayeel
aabayeel¹: m.l 1. A. ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. la-mid: aabayeelid.
aabayeel²: f.mg1 (-yeelay, -yeshay) U a.: qaddarin ama tixgelin cid siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburan
aabburan¹: f.mg1 (aabburmay., aabburantay, aabburmi) Dhiil, haan iyo wixi lamida wax la aabburay noqosho. Tusaale: “Weelku waa aabburmay”.
aabburan²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Dhiil, haan iyo wixi lamida wax la aabburay ahaansho. Tusaale: “Weelku waa aabburanyahay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aad
aad: mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). “Ninka aad la hadashay waa walaalkay”. la-mid: aa², aydin.
ąad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Isku ąa. cayaar: isku beegnaan cayaar. 2. la-mid: aadid.
ąad²: m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A. yar: la-mid: aayar.
ąad³: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ąa.: cunto cabid iyo wixi lamida cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ąa.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ąa.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaan
aadaan¹: m.l 1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. la-mid: aadaamid, aaddan¹, eedaan¹.
aadaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay) 1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. la-mid: aaddan², eedaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddan
aaddan¹: m.l la-mid: aadaan¹.
aaddan²: f.mg1 (-damay, -dantay) la-mid: aadaan².
aaddan³: f.g/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tusaale: “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aafo haleeshay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aal
aal¹: m.dh.fk Aashay, -aa, -iis iyo wixi lamida: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale: “Ciise aashiis buu hadlaa”.
aal²: f.g/mg1 (yiil, tiil; aalli) 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. la-mid: ool², oollow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aamminbax
ąamminbax: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Ka ąa.: qof, cid aamminkii uu ku qabay lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammindarreyso
ąammindarreyso: f.mg3 (-stay, -satay) Ka ąa.: cid ka ąamminbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammus
aammus¹: m.l 1. Hadal la'aan. 2. Shib. 3. la-mid: aammusid.
aammus²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusdaran
f.mg4 (-rnaa, -nayd) Wax aan aammusaynin (cid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanee
f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tusaale: 'Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aar
aar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.
aar²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Alaab (aqal iyo wixi lamida) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mag
(Mag-ta)
Qiimaha dhiigga; qofka gardarro lagu dilo, xoolaha laga bixiyo; diyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mag
mag¹: m.dh (-go, m.l) Diyo.
mag²: f.g1 (-gay, -gtay) Khasaaro cid loo geystay qiimaheeda bixin. 2. Diyo bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mag
m.dh (-go, m.l) Diyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mag
f. n. blood-money, compensation payment for killing someone
mag v. pay the blood price, pay money as compensation for killing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mag
-ta: (n) compensation (kom-panseeyshin); blood money (blaadh mani); restitution (resta-tuushin); reparation (ra pareey-shin); indemnity (indhamanti) ~ magdhaw, diyo
u magdhaw -bay / -day: (v) pay compensation, blood money or restitution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mag
(fal) hanti ka bixi dhib ad geysati. Waad na dishee walaalkayoow na mag.
mag -ta: (magac, dhedig, keli) maal laga bixiyo qoon ama qudh baxdey; hanti laga bixiyo dhimasho ama dhaawac qof la gaadhsiiyo. Dh: dhiig, diyo, magdhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mug
(Mug-ga)
1. Weel ama wax kale oo gudo leh, inta qaadkiisu le'eg yahay.
2. Kol; mar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mug
m.l 1. Weel ama wax kale oo gudo leh, inta qaadkiisu le'egyahay. 2. Inta shay gudo leh buuxin karta. 3. Kol; mar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mug
m.l 1. Weel ama wax kale oo gudo leh, inta qaadkiisu le'egyahay. 2. Inta shay gudo leh buuxin karta. 3. Kol; mar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mug
Volume
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mug
Volume
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mug
m. n. capacity, volume, amount a vessel can contain
mug m. n. present time; at this moment, for now, currently
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mug
/mag/ (n) koob dheg leh (fujaan).
mug: /mag/mugging;(v) dhicid (qof xoog wax uga boobid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mug
-ga: (n) capacity (ka paas 'ati); volume (yool 'i-yuum)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mug
(ereycodeed) u dhigma mudh; wa'. Annaga oon eegeynba ayuu mug nagu soo yidhi. Dh: mudh.
mug-ga: (magac, lab, keli) weel ama wax u dhigma oo gun lihi inta halbeeg sadexjibaaran ee uu gudihiisa ku qaadi karo; walax godani inta ay gudeheeda ku qaadi karto.
mug-ga: (magac, lab, keli) inta uu gudaha shaygu le'eg yah. Taangi aad u mug weyn ayaan biyaha ku shubtaa. Dh: qaad.
mug (falkaabe) erey lagu cabbiro amminka kolkaa la joogo. Muggan ayuu baxayaa. Dh: hadda, eegga, imminka, amminka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mug
n., kalax, -i.