meytakaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalo
f.mg3 (-aashay, -aashatay) Meytakaal sameysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaal
meytakaal¹: m.l Xus loo sameeyo dad dhintay.
meytakaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Dad dhintay xusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meytakaal
-ka: (magac, lab, keli) xus loo sameeyo dad dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalid
m.f.dh eeg meytakaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalasho
m.f.dh eeg meytakaalo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Miyomagaalo
Urban-rural
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maakaal
m.l la-mid: maankaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maakaal
-ka: (magac, lab, keli) xamakuda iyo xashiishka ka hadha saliidda sisinta laga shiido ee xoolaha la siiyo. Xooluhu maakaalka way ku naaxaan. Dh: mangaal, xamaku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaalo
(Magaala-da)
Meel dad badani deggan yahay oo guryo iyo dhisas kale oo badan oo dhagax ah leh; waxaa jooga talis maammula danaha iyo arrimaha guud oo dadka siiba kuwa dhaqaalaha, siyaasadda, dhaqanka bulshada, diinta; beled.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalo
m.dh (-ooyin, m.l) Meel dad badani wada degganyahay oo leh guryo badan, waddooyin, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo iyo wixi lamida; beled.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalo
f. n. town, city
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Magaalo
urbain.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAGAALO
(Masalo) May Maytenus undata (Thunb.) Blakelock. Celatraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalo
-magaalada: (n) city (siti), town (tawn) ~ balad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Magaalo
Città
City
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalo
-da: (magac, dhedig, keli) meel dad badani deggen yihiin oo leh kaabayaasha bulshadu u baahan tahay oo dhan sida biyaha korantada dugsiyada dhakhtarrada iyo wixii la mid ah oo ay ku yaalliin xarumaha dawladdu. Dh: beled, magaal. Li: miyi, baadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalo
de: town, city
lx: magaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: magaalo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
magaalo
مَدِينَة، بَلْدَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaalo
m.dh la-mid: maqaalad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
metallo
s.m. - bir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaalo
(Tabaala-ha)
(weligeed: koox) waayaha adduunka; sah; xaal; waxtabasho; dhibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaalo
m. n. trouble; financial difficulty; physical weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaalo
-tabaalaha: (n) destitution (des-ta-tuushin); poverty (pover-ti); bad times; misfortune (mis-foor-jin); adversity (adh-veersiti); difficulty (difi-kalti) ~ dhibaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo kadeed laga dhaxlo duruuf nololeed oo adkaata; waayaha adduunka. Tabaalaha adduunku yaanu mabda'aaga tirtirin. Dh: sah, xaal. Li: badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaalo
de: trouble; financial difficulty; physical weakness
initial: t
lx: tabaalo
pd: (/ha ~ /da)
ps: n6-m/f
key: tabaalo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wakaalo
v. appoint someone as one's representative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wakaalo
de: appoint s.o. as one's representative
initial: w
lx: wakaalo
pd: (wakaashay)
ps: v3b=tr
see: wakiilo
key: wakaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaalo
f.g3 (-aashay, -aalatay) Qof meehaal samaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meehaalo
v. expect, hope (against hope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meehaalo
(fal) shaqa la'aan dhulkaa iska joogjoog. Iska meehaalo inta lagu meelaynayo. Dh: bashaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meehaalo
de: expect, hope (against hope)
lx: meehaalo
pd: (meehaashay)
ps: v3b=
key: meehaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weysaalo
(Weysaala-ha)
Waxyaalo diricnimo ku jirto oo qof falo; wacdaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaalo
m.l.w W. ah: waxyaalo diricnimo muujiya oo qof sameeyo, wacdaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weysaalo
m. n. marvel, extraordinary event, heroic act; miracle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaalo
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaalo geesinimo ku jirto oo la sameeyo. Goobtaa Axmed baa weysaalo dhigay. Dh: wacdaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weysaalo
cf: wacdaro
de: marvel, extraordinary event, heroic act; miracle
initial: w
lx: weysaalo
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: weysaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beytimaal
(fal) wax baylahsan oo aan tashiilnayn ahaw.
beytimaal -ka: (magac, lab, keli) wax baylahsan oo aan tashiilnayn ahaan. Dh: bulqaas.
beytimaal -ka: (magac, lab, keli) dawladihii hore ee Islaamka meeshay ku kaydsan jireen lacagaha iyo wixii maguurto ah, oo qiimo weyn leh, sida dahabka iyo qalinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalo
-da: (magac, dhedig, keli) wax xilliga aan la shaqaynayn lagu baashaalo oo la isku maaweeliyo. Riwaayadaha waxan u daawadaa madadaalo ahaan. Dh: maaweelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mergayaale
-ha: (magac, lab, keli) midhaha geedaha qaarkood sida qudhaca galoolka iyo maraaga oo geydhe laga dhigto. Dh: dhinbil, qabco, gaydhe, dheemaal.
mergayaale-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geedaha ka dhasha ama ka dhexbaxa geedaha kale oon godax lahayn. Sogsogta waxa ka dul bigla mergayaale. Dh: hiddigalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Salaad ka hor weysaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weysaqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Salaad ka hor weysaysasho. m.f.dh, weysaqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beytimaalid
-da: (magac, dhedig, keli) baylahtir la'aan; tashiil la'aan. Dh: bulqaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beytimaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) beytimaalis iyo tashiil la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beytimmaali
f.g2 (-iyay, -isay) Hanti baylah ka dhigid. la-mid: baytimmaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leextukaale
-ha: (magac, lab, keli) arrin laga. hadlaayo wax yar ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lextukaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: leextukaaleyso.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MEYRODAWACO
Aristida adscensionis 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermagaalo
m.l la-mid: reermagaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeyraxagato
m.dh (-ooyin, m.l) Xasharaad yaryar oo hargaha iyo wixi lamida. dufanka ka cuna.